Marka aad shaqo hesho, waxaad saxiixday heshiis shaqo. Tani waxay ka kooban tahay tiro heshiisyo ah oo aad la leedahay loo-shaqeeyahaaga. Adiga iyo loo-shaqeeyahaagu waa inaad sidoo kale raacdaan dhowr xuquuq iyo waajibaad. Halkan ka akhri heshiisyada ugu muhiimsan ee aad la gasho shaqo siiyahaaga.
Ma heysataa
Nederlaan heshiis ayaad saxiixeysaa haddii aad shaqeyneyso. Ka hor intaan heshiiska la sameynin, waxaad la hadleysaa shaqo siiyahaaga si aad ballamo u sameysataan oo arrimaha muhimka ah. Waxaad tusaale ballan ka sameyn kartaa:
Meeqa ayaad qaadaneysaa
Meeqa saac ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad fasax leedahay
Haddii aad ku heshiisaan waxyaalaha muhiimka ah, waxaad saxiixeysaa heshiiska. Dhamaan sharuudaha shaqada waxaa lagu qorayaa heshiiska. Waxaad kaloo xaq u leedahay fasax adigoo lacag kuu socoto xaaladaha qaarkood, sida fasaxa ummusha, fasaxa waalidnimada iyo fasaxa daryeelka.
Shaqaale mushahar qaata ahaan waxaad leedahay, xaquuq gaar ah. Xaqa ugu muhiimsan waa xaqa mushaharka ugu yar. Taasi waa qaddarka loo baahan yahay inaad hesho ugu yaraan shaqada aad qabaneyso, waxaana ay ku qoran tahay sharciga.
Mushaharka ugu yar wuxuu ku kala duwan yahay da'da. Marka aad sii weyn tahay, mushaharka ugu yar wuu ka sii kordhayaa. Laga bilaabo da'da 21, mushaharka ugu yar yar waa qaddar go'an. waxaa muhiim ah inaad qaadan wax ka yar mushaharka ugu yar.
Intaa waxaa dheer, mar walba waad kala xaajoon kartaa mushaharka. Hubi in mushaharkaaga uu ahayn mid ka yar dadka kale ee isla shaqadaada oo kale qabanaaya.
Qarashka ku baxa aadista iyo noqoshada shaqada waa qaali. Waxaa uu shaqo siiyahaaga ku siin karaa kaalmada safarka. Tani waa qarashka aad geshay si aad shaqada u aado oo laguu soo celinaayo.
Markaad ku safrayso gaadiidkaaga, baabuurka ama gaadiidka dadwaynaha, loo-shaqeeyaha wuxuu dib u celin karaa qaddarka ugu badan ee sharci ahaan la go'aamiyay adigoon wax canshuur ah ka bixin. Haddii loo-shaqeeyahaagu uu soo celiyo wixii intaa ka badan, wax kasta oo ka sarreeya lacagtan ayaa loo tiriyaa mushahar ahaan. Markaa waxa lagu cashuuri doonaa sida mushaharkaaga intiisa kale.
Marka lagu safraayo gaadiidka dadweynaha wuxuu shaqo siiyahaaga wuxuu dooran karaa inuu qarashka la galay in loo celiyo iyadoo aan canshuur laga bixineynin. Markaa wuxuu shaqo siiyahaaga bixinaayaa qarashka oo dhan ee tusaale ahaan kaarka tareenka ama rukunka- gaadiidka dadweynaha.
La samey qorshe shaqo siiyahaaga
Haddii aadan ogeyn qaabka uu loo shaqeeyahaaga dib ugu celiyo qarashka gaadiidka dadweynaha? Waxaa fiican inaad tani heshiiska shaqada ka hor ka sii hadashaan.
Haddii aad ka yar tahay 18 sano waxaa jira nidaamyo gaar ah oo shaqada. Taasi qaxootiga jooga Nederlaanna wey qabaneysaa. Maadaama dhamaan ilmaha jooga Nederlaan ee u dhexeeya 5 iyo 16 jir waa ku waajib waxbarashada. Marka ilmaha aysan weli heysanin shahaadada dugsiga sare, waa ku waajib waxbarashada ilaa 18 jirsadaan. Taasi waxaa saameyn ku leedahay inta aad shaqeyn karto iyo shaqada la oggol yahay inaad ka shaqeyso.
Halkan ka aqri waxa loo baahan yahay inaad u feejignaato.
Wixii su'aalo sharciyada la xariira iyo warbixino dheeraad oo ku saabsan heshiisyada shaqaalaha waxaad la xariiri kartaa