Dad badan oo kale ayaa shaqo hela inta lagu jiro dacwada magangalyada
Waxaa 2024 shaqeynaaya 4 jibaar dadka u socdo dacwada magangelyada marka loo eego sanadkii hore. Taasi oo keeneysa xeerar cusub oo 2023 la soo saaray. Rogier ooka socda xafiiska shaqada Randstad wuxuu arkayaa isbedelo fiican oo bulshada oo aad dhaqso u shaqeyn karto.
Tirada magangelyodoonka shaqeeya waxay 4 jeer ka badan tahay sannadkii hore
Sannadkii 2024, 7,370 qof oo magangelyo codsaday ayaa shaqo helay. Taasi waxay 4 jeer ka badan tahay tii 2023, markii 1,840 qof ay heleen shaqo, ayaa sheegaysa
Tani dhamaan waxaa keenay xeerarka cusub ee2023 la soo saaray. Tani waxey u ogolaaneysaa iny dadka wax badan shaqeeyaan inta lagu jiro dacwada magangelyada. Hore waxaa loo oggolaa keliya 24 wiig sannadkii iney shaqeeyaan. Xeerka cusub waxaad shaqeyn kartaa ilaa intii wiig aad rabto, xitaa haddii aadan weli sharci deganaansho lahayn. Xeerkan cusub wuxuu sababay iney dad badan shaqo heystaan inta uu socdo dacwada magangelyada.
Dad badan ayaa shaqo ka hela xafiiska shaqada
Xogagta UWV waxaa ka muuqda iney sahlan tahay in shaqo laga helo xafiiska shaqada marka aad iskaaga aad shirkada shaqo raadis uga qorato shirkado kala duwan. Xafiisyada shaqada kaama caawiyaan keliya shaqo, laakiin waxey kaloo kuu hagaajinayaan waxyaalo kale. Tusaale ahaan waxey xafiiska shaqada kuu dalbayaan TWV oo aad u baahan tahay si aad u shaqeyso. Keliya
Randstad waa 1 ka mid ah xafiisyada shaqada ugu weyn ee Nederlaan oo qibrad u leh iney shaqo u helaan dadka dacwada magangelyada ku jira. Rogier Schweitzer oo ka socda Randstad ayaa yiri: " Xamaasada iney shaqeeyaan ayaa aad u weyn dadka magangelyada weydiista", ayuu yiri. "Mararka qaar waxaa loo baahan yahay caawino dheeraad, xagga luqada ama kala duwanaanta dhaqanka. Sidaa awgeed ayaa Randstad idiin caawinayaan adiga iyo shaqosiiyahaaga si aad si guul leh aad shaqada u bilowdo."
Randstad waxey leedahay qeyb gaar ah oo qaxootiga ka caawisa iyo taageerta xagga:
Shaqo raadin: Randstad ayaa si toos kuugu xireysa shaqo bixiyaha.
Tababar dheeraad ah: Shirkadaha qaar Randstad la shaqeeya, waxey bixiyaan tababaro si ay u horumariyaan xirfadahaaga ama kuu baraan xirfado cusub.
Shaqooyin badan ayaa ka jira maqaayadaha, nadaafada, xamuulka iyo farsamada
Haddii aad weli ku jirto dacwada magangelyada, badiyaa shaqo bilow ah. "haddii tusale ahaan aad garyaqaan ahayd wadankaaga? Markaa isla markiiba shaqadaadi kama shaqeyn kartid Nederlaan", ayuu yiri Rogier. Taasi waxay u baahan tahay tababar dheeraad. "Sidaa awgeed waxaa jira fursado xagga maqaayadaha, nadaafada, xamuulka iyo wax soo saarka.
Randstad waxey la shaqeysaa shirkadaha KPN, KLM iyo FrieslandCampina, kuwaasoo tababar kaa caawin kara. Tusaale ahaan sia aad u noqoto makaanik. Tababarka mar walba suura gal ma aha dadka weli dacwada magangelyada u socoto. Shirkadaha ayaa diyaar u ah iney tababar u hagaajiyaan dadka hubo iney Nederlaan sii joogi karaan muddo dheer.
Rogier wuxuu arkaa isbedelo wanaagsan oo xagga shaqada ah
Rogier wuxuu arkaa in shirkado badan oggol iney shaqaaleysiiyaan dadka magangelyada weydiisanaaya. "Mawduucan ayaa si soo kordheysa looga hadlayaa siyaasada iyo bulshada", ayuu yiri. "waxaa jira isbedel wanaagsan oo socd."
Ma rabtaa inaad shaqeyso oo weli dacwada magangelyada miyaa ku jirtaa? waxan ayaa suur gal ah:
Weydii Xarunta Dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka (COA) ama Randstad, Tempo Team, ama mid ka mid ah xafiisyada kale ee shaqada ee ka shaqeeya xeradaada. Xafiisyo badan ayaa ka caawiya meelo kala duwan marka shaqo la raadinaayo.Talada Rogier:"Mar walba iska hubi in shirkada shaqaaleynta ay ku xiran tahayABU ama NBBU, markaa waad hubtaa in shaqo sharciga waafaqsan aad ka shaqeyneyso Nederlaan."
Weydii VluchtelingenWerk Nederland (VWN) haddii ay kaa caawin karto inaad shaqo hesho.
Iska diiwaangeli xafiisyo shaqada oo kala duwan.
Ka fiiri internet-ka (tusaale ahaan LinkedIn) ama shaqo bixiyaasha gobolkaaga haddi ay shaqaale raadinaayaan.