Dacwada xaduudka: magangelyo weydiisashada marka aad ka imaado garoon diyaarad iyo dekad

Nederland ma ku timid diyaarad ama markab? Iyo ma heysatid fiiso aad Nederlaan ku gasho? Kadib waxaad magangelyo ka codsataa nidaamka xaduudka. Tan waxaa sidaan loogu yeeraa sababtoo ah weli si rasmi ah uma aadan joogin Nederlaan. Halkan ka akhri sida nidaamkan magangelyo u shaqeeyo.
Sarkaal Militariga Boqortooyada Xaduudka oo socda Schiphol dadka dhexdooda.
Laga soo xigtay: Shutterstock, Dutchmen Photography
Qodob

Iska sheeg Militariga Boqortooyada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/28/2024, 10:01 GH

Ma ku timid Nederland garoonka Diyaaradaha ee Schiphol, garoon diyaaradeed kale ama deked? Oo ma doonaysaa inaad magangelyo ka codsato Nederlaan, laakiin Nederlaanma soo geli kartid? Ka dib u wargeli Militariga Boqortooyada (Kmar) una sheeg inaad rabto inaad magangalyo ka codsato Nederland.

Waxaad saxiixeysaa codsigaaga magangelyodoonka

Kadib marka aad iska xaadiriso

Booliska Militariga xaduudka (Kmar)
, waxay diiwaan galin doonaan codsigaga magangalyada. Waxay ku weydiinayaan macluumaadka soo socda:

  • magacaaga, taariikh dhalashadaada iyo jinsiyadada

  • KMar waxey kaa qaadayaan sawiro iyo farahaaga.

  • Boliiska waxey kaloo baarayaan dharkaaga iyo boorsooyinkaaga. Waxaa suura gal ah iney kaa qaadaan taleefoonkaaga ama alaab kale ay kaa qaadaan si ay u soo baaraan. Haddii boliiska alaab ay kaa qaadaan, waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah. Warqad si fiican u xafid. Alaabtaasi mar dambe ayaa dib u soo qaadaneysaa adigoo warqadaasi cadeynta dhiibanaaya.

  • KMar waxey ku weydiinayaan su'aalo jidka safarkaaga, haddii aad hore waddan kale magangelyo uga weydiisatay Nederlaan ama waddan kale oo Yurub ah iyo haddii halka wax reerkaaga ah ay kuu joogaan.

Ka dib markii uu KMar kaa aruuriyo macluumaadkan oo dhan, waxaad saxiixday codsigaaga magangalyo. Tani waxaa lagu magacaabaa foomka M35H. Hadda waxaad si rasmi ah magangalyo uga codsatay Nederlaan.

Waxaad mareysaa dacwad magangelyo gaar ah maadaama aad magangelyo ka weydiisaneyso xaduudka Nederlaan

Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND)
ayaa hadda qiimeyn doona codsigaaga magangalyada. Waxay tan ku sameeyaan 'nidaamka xuduudaha'. Kani waa magaca nidaamka magangalyada ee xadka haddii aad Nederland ku timid diyaarad ama xagga badda. Tani waa nidaam ka duwan haddii aad Nederlaan ku timid xagga dhulka. Haddii aad Nederlaan ku timaad dhinaca dhulka, waxaad raaci doontaa dacwad caadi ah. Tani waxa markaa loo yaqaan 'Nidaamka Magangalyada Guud'

Ma ka yar tahay 18 jir oo ma timid Nederlaan kaligaa? Markaa ma geli doontid dacwad xaduudka. Sidoo kale caadiyan kuma geli doontid nidaamkan magangelyo ee Schiphol haddii aad Nederland la timid qoyskaaga oo wadatid carruur ka yar 18 sano. Lagumana dari doono dacwada xuduudka haddii IND ay u malaynayso inaad tahay qof dhibaateysan oo aan ka baaraandegi karin codsigaaga magangalyada dacwada xuduudka. Tani waxay noqon kartaa haddii aad qabto dhibaatooyin maskaxeed ama aad ahayd dhibane kufsi (galmo). Xaaladahan waxaad heli doontaa nidaamka magangalyada guud waxaana lagu geyn doonaa xarunta diiwaangelinta ee Ter Apel

Waxaa jira farqi u dhaxeeyo dacwada xaduudka iyo dacwada magangelyada guud

Waxaa jira laba farqi weyn oo u dhaxeeyo dacwada xaduudka iyo dacwada magangelyada guud.

  1. Inta lagu jiro dacwadaa xaduudka waxaad joogi doontaa hoy xiran. Ka dib markaad iska diiwaan geliso KMar, waxaad aadi doontaa meel dejin ama xero ah oo xiran. Waxay u dhowdahay garoonka diyaaradaha ee Schiphol. Goobtan waxaa lagu magacaabaa

    Xarunta Garsoorka ee Schiphol (JCS).
    Waxaad ku sugnaan doontaa hoygan xiran ilaa inta dacwada xuduudku uu socdo. Laguuma ogola inaad ka baxdo JCS. Hoyga JCS waa xiran yahay sababtoo ah weli ma aadan helin oggolaansho aad ku gasho Nederlaan.

  2. Habka Xuduudku wuxuu badiyaa qaataa wakhti ka yar kan dacwada magangalyada guud

    Dacwada Xuduudka, Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND) waa in ay go'aan ku gaaraan 28 maalmood gudahood. Habka Dacwada Guud waxa ay qaadan kartaa bilo ka hor inta aanad waraysiga kowaad la yeelan IND. Sidaa darteed dacwada Xuduudku waxa uu qaataa wax ka gaaban Dacwada magangelyada Guud. Laakin haddii IND ay awoodi weydo in ay go'aan ka gaarto Dacwada Xuduudka 28 maalmood gudahood, waxaad weli u guuri doontaa xarunta magangalyodoonka. Kadibna codsigaaga magangalyada waxaa sidoo kale loo sii baaraandegi doonaa dacwada magangalyada guud. Markaasoo waqti ka sii dheer qaadanaayo goáanka.


Maxey kula tahay qodobkan?