
Waxaa dib ugu noqoneysaa waddanka Yurub ee mas'uulka ka ah codsigaaga magangelyodoonka
Haddii Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND) ay si kama dambeys u go'aansato inaad ku laabato waddankii Yurub ee aad markii ugu horreysay ka codsatay magangalyo, waa inaad ku soo laabataa dalkaas 6 bilood gudahood.
Waxaa heli doontaa caawino u safrida waddanka kale ee Yurub
Ku noqoshada wadanka koowaad ee Yurub aad magangelyada ka weydiisatay waxaad heleysaa caawino. Dib u noqoshadan waxaa loo yaqaan 'ku wareejin'. Tani waa 6 bilood gudahooda la sameeyaa, haddii wadanka kale ay su'aasha iney dacwadaada ka shaqeeyaan ay ogolaadeen
Waxaa jira 3 qaab oo laguugu wareejin karo waddanka kale ee Yurub
Si madax banaan ayaad u noqon kartaa. Haddii aad taasi rabto, waxaad la xariiri kartaa
.Adeega dib u noqoshada iyo Bixida (DT&V)Qof dowlada Nederlaanka u shaqeeya ayaa ku celinaaya. Taasi waxey dhacdaa haddii aad si iqtiyaari ah u bixin.
Qof u shaqeeya dawladda waddanka kale ee Yurub ayaa ku soo celinaya. Tani waxay dhacdaa haddii aadan si ikhtiyaari ah uga bixin.
Ilaa aad dib ugu noqoneyso wadankaasi ka shaqeynaaya codsigaaga magangelyo, waxaad xaq u leedahay hoy Nederlaan ah