Dib ula midoobida qoyska ee waalidkaa, walaalahaa ama carruurtaada qaangaarka ah
Ma doonaysaa inaad keento (waalidkaa) waalid ku soo koriyey, walaalahaaga, ama carruurtaada waaweyn Nederland? Kadib waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska adigoo isticmaalaya sharci la yiraahdo 8 EVRM. Sharciyo gaar ah ayaa arrintan khuseeya. Waxaad ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan xeerarkaas boggan.
Keenista reerka ee garoonka diyaarada Schiphol.
Laga soo xigtay: Selma van der Bijl
Qodob
Shuruudaha dib ula midoobida qoyska ee waalidkaa, walaalahaa ama carruurtaada qaangaarka ah
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 2:20 GD

Ma doonaysaa inaad keento (waalidkaa) waalid ku soo koriyey, walaalahaaga, ama carruurtaada waaweyn Nederland? Kadib waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska adigoo isticmaalaya sharci la yiraahdo 8 EVRM. Sharciyo gaar ah ayaa arrintan khuseeya. Waxaad ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan xeerarkaas boggan.

Shuruudaha dib ula midaynta qoyska xubnaha qoyskaaga ee wadanka ku haray

Iyadoo lagu salaynayo qodobka 8 ee Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub (8 ECHR), waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska xubnaha qoyska qaarkood. Qodobka 8 ee ECHR wuxuu dhigayaa inaad xaq u leedahay nolol gaar ah iyo mid qoys. Qaabkan midaynta qoyska waa inaad buuxisaa ugu yaraan 2 shuruudood:

  1. Waxaad heysataa sharciga deganaanshaha magangelyada kuu gaar ah.

  2. Dammaanadda qoyskaaga ayaa hore u jiray ka hor intaadan u qaxin Nederlaan. Taas macnaheedu waxa weeye inaad ku wada noolaydeen dalkaagii.

Kuwani waa xaaladaha aad fursad u leedahay inaad qoyska dib ula midoobo sida ku cad qodobka 8 ee EVRM
  • Waxaad ka yar tahay 18 sano oo waxaad dooneysaa inaad dib ula midoobo walaalahaa kaa yar.

  • Waxaad tahay waalid oo waxaad rabtaa in aad dib ula midowdo carruurtaada qaangaarka ah. Waxaad muujin kartaa inay kugu tiirsan yihiin.

  • Waxaad tahay 18 jir qof ka weyn oo waxaad rabtaa inaad waalidkaaga la midowdo. Waxaad muujin kartaa iney adiga kugu tiirsan yihiin.

Waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska xubnaha kale ee qoyska adigoo u maraya nidaam ka duwan

Haddii aad haysato sharciga degenaanshada magangalyada, waxaad nidaam kale u codsan kartaa isukeenida qoyska:

  • Xaaskaaga ama lamaanahaaga. Ma leedahay wax ka badan 1 xaas? Kadib waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska 1 xaas.

  • Caruurta aad adiga dhashay iyo caruurta aad soo korisay ama aad korsatay ee kayar 18 sano ee ka mid ahaa qoyska marki la joogay waddanka aad kasoo jeedo. Haddii waalidka kale ee cunugga uu dibedda joogaayo? Markaa waa inuu waalidkaasi oggolaansho siiyaa cunugiina inuu aado Nederlaan.


Maxey kula tahay qodobkan?