
Sidan ayaa loo sameeyaa baaritaanka da'da marka IND ka shakiso da'daada
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) waxey sameyn karaan baaritaanka da'da haddii ay ka shakiyaan inaad ka yar tahay 18 sano. Haddii aad ka yar tahay 18 sano waxaad leedahay xaquuqyo kale mudada dacwada magangelyada. Xaquuqdan waxaad keliya heleysaa haddii ay IND hubaan inaad 18 ka yar tahay
Wey baareysaa IND da'daada marka aad imaado Nederlaan
Waxaa IND da'daada ku baarayaan marka hore wadahadal
Ma ka shaki qabtaa IIND da'daada maadaama aadan dokumenti haysanin ama iney u maleeyaan in dokumentigaaga sax ahayn?
Waxey kaloo IND baartaa haddii aad hore waddan Yurub ah u soo joogtay iyo da'da aad wadankaasi uga diiwaangashanayd. Haddii waddan kale oo Yurub aad uga diiwaangashan tahay da'daada, da'daasi ayey IND badiyaa qaadataa.
Mar mar ayaa IND baaritaan jirka sameysaa oo da'daada ah
Waxay noqon kartaa in IND marka wadahadalka kula yeeshaan ka dib iney weli ka shakinayaan inaad da'yar tahay. Iyo hadey warbixinta da'daada wadn kale oo Yurub ku kaydsanayn, waxaa IND ku weydiin kartaa inaad l shaqeyso baaritaan da'da. markaa sawiro raajo ayaa laga sameynayaa gacanta (cudcudka) iyo lafta garabka. Sawirada raajdada ayaa dhaqaatiirta ka arki karaan inta ay qiyaasti da'daada tahay.
Sidan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku raacsanayn natiijada baaritaanka
Baaritaanka IND miyaa ka soo baxay inaad ka weyn tahay 18 jir adigoo aad hubto inaad ka yar tahay 18 jir? Markaa laba wax ayaad sameyn kartaa.
Miyaa ku raacsanayn natiijada baaritaanka jirka? Markaa waxaad mar walba weydiisan kartaa inuu dhaqtar kale mar kale ku baaro. Taasi waxaa loo yaqaan 'fikrad labaad' (second opinion) la weydiisto. Waa inaad iskaaga dhaqtar kale u heshaa oo raba inuu baaritaanka kuu sameeyo.
La xariir VluchtelingenWerk (VWN) haddii aad tani caawino uga baahan tahay. Miyaa ku raacsanayn go'aanka IND? Markaa waxaad go'aanka ka qaadan kartaa dacwad. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad IND dhaheyso inaadan ku raacsanayn. Markaa ayaa IND dib u fiirineysaa iney go'aanka si fiican u gaareen. Ma dhaheysaa IND ka dib inaan da'daada sax ahayn? markaa rafcaan ayaad maxkamada ka qaadan kartaa. Kala xariir lawyarkaaga haddii aad taasi diidmo ama rafcaan rabto inaad ka qaadato