
Intaan ayey qaadataa dacwadada magangelyada ee Nederlaan
Waxaa Adeega Socdaalka iyo JInsiyada (IND) heysataa 15 bilood oo ay go'aan ku soo gaaraan codsi magangelyo walba oo 2024. Waa inaad sidaa awgeed haddana muddo dheer inaad sugtaa wareysiga 1aad iyo wareysiga 2aad ee IND. Halkan ka aqri waqtiyada sugitaanka ee dacwada magangelyada.
Waxaa jira 3 dacwadood kala duwan iyo mudada sugitaanka ee wadahadalka 1aad
Ka dib markaad Nederlaan magangelyo ka weydiisatay Ter Apel, waxaad heleysaa casumaad wareysiga 1 aad
Dacwada Dublin
Ma u maleyneysaa IND inaad hore magangelyo wadan kale oo Yurub ah uga weydiisatay? Markaa waxaad mareysaa
Waxaa IND codsigaag magangelyo uga howl galeysaa dacwada Dublin
Dacwada la dedejiyey
Ma u maleyneysaa IND inaadan xaq u lahayn sharci magangelyo maadaama aad wadan amaan ah aad ka timid? Ama maadaama aad hore sharci ugu lahayd wadan kale oo Yurub ah? Markaa waxaa mareysaa dacwada deg dega. Mudada sugitaanka wadahadalka IND ee arrintan hadda waa 15 wiig.
Waxaa IND codsigaaga magangelyo kaga howl galeysaa dacwad la dedejiyey
Dacwada Guud ee Magangelyada
Ma ku quseysaa "dacwada guud"? Taasi waa dacwad magangelyo caadi ah. Markaa waa inaad koleyba 19 wiig sugtaa ilaa wareysiga 1aad mareyso ee IND. Waxaa wareysigan 1aad la yiraahdaa "wareysiga isdhiibitaanka".
Mudada sugitaanka ee wadahadalka 2aad wuu dheer yahay
Dacwada magangelyada guud waxaad mareysaa wareysi 1aad iyo wareysi 2aad oo aad la leedahay IND. Wadahadalkan waxey ku saabsan tahay sababaha aad u qaxday oo aad magangelyo Nederlaan uga weydiisaneyso. Sidoo kale waxaa jira wareysiga 2aad muddo dheer oo sugitaan ah. Waa inaad waqtigan xaadirka aad ka dib wareysiga 1aad celcelis ahaan weli43 wiigsugtaa wareysiga 2aad.
Sida uu qabo sharciga Nederlaan waa loo oggol yahay IND iney intaasi dadka sugaan
Waxaa dowlada Nederlaan ay 14 janaayo oo sannadkan ay ku dhawaaqday in IND xitaa 2025 waqti dheeraad heli doonto ay ku go'aamiso codsiga magangelyada. Sida sharciga qabo IND waxey heysataa 6 bilood oo ay go'aan ku gaaraan codsigaaga magangelyo. Laakiin IND sannadihii la soo dhaafay waxey helayeen 9 bilood kale oo ay ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo.
Taasi waxey micnheeda tahay in codsiyada 27 sebtembar 2022 iyo 1 janaayo 2026 ay mudada go'aaminta 15 bilood yahay. Mudadaasi waa in IND ay wareysiga 1aad iyo 2aad kula yeeshaan. Iyo ay go'aan ka gaaraan codsigaaga magangelyo.
Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka
Miyaad sugaysay waraysigaaga 1aad ee IND muddo 6 bilood ah?, haddana ma aadan la yeelan waraysi IND? Kadib weydii shaqaalaha