Adeegyada
Boggan waxaad ka heleysaa dulmar ururada ku taag oo adeegyo kala duwan. VluchtelingenWerk, oo ah qeyb ka tiran RefugeeHelp, waxey bixiyaan adeegyo kala duwan. Intaa waxaa dheer RefugeeHelp iyo ururo wadashaqeeyaan oo ku caawini kara. La yeelo xariir ururka sida ugu wanaagsan kuu caawini kara.

Falanqeynta dhibaatada qixitaanka
Falanqeynta dhibaatada qixitaankaaga ayey VWN kaa caawineysaa inaad sida ugu fiican ee suura gal ah u sheegato dhibka qixitaankaaga. Sidaa ayaa u heleysaa IND dhamaan warbixinta loo baahan yahay si ay go'aan laga fekeray ay codsigaaga magangelyo uga soo gaaraan. La xariir qofka la xariirkaaga ee VWN haddii aad su'aalo ka qabto ama rabto inaad isticmaasho adeegan.
NL | EN | RU | UK | TR | FA | FR | TI | SO | AR | PR

Kaalmada dib u noqoshada
VWN ayaa ku caawineysa haddii aad adiga rabto inaad ku noqoto wadanka aad ka soo jeedo. VWN ayaa bixisa tusaale ahaan warbixin ku saabsan caawinadee dhaqaale ama hagis ayaad ka heli kartaa ururada kala duwan. Kala xariir qofka ku xariiriya ee VWN wixii dheeraad ah.
NL | EN | RU | UK | AR | PR | FA | FR | SO | TI | TR
Adeega kuwa aan wada shaqeyno

Suuqa interneetka ee bilaashka ah
Ma rabtaa alaab bilaash ah? Waxaad suuqa alaabta ee interneetka "Goods for Refugees" la soo geliyaa alaab qaxootiga isticmaali karaan sida dharka, alaab guriga iyo qalabyada.
NL | EN | RU | UK | FR | TR | AR | SO | TI | FA

Caawinaad xagga raadinta qoyska
Xariirka aad la lahayd qof reerka ah ayaa kaa lumay? Qeybta Restoring Family Links. Dib u celinta xariirka reerka ee Laanqeyrta Cas ayaa kaa caawin kara inaad qoyska aad kala dhunteen xariirkiina dib u hagaago.
NL | EN | AR | FR | FA | RU | UK | SO | TI | TR | PR
070 44 55 822

Xafiiska caawinta xaquuqda caruurta
Xafiiska caawinta xaquuqda caruurta Soo galootiga waxe bixiyaan talo sharciyeed ku saabsan xaquuqda caruurta iyo soo galootiga iyo waalidka (soo koriyey). Qareennada xafiiska ayaa kaa caawinaaya su'aalaha ama goorta xaquuqda ilmaha lagu xadgudbo.
NL | EN
071 516 09 80
helpdesk@defenceforchildren.nl

Khadka caawinaada dhibaatada nafsiga
Waxaa khadka caawinada MIND bixiyaa caawino lacag la'aan ah oo dhibaatooyinka nafsiga. Waxaad ula tegi kartaa suáalaha ku saabsan xaalada caafimaadka ee nafsadaada ama dadka kuu dhow. Caawiyayaasha MIND ayaa ku siinaaya talo iyo kaa caawinaaya inaad hesho daryeelka saxda ah.
NL
+316 138 638 03
0900 1450
hulplijn@wijzijnmind.nl

Khadka macluumaadka ee dadka Nederlaan ku cusub
Ma ku cusub tahay Nederlaan iyo ma qabtaa su'aalo ama ma u baahan tahay talooyin caawino caafimaadka, hoy, amaanka, cuntada ama caawinaad dheeraad ah? Tabarucayaasha Laanqeyrta Cas "Rode Kruis" ayaa kaa caawinaaya helitaanka caawino iyo adeegyo degaankaaga ah. Waxaad la xariiri kartaa isniin ilaa iyo jimce 10:00 iyo 18:00
NL | EN | RU | AR | FR | UK | TR
+31 97 010 286 964