Laga soo xigtay: Jan H Andersen
Qodob

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad ka yar tahay 18 jir

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/30/2024, 2:00 GD

Ma ka yar tahay 18 jir iyo aad Nederland kaligaa u qaxday? Markaa waxa laga yaabaa in nidaamka magangalyadu wax yar kaaga duwanaan karo kan dadka waaweyn. Waxaa jira sharciyo gaar ah iyo waxaad heleysaa taageero dheeraad ah. Maqaalkan waxaad ku akhrin kartaa waxaad u baahan tahay inaad ogaato.

Ururka Nidos ayaa ku taageeri doona mudada dacwadaada magangelyo

Miyaad ka yar tahay 18 jir oo ma ka codsanaysaa magangelyo Nederlaan? Markaa waxaad had iyo jeer wadahadal la yeelan doontaa shaqaale ka tirsan ururka

Nidos
. Ururkani wuxuu kuu sameyn doonaa
masuul
. Masuulkan ayaa Nederlaan adiga masuul kaa ah wuxuuna ku taageeraayaa inta lagu jiro dacwada magangalyada

Ka sokow inaad xaq u leedahay masúul, waxaad mudada dacwada magangelyada aad leedahay dhowr xaquuq ah:

Nederlaan ayaa ku dhawaad had iyo jeer mas'uul ka ah codsigaaga magangalyo

Nederlaan waa iney codsigaaga magangelyo ay ka howlgalaan, xitaa haddii aad ka weydiisatay ama ka diiwaangashan tahay wadan kale oo Yurubta midoobay ah (EU). Waxa keliya ay IND kuu diri kartaa wadan kale oo Yurub ah xaaladaha qaarkood:

  • Haddii aad xubno qoyskaaga ku leedahay waddan kale oo Yurub ah.

  • Haddii aad hore sharci ugu heysatay wadan kale oo Yurub ah.

Qof weyn (ka weyn 18) waxaa loo diri karaa wadan kale oo Yurub ah. Nederlaan waxay sidaas samayn kartaa haddii qofku uu hore u dalbaday magangelyo ama uu ka diiwaangashan yahay waddankaas. Nederlaan markaas waxay waydiisanaysaa wadanka kale inuu si dheeraad ah uga baaraandego codsiga magangalyada iyadoo loo marayo habka Nidaamka Dublin.

Waxaad magangelyo ka codsatay tuulada Ter Apel

IND waxay had iyo jeer uga hawlgashaa codsigaaga magangelyo ee Ter Apel, tuulo ku taal Nederlaan. Ma ka soo gashay meel kale oo Nederlaan ah? Markaa waa inaad adigu u safartaa Ter Apel. Ma diyaarad ayaad ku imanaysaa? Kadib waxaa lagu geynayaa Ter Apel ka dib markaad u sheegto kontoroolka baasaboorka inaad rabto inaad codsato magangalyo.

Waxaa IND ku xisaabtamaysaa mudada dacwada magangelyada da'daada

Haddii aad Nederland kaligeed timid oo aad ka yar tahay 18 sano, waxaad mari doontaa dacwada magangalyada ee dadka waaweyn. Laakiin

Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND)
, oo go'aamiya codsigaaga magangalyada, ayaa ku xisaabtamaya da'daada. Tusaale ahaan:

  • Mas'uulkaagu mar walba wuu joogaa inta lagu jiro wadahadalka IND.

  • Waxaa IND ku siin karaan waqti dheeraad oo wareysiyada.

  • IND waxay su'aalaha kuu weydiin kartaa qaab kale, si aad si fiican u fahanto.

Waxaad xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo dib u noqosho haddii codsigaaga magangelyo la soo diido

Ma la soo diiday codsigaaga magangelyo ee Nederlaan oo suura galna ma aha in laga dacwoodo go'aanka Ind maxkamada? Markaa waa inaad ku noqotaa wadanka aad ka soo jeedo. Laakiin haddii aad yar tahay 18 jir, markaa si fudud leyskama kaa qasbi karo in lagu celiyo.

Waa iney marka hore IND cadeyso iney amaan tahay in lagu celiyo. Waxey baarayaan tusaale ahaan haddii ay wax famil ah kuu joogaan oo ku daryeeli kara ama in meel kugu habboon ay jirto aad ku noolaan karti. Baaritaankan wuxuu socdaa muddo dheer. Mudada baaritaanka waxaad joogeysaa Nederlaan. Ficil ahaan, wax badan ma dhcdo in dadka da'dooda ka yar 18 jir la celiyo.

Tani waa waxa dhacaya haddii aad 18 jir gaarto inta lagu jiro dacwadaada magangalyada

Haddii inta lagu jiro dacwada magangelyada aad gaarto 18 jir, waxaa dacwadaada u soconeysaa sida nidaamka dadka waaweyn. Sidoo kale xaquuqdaada wey isbedeleysaa:

  • Xaq uma lihid daryeel gaar ah oo loogu talagalay dhalinyarada. Waxaad u guuraysaa xerada dadka waaweyn.

  • Ma sii heli doontid masuul ka socda Nidos si uu ku caawiyo inta hawsha lagu gudo jiro.

  • Weli waxaad xaq u leedahay waxbarasho oo waad dhameysan kartaa tababarkaaga, laakiin mararka qaarkood waxaad heleysaa caawinaad ama hagis yar.

  • Wali waxaad xaq u leedahay daryeel caafimaad.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful