
Yemeniyiinta wey ka tegayaan Nederlaan, inkastoo ay xaq u leeyihiin dacwad magangelyo cadaalad ah
Dad badan oo Yemen ka yimid ayaa ka sii tagaaya Nederlaan maadaama ay u maleeyaan iney codsigooda magangelyo wax rajo ah lahayn. Waxey kaloo u qabaan iney leeyihiin xaquuq ka yar tii hore. Taasi sax mahan dhamaan. Haddii aad ka timid Yemen, weli waxaad xaq u leedahay dacwad magangelyo daacad ah iyo caawino xagga sharciga
Yemeniyiintu waxay ka baqayaan in aanay hadda ka dib xaq u lahayn magangelyo
Waxaa 3 bilood ee la soo dhaafay soo gaaray Xafiiska caawinada "Helpdesk"
Waxa ay sheegeen Yemeniyiinta Nederlaan jooga oo leh dad badan oo ku xiran iney Nederlaan ilaa 200 qof ay ka tageen. Tani waxey ka muuqataa ka dib markey RefugeeHelp ay baraha bulshada. Sababaha bixitaanka waa:
Iyaga waxey ka baqayaan inaan Nederlaan ka heleynin sharci magangelyo iyo iney muddo dheer qaadaneyso ilaa
ay go'aan gaarayaan.Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)Waxey sheegeen inay u arkaan in codsiyadooda magangelyo si ka adag dadka wadamada kale looga go'aamiyo.
Codsiyada magangelyo ee dadka ka yimid Yemen toos looma ogolaado
Dowlada Nederlaanka waxey weli u aragtaa iney ddka ka yimid Yemen ay qatar ku geli karaan dagaalka. Laakiin ilaa maarso 2024 toos uma ogolaadaan dhamaan codsiyada magangelyada ee Yemen. Haddii aad Yemen ka timid markaa weli waad leedahay fursad aad sharci deganaansho ku hesho. Sax ma ahan inaad wax fursad ah ku lahayn magangelyo marka aad ka timid Yemen.
Codsiyada magangelyada ee Yemen waxaa looga howlgalayaa sida kuwa dadka wadamada kale. Haddii aad muujin karto sababta aad qatar ugu jirto Yemen, markaa weli sharci deganaansho waad heli kataa. Tusaale ahaan haddii aad qatar ku jirto:
shaqada aad qabato darteed.
maadaama aad ka tirsan tahay dadka laga tirada badan yahay ee diinta.
sababo dhaqdhaqaaq siyaasad awgeed.
sababtoo ah daruufo shaqsi ayaa ku noqon kartaa dhibane dhibaato dagaalka.
Diidmooyin badan oo Yemeniyiinta ayaa la arkaa marka uu lawyarka caawiyo iney sax ahayn
In kasta oo dadka Yaman ka yimi ay u malaynayaan in aanay fursad magangelyo ku haysan Nederlaan, tani sax ma aha. Tirada codsiyada magangalyada ee Yemeniyiinta ee la ansixiyay ayaa hoos u dhacaysa bil kasta.
Wararka Miiska Caawinada ee VWN waxaa ka cadaanaya in diidmooyin badan oo codsiyada magangelyada ay sax ahayn. Diidmooyinkan Yemeniyiinta si guul ah ayey garyaqaanada uga soo horjeestaan. Garsoorayaal badan ayaa diidan go'aanka IND oo u arka in kiiska dib loo eego. Sidaa awgeed ayaa Yemeniyiin badan ay sharci deganaansho u helaan marka dacwad looga qaado. Sidaa awgeed VWN waxey xooga saarayaan iney muhiim tahay in la weydiisto caawino sharciyeed iyo talooyin in laraadsado, gaar haan marka codsiga magangelyada marka 1aad ee la soo diido.