Ka shaqeynta Nederlaan markaad heysato dokumentiga-W
Ma heysataa dokumentiga-W ee 1 sano ah ee Nederlaanka? Markaa waad shaqeyn kartaa ayadoo ay sharuudo jiraan. Waxaad halkan ka heleysaa sharuudaha, shaqo raadin iyo sida loo qorto.
Nin iyo naag oo wada taagan oo waraaqo gacmaha ku wata
Qodob
Sharuudaha markaad shaqeyneyso oo heysato dokumentiga-W
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:25 GH

Codsigaaga magangelyada ma ka socdaa Nederlaan 6 bilood ama ka badan? Markaa waa la oggol yahay inaad shaqo lacag ah aad ka shaqeyso iyadoo sharuudo ku xiran yihiin.

Sharuudahan adigoo ka soo baxaaya waad shaqeyn kartaa:
  • Waxaad heysataa

    dokumentiga-W oo sax ah
    .

  • Codsigaaga magangelyo 6 bilood ayaa lagu hawl jiraa. Waxaad ka xisaabineysaa waqtiga aad codsiga magangelyada (

    foomka -M35H
    ) aad ka saxiixday Ter Apel.

  • Shaqo siiyahaaga wuu kuu sameeyey sharciga shaqada (twv) si aad ugu shaqeyso.

  • Waxaad u degan tahay Nederlaan si sharci ah.

  • Waxaad xaq u leedahay in lagu dejiyo iyadoo lagu salaynayo

    Xeerka dheefaha ee magangalyodoonka iyo qaybaha kale ee ajaaniibta (Rva)
    .

  • Shaqada aad qabato waa iney ahaataa mid hoos imaada 'xaaladaha suuqa'. Tani waxay ka dhigan tahay in shuruudo la mid ah ay adiga ku khuseeyaan kuwa kale ee isla shaqadaada qabta. Inta aad shaqaynayso, inta aad shaqaysato iyo inta maalmood ee fasaxa aad xaqa u leedahay waa inay waafaqsan tahay waxa lagula heshiiyey dadka kale.

  • Haddii aad tahay qof daýar ah, mabda'a ahaan waa laguu oggol yahay inaad shaqeyso, sida kuwa da'da yar ee Nederland loogu oggol yahay inay ku qabtaan shuruudo gaar ah. Waxaa jira Nederlaan iney mamnuuc tahay

    ku shaqeysiga carruurta
    .

Shaqo siiyahaaga waa inuu sharciga shaqada (TWV) kuu dalbaa.

Shaqo siiyahaaga wuxuu ka dalbaayaa lacag la'aan TWV

Waaxda Fulinta Ceymiska shaqaalaha (UWV)
. Tani adiga ma sameyn kartid. Waxaa UWV ay ka soo go'aaminaayaan codsigaaga 5 wiig gudahooda. Isla markii uu shaqo siiyahaaga TWV haysto waad shaqeyn kartaa.

Haddii uu shaqo siiyahaaga shaqo ku siiyo adigoo aan heysan TWV, taasi waa dembi ciqaab mudan. Markaa shaqo siiyahaaga waa la ganaaxi karaa. Adiga laguma siin karo ganaax. Ma dhacaayaa TWV? Markaa waa in shaqo siiyahaaga uu TWV cusub kuu dalbaa.

Inta badan waxaad u baahan tahay BSN

Guud ahaan waxaad u baahan tahay

Nambarka adeega bulshada BSN
si aad u shaqeyso Nederlaan. Markaa shaqo siiyaha si fudud ayuu heshiis shaqo kuu sameyn karaa iyo mushaharka bangigaaga kuugu soo shubi karaa. Si aad bangi u furato akoon bangi waxaad u baahan tahay BSN.

Haddii aad hesho BSN marka aad iska qorto

Diiwaangelinta Shaqsiga (BRP)
. Waxaa jira 5 meelood oo Nederlaan oo aad iska qori karto. Waxaad helidoontaa casumaad si aad isa soo qorto.

Sidaan ayaa ku heleysaa nambarka (BSN) si aad arrimahaaga Nederlaan uga abaabusho
Boggan ayaa ka aqrineysaa sida aad nambarka Adeega Shaqsiga (BSN) ku heleyso.

Xaaladaha qaarkood, loo-shaqeeyuhu wuxuu rabaa inuu sameeyo qandaraas BSN la'aan. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu sidoo kale ku bixin karaa mushaharkaaga akoonkaaga Yoursafe ee COA haddii aadan weli haysan BSN. Laakin inta lacag ah ee aad ka heli karto Yoursafe iyo cidda waxey ku xiran tahay nooca akoonkaaga Safe. Miyaadan haysan BSN laakiin ma leedahay akoon Your Safe? Kadib waydii shaqaalaha COA inuu ku caawiyo. Fadlan ogow: inta badan suurtagal maaha in la shaqeeyo BSN la'aanteed. Xitaa haddii aysan BSN ahayn shuruud adag. Ficil ahaan, waxaad had iyo jeer u baahan tahay BSN haddii aad rabto inaad Nederland ka shaqeyso.

Mar mar waxaad u baahan tahay Cadeynta Asluubta (VOG)

Mar mar waxaad shaqada tabaruca

u baahan tahay Cadeynta Asluubta Wanaagsan (VOG)
. Badiyaa ururka ayaa kuu dalbaayaa VOG. Taasi looma baahna inaad adiga sameyso. Uma baahnid
nambarka-BSN
si aad u weydiisato VOG dalbato.

Haddii aad shaqo heysato waa inaad qarash iska bixisaa hoyga dejinta ah

Ma degan tahay hoyga COA? Markaa waa inaad daqligaaga u sheegtaa COA. Waa inaad wax ka bixisaa qarashka hoyga. Waa laguu oggol yahay 25 boqolkii oo daqligaaga inaad adiga heysato, ilaa ugu badnaan € 264,- bishii.

Ma shaqeysaa wax ka badan inta aad ka bixineyso hoyga? Markaa wixii dheeraad ah ee daqligaaga waad heysan kartaa.


Maxey kula tahay qodobkan?