Nin iyo naag ayaa arrimaha sharciga si wadajir ah uga hadlaya xarunta magangalyodoonka ee Rijswijk.
Laga soo xigtay: Merkportaal
Qodob

Waxaa IND go'aamineysaa wadankee waajib ku ah inuu codsigaaga magangelyo ka shaqeeyo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/28/2025, 10:34 GH

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ayaa baari doona haddii waddan kale oo Yurub ah oo aad hore maganelyo u weydiisatay, masúul ka yahay codsigaaga magangelyo. Markaa waa inaad wadankaasi u noqotaa. Waxaa kaloo IND ay go'aamin kartaa in Nederlaan mas'uul ka tahay codsigaaga magangelyo.

Waxaa IND baareysaa wadankee waajib ku ah inuu codsigaaga magangelyo ka shaqeeyo

IND
waxey weydiineysaa wadanka koowaad ee Yurub ee aad magangelyada ka weydiisatay iney dacwadaada ka shaqeeyaan. Haddii IND go'aamiso in wadankaasi mas'uul ka yahay codsigaaga magangelyo, markaa warqad ayaa heleysaa. Warqadan waxaa lagu magacaabaa 'waxa la damacsan yahay '.

Waxa IND weydiineysaa wadanka kale ee Yurub inuu codsigaaga magangelyo ka hawl galo

Waa in IND 3 bilood gudahooda codsiga ugu gudbisaa wadanka kale ee Yurub ee aad hore magangelyo uga weydiisaty. Haddii farahaaga laga helo mid ka mid nidaamyada, waa in IND codsi ku gudbisaa 2 bilood gudahooda wadankaasi. Haddii aan taasi la sameynin, waa in Nederlaan ay codsigaaga magangelyo iyaga ka shaqeeyaan

Dalka kale ee Yurub wuu aqbalayaa ama diidayaa codsigaaga magangelyo

Dalka kale ee Yurub waa in 1 bil gudahooda ku soo jawaabaan codsiga in dib laguu celiyo. Haddii astaanta farahaaga laga helo nidaamyada, waa in wadanka 2 wiig gudahooda ku soo jawaabaan. Haddii wadanka uusan jawaabin, wadankaasi mar walba waa ka mas'uul codsigaaga magangelyo

Haddii ay tahay inaad wadanka kale ee Yurub ku noqoto, waxaad caawino ka heli kartaa lawyar

Haddii IND go'aamiso inaad dacwada magangelyo ka heleynin Nederlaan, waxaad caawino ka heli kartaa lawyar. Jawaabta lawyarka ka dib ayaa IND go'aamin doontaa wadanka mas'uulka ka ah codsigaaga magangelyo

Haddii IND ay weli aaminsan tahay in dalka kale ee Yurub uu ka baaraandegayo codsigaaga magangelyo, waa inaad ku noqotaa waddankaas. Haddi IND ay aaminsantahay in Nederlaan ay baarto codsigaga magangalyada, markaas codsigaga waxaa lagu baaraandegi doonaa nidaamka guud ee magangalyada.

Dacwad racfaan ayaa ka qaadan kartaa go'aanka IND

Waxaa kaa caawin kara lawyarkaaga inaad maxkamada dacwad ka qaadato. Xakinka ayaa baaraaya in IND ay dacwadaada Dublin si wanaagsan u fulisay. Xaakinka wuxuu go'aamin doonaa in IND go'aanka saxda ah ka gaartay ineysan codsigaaga magangelyo laga howl galin.

Waxa IND go'aamin kartaa in Nederlaan ay mas'uul ka tahay codsigaaga magangelyo.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful