Keenista reerka ee garoonka diyaarada Schiphol.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Selma van der Bijl
Qodob
Shuruudaha isu keenidda qoyska ee joogtada ah
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:28 GH

Haddii aad dadka reerkaaga rabto inaad Nederlaan keento, waa inaad codsataa mideynta qoyska. Taasina waxaa jira nidaamyo u gaar ah. Boggan ayaa wixii dheeraad aad ka aqrin kartaa nidaamyadaasi.

Farqigan ayaa u dhexeeya "mideynta qoyska magangelyada" iyo "mideynta qoyska ee joogtada"

Kadib markaad hesho sharciga degenaanshada magangalyada, waxaad haysataa 3 bilood inaad xubnaha qoyskaaga ku keento Nederland adigoo sii maraya nidaamka mideynta qoyska magangelyo.

Haddii aadan waqtiga mideynta qoyska ee magangelyada lagu dalbado kaa dhamaato, waxaad weydiisan kartaa mideynta qoyska caadiga. Taasi dhowr carqalado ayey leedahay:

  • Mideynta qoyska magangelyo waa lacag la'aan. Mideynta qoyska joogtada waa lacag

  • Mideynta qoyska marka aad magangelyo ka dib keeneyso sharuudo aan aad u adkayn ayaa ka soo bexeysaa marka loo fiiriyo sharciyada caadiga ee deganaanshaha. Sida marka aad caadi ahaan reerka u keensaneyso waa inaad sharuuda daqliga aad ka soo baxdaa. Taasi looma baahna marka aad magangelyo ka dib aad weydiisaneyso.

Waxaad codsi caadi ah sameyn kartaa inaad xubnaha qoyskaaga katirsan dib ula midowdo oo keento wadanka haddii:
  1. Waxaad haysataa ogolaanshiyaha joogitaanka Nederlaan in ka badan 3 bilood ka dib markaad hesho ogolaanshahaaga ayaad rabtaa inaad u weydiiso qoyska keenista.

  2. Waxaad ka soo baxeysaa sharuuda daqliga

    ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada(IND)
    .

Waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska iyadoo adigoo maraayo nidaamka caadiga ah:
  • Xaaskaaga ama lamaanahaaga. Ma waxaa leedahay 1 xaas ka badan? Markaa waxa keliya laguu oggol yahay 1 xaas inaad mideynta reerka u dalabto.

  • Caruurta aad adiga dhashay iyo caruurta aad soo korisay ama aad korsatay ee kayar 18 sano ee ka mid ahaa qoyska marki la joogay waddanka aad kasoo jeedo. Haddii waalidka kale ee cunugga uu dibedda joogaayo? Markaa waa inuu waalidkaasi oggolaansho siiyaa cunugiina inuu u baxo Nederlaan.

Reerkaaga qaarkooda waxaad u sameyn kartaa codsi qaab kale ah

Ma doonaysaa inaad codsato isukeenid qoyska xubnaha kale ee qoyska, sida carruurta ka weyn 18 jir ama waalidkaa, walaalaha ama walaalasha? Markaa taasi suurtogal kama noqonayso nidaamka dib-u-midaynta qoyska ee caadiga ah. Tani waxay mararka qaarkood suurtagal ku tahay nidaam kale, oo loo yaqaan "isku-keenida qoyska magangalyada 8ERVM".


Maxey kula tahay qodobkan?