Dib ula midoobida qoyska ee waalidkaa, walaalahaa ama carruurtaada qaangaarka ah
Ma doonaysaa inaad keento (waalidkaa) waalid ku soo koriyey, walaalahaaga, ama carruurtaada waaweyn Nederland? Kadib waxaad codsan kartaa isukeenida qoyska adigoo isticmaalaya sharci la yiraahdo 8 EVRM. Sharciyo gaar ah ayaa arrintan khuseeya. Waxaad ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan xeerarkaas boggan.
Keenista reerka ee garoonka diyaarada Schiphol.
Laga soo xigtay: Selma van der Bijl
Qodob
Kuwan ayaad sii sameyneysaa marka xubinta reerkaaga Nederlaan imaado
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:27 GH

Codsigaaga mideynta qoyska ma la ansixiyay? Kadib xubin qoyskaagu wuxuu ku imaan karaa Nederlaan isagoo fiisaha ka soo qaadanaya safaaradda Nederlaan. Waxa kale oo aad u habaynaysaa dhawr waxyaalood oo xubin qoyskaaga ah oo Nederlaan jooga.

Xubinta reerkaaga waa inuu fiisada ka soo qaataa safaarada Nederlaanka

Si aad u imaadid Nederland, xubin qoyskaagu waxa uu fiisaha ka qaadan karaa safaaradda Nederlaand ee dalka xubnaha qoyskaaga. Dalku galkani waxa uu leeyahay

Ogolaansho Deganaansho Ku Meel Gaar ah (MVV)
waxaana codsada
Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND)
. Miyayna safaarad Nederlaan ah ku lahayn dalkaas? Markaa safaaradda Nederland ee dalka deriska la ah waa in aad taasi ka samayso.

Warqada IND waxaa ku qoran in reerkaaga MVV soo qaadan karaan. Go'aanka waxaa kaloo ku qoran faahfaahinta sida uu xubinta reerkaaga uu MVV u soo qaadan karaan. Goáanka waxaa kaloo ku qoran faahfaahinta sida xubinta reerkaaga ugu safrayaan iyo waxa la rabo inuu sameeyo marka uu imaado Nederlaan.

Badiyaa waa in reerkaaga MVV ay soo qaataan 3 bilood gudahooda ka dibmarka IND ay dhahaan in reerkaaga ay imaan karaan. Mar mar ayaa mudadan la dheeraayaa 6 bilood. Tusaale ahaan safaarada ayaa dhib loo helaa ama haddii reerkaaga ay safaarada Nederlaan oo wadan kale ah u safrayaan.

Waxaad u habaynaysaa meel uu ku noolaado xubinta qoyskaaga ee Nederlaan ah

Ma leedahay guri uu ku noolaan karo xubnaha qoyskaaga? Markaa xubinta qoyskaaga ayaa si toos ah kula iman karta isla marka uu Nederlaan yimaado. Mararka qaarkood waxaad degmada ka heleysaa guri ka weyn marka xubnaha qoyskaagu imaadaan Nederlaan.

Guuritaanka ka dib marka reerka la keeno
Boggan ayaa ka aqrin kartaa waxa loo baahan yahay inaad sii diyaariso haddii aad guureyso mideynta qoyska darteeda.

Weli ma degan tahay xerada COA? ama gurigaaga kuma haboona adiga iyo reerkaaga Tusaale ahaan wuu idinku yar yahay.? Markaa waxaad weydiisaney dejin

Centraal Orgaan opvang Asielzoekers (COA)
. Waxaad kaloo hagahaaga
VluchtelingenWerk (VWN)
ayaad weydiin kartaa inuu taasi kuu sameeyo. Ama adiga ayaa iskaaga u ameysanaaya adigoo tallaabooyinka hoos ku qoran raacaaya:

  1. U dir iimayl COA ee Zevenaar si aad u codsato hoy. Ciwaanka iimaylka waa FMMZZevenaarDuiven@coa.nl

  2. Fadlan ku dar macluumaadkan adiga kugu saabsan iimaylkaaga: magacaaga hore iyo kan dambe, lambarka teleefankaaga, iimaylkaaga iyo ciwaanka iimaylka qofka la xiriirka ah ee VWN.

  3. Fadlan ku dar faahfaahintan xubnaha qoyskaaga ama xubnaha qoyskaaga iimaylkaaga: Magacyada hore iyo kuwa dambe ee dhammaan xubnaha qoyska ee kula safraya,

    lambarada V
    dhammaan xubnaha qoyska ee soo safraaya,

  4. Sidoo kale u soo dir taariikhda imaatinka Nederland iyo taariikhda daryeelka looga baahan yahay xubnaha qoyskaaga.

Waxaad xaqiijinta COA ka heli doontaa iimayl 2 maalmood oo shaqo gudahood ah.

Haddii xubin qoyskaagu uu ku noolaanayo hoy, COA waxaad adiga ballan ka qabsaneysan doontaa IND

Haddii xubin qoyskaagu uu imaado Nederlaan waa inuu sida ugu dhaqsaha badan u soo qaataa sharciga deganaanshaha. Wuxuu qofka qoyskaaga ka soo qaadanayaa xafiiska IND ee Zevenaar. Taasi ka hor ayaa online-ka ballan uga qabsaneysaa.

Ballanta IND waa in la sameeya isla markii aad ogaato waqtiga uu qofka reerkaaga Nederlaan la imaanaayo. Ballanta IND caadi ahaan waa in 3 beri gudahooda marka qofka reerkaaga imaado la sameeyaa. Maadaama ay IND mashquul yihiin, uma suura gasho marna iney dhaqsahaasi ballan kuugu sameeyaan. Mar mar ayaa ballanta tahay dhowr wiig ka dib marka uu xubin ama xubnaha reerkaaga imadaan. Sidaa awgeed waa muhiim inaad ka hor inteysan xubinta ama xubnaha reerkaaga imaanin aad ballanta sii qorsheysaa. Isla markii aad ogaato waqtiga xubinta reeekaaga imaanayo ballanta ka qorshey.

Ballan ka sameysasho IND
Halkan ka sameyso ballan marka ad soo qaadaneyso sharciga deganaanshaha ee xubinta reerkaaga. Waxaad ballanta ka sameyneysaa xafiiska IND ee Zevenaar.

Haddii xubin qoyskaagu uu ku noolaanayo hoy, COA waxay kala ballami doontaa IND

Miyaad iimayl u dirtay COA dejinta xubnaha qoyskaaga? COA waxay markaas ballan ku qabsan doontaa IND ee Zevenaar si ay u soo qaadato sharciga deganaanshaha. Ma aha in aad ballan la samaysato IND laftaadu.


Maxey kula tahay qodobkan?