Qodob
Waxaa IND gaareysaa go'aan ama inaad sharci deganaansho heleysid iyo in kale
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/15/2024, 3:06 GD

Waxaa IND go'aamineysaa mudada dacwada magangelyada hadii aad Nederlaan joogi karto iyo in kale. Halkan ka aqri waxa jira marka aad sharciga magangelyo hesho. Ama waxa aad sameyn karto haddii IND soo diido codsigaaga magangelyo.

Waxaad heshay sharci deganaansho magangelyodoon oo waa joogi kartaa Nederlaan

Xagga (qareenkaaga) ayaa ka heleysaa warqad IND ay ku qoran tahay dacwada xaduudka in ay dhamaatay iyo aad Nederlaan sii geli karto. Codsigaaga magangelyo iyadoo qareenkaaga lala tashanayo ayaa sida ugu dhaqsaha badan looogolaanayaa. Marka ilaa (waqtigan) Nederlaan waa ku sii noolaan kartaa. Qareenkaaga ayaa kuu sharxaaya waxa ay go'aanka saameyn kuu leedahay

Waxaad heeysaa sharci degnaansho magangelyo 5 sano ah. Ka dib 5 sano ayaa deganaansho joogto aad codsan kartaa ama Nederlaan noqon kartaa.

Codsigaaga magangelyo wuxuu soconayaa muddo dheer taasoo IND waqti dheeraad u baahan

Waxaa IND codsigaaga magangelyada uga howlgeleysaa Codsiga magangelyada ee la dheereeyey (VA).

Warbixin dheeraad ku saabsan dacwada Magangeyodoonka la dheereeyey (VA) halkan ayaad ka heleysaa

Ma heleysid ama isla markii sharci deganaansho magangelyo

Waxaad ka heli doontaa warqad IND ah oo sheegaysa in IND ay qorshaynayso inay diido codsigaaga magangelyo. Warqadan waxaa lagu magacaabaa 'ujeedo'. Warqaddu waxay sheegaysaa sababaha diidmada iyo cawaaqibka ay tani kugu yeelanayso. Waxaad kala hadashaa warqaddan IND qareenkaaga. Habka magangalyada guud, qareenkaagu wuxuu haystaa 1 maalin inuu kaga jawaabo IND warqad. Warqadan waxaa loo yaqaan 'zienswijze'.

Iyadoo asaas u yahay waxa ku qoran aragtida kale ayaa IND fiirineysaa in go'aanka 1aad in wax laga bedelaayo. Waxaa IND ay gaareysaa go'aanka kama dambeyska. Taasi waxaa lagu magacaabaa go'aan 'beschikking'. Waxaa suura gal ah in IND codsigaaga magangelyo weli ay soo diidaan. Waxaa kaloo dhici kara in IND codsigaaga magangelyo iney haddana ogolaadaan marka uu garyaqaanka uu aragtida kale u diro ka dib.

Waxan ayaa suura gal ah haddii magangelyada laguu soo diido

IND weli uma aragto inaad xaq u eedahay deganaansho magangelyo. Waxaad ka heli doontaa warqad IND ah ( qareenkaaga loo diraayo) oo sheegaya in IND ay diiday codsigaaga magangelyo waana inaad ku laabataa wadankaaad ka soo jeedo. Waxay kaloo sharaxaysaa sababta IND ay tan u go'aamisay. Maxaase ka dhalan kara. Oo maxaad samayn kartaa haddii aadan ku raacsanayn diidmada. Waraaqdani waxay sidoo kale sharaxaysaa fursadaha jira ee lagu noqon karo waddanka aad ka soo jeedo

  1. Rafcaan ka qaadashada IND. Adigoo la tashanaaya garyaqaankaaga racfaan waad qaadan kartaa. Taasi waxey la micno tahay inaad si rasmi aad garsooraha ugu gudbineyso inaad ku raacsanayn go'aanka IND. Garsooraha ayaa baaraaya gudbinta ka dib in IND sharciga Nederlaan u degsan si fiican u fulisay ee marka go'aanka codsigaaga magangelyo. Jawaabta Nederlaan waad ku sugi kartaa badiyaa Nederlaan.

    Racfaan ka qaadashada go'aanka IND
    Boggan waxaa ka aqrineysaa sida aad racfaan uga qaadaneyso go'aan IND.

  2. Ku noqoshada wadanka aad ka soo jeedo. Haddii IND ay codsigaaga magangelyo soo diido, laguuma oggola, ma sii joogi kartid Nederlaan oo waa inaad ku noqotaa waddanka aad ka soo jeedo.

    Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga
    Adiga ayaa dooranaaya inaad rabto inaad wadankaaga asalka ku noqoto iyo in kale. Boggan ayaa wixii dheeraad ah ka aqrineysaa ee ku saabsan dib u noqoshada isku filnaanta.

  3. Codsi cusub oo la sameeyo Diidmada ka dib din ayaa magangelyo u weydiisan kartaa. Lakiin taasi waa keliya marka xaalado cusub iyo daruufo cusub aad heysato. Tusaale haan wax baa iska bedelay xaalada wadanka aad ka soo jeedo. Ama xaaladaada shaqsiga weydii garyaqaankaaga ama la xariiriyahaaga Ururka Qaxootiga caawiya (VWN).


Maxey kula tahay qodobkan?