Ka shaqeynta Nederlaan markaad heysato dokumentiga-W

Ma heysataa dokumentiga-W ee 1 sano ah ee Nederlaanka? Markaa waad shaqeyn kartaa ayadoo ay sharuudo jiraan. Waxaad halkan ka heleysaa sharuudaha, shaqo raadin iyo sida loo qorto.
Nin ayaa laabtoobka horfadhiya maqaayada kafeyga
Laga soo xigtay: Edmond Dante
Qodob

Raadinta shaqada adigoo heysta dokumenti-W

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:25 GH

Waxaad weli sugeysaa sharci deganaansho oo magangelyodoonka, laakiin waxaad aad u rabtaa inaad Nederlaan ka shaqeyso? Boggan ayaa warbixin dheeraad ka heleysaa sida shaqada loo helo.

Haddii aad weli sharci deganaansho heysanin waad shaqeyn kartaa sharuudo xadidan adoo fulinaaya

Ma heysataa

doumenti W
oo ah 12 ama 18 bilood? Markaa waxaa keliya shaqeyn kartaa haddii 6 bilood ama ka badan codsigaaga magangelyo Nederlaan ka socdo. Shaqo siiyahaaga waa inuu
kuu weydiiyaa sharci shaqo
. Sharuudooyin kale ayaa jira haddii aad shaqeyn rabto.

Ka aqriso wax dheeraad ah sharuudaha shaqada marka aad heysato dokumenti-W

Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ee sharuudaha shaqada lacagta haddii aad sharci deganaansho magangelyo aad ka weydiisato Nederlaan.

Helitaanka shaqo muddo ah oo xafiisyada shaqada

Haddii aad raadineyso shaqo muddo ah oo aad rabto inaad dhaqso shaqo u biloowdo, waxaa fikrad fiican ah inaad iska qorto xafiiska shaqada muddada raadiyo. Xafiiska shaqada mudada waa urur isku keenta shaqo bixiye iyo shaqaalaha. Haddii aad shaqo raadineyso, waxaad iska qori kartaa xafiiska shaqada muddada shaqo raadiye ahaan.

Waxaad kala hadleysaa shaqaalaha xafiiska shaqada mudada, waxaad u sheegeysaa nooca shaqada aad raadineyso, qibrada shaqada aad leedahay iyo waxbarashada aad soo qaadatay. Shaqaalaha wuxuu isku deyayaa inuu kuu helo shaqo kugu habboon. Shaqada aad ka heleyso xafiiska shaqada muddada ah badiyaa waa mid muddo ah.

Caawino xagga helitaanka shaqada

Degmada aad degan tahay iyo

'Uitvoeringsinstituut Werknemersverzekeringen' Xafiiska Fulinta Ceymiska shaqaalaha(UWV)
wey kaa caawini karaan shaqo raadinta.

Ururka Qaxootiga caawiya (VWN) wey kaa caawin karaan. Qofka xariiriyahaaga ee degamadaada ayaa su'aalahaaga ka jawaabi kara ama u diri kara ururka ku habboon ee agagaarkaaga ah.

Raadinta shaqo luqadaada ah xagga Refugee Work

Haddii aad rabto inaad shaqeyso, waxaad ka codsan kartaa websaaytka RefugeeWork. Waxaad goobtaasi, ka raadin kartaa shaqo luqadaada. Xaqiiqdii, waxaa RefugeeWork ka heleysaa shaqooyin la raadinaayo oo lagu tarjumay 11 luqadood. Qaabkaasi, waxaad ku aqrineysaa shaqooyinka jira luqadaada markaa waxaad shaqo siiyayaasha u sheegeysaa inaad rabto inaad u shaqeyso.

Haddii aad rabto inaad shaqeyso, waa shaqeyn kartaaka dalbo RefugeeWerk websaaytkooda. Waa inaad ku buuxisaa qofka aad tahay. Waxaad kaloo upload-ku sameyn kartaa Cv gaaga xagga RefugeeWork. Cv ga waa bogga uu ku jiro warbixintaada shaqsiga, waxbarashada iyo qibrada shaqada. Waxaa lagugu xirayaa shaqada adiga kugu habboon.

RefugeeWork waxey bilaabeen

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
. Goobta oo ay saacideyso Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo shaqaalaha ee Nederlaan.

RefugeeWork

Soo booqo websaaytka RefugeeWork iyo ka hel fursado oo luqadaada ku qoran.

Maxey kula tahay qodobkan?