Muuqaalka Xarunta Cadaaladda Schiphol, meesha ay magangelyodoonka Nederlaan ku yimid garoonka diyaarada ama dekada ku sugaayaan dacwada magangelyada.
Laga soo xigtay: Shutterstock, Stockfoto www.hollandfoto.net
Qodob
Waxaad wareysiga 1 aad ee dacwada magangelyodoonka IND ku mareysaa Schiphol
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/15/2024, 3:20 GD

Goobta xiran ee Schiphol waxay kaloo ka kooban tahay xafiiska Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND). Waxaad la yeelan doontaa wadahadal oo ku saabsan codsigaaga magangelyo. Inta lagu jiro wareysiga 1 aad, IND waxay ku weydiineysaa su'aalo adiga kugu saabsan iyo duulimaadkaaga Nederland. Waxayna IND hubineysaa in macluumaadkaagu sax yahay.

Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga

Wareysiga waxey IND hubinayaan

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
ama in warbixinta. IND wareysigan su'aalo ay ku weydiinayaan su'aalo kugu saabsan. iyo xubnha reerkaaga. IND wareysiga 1aad kuma weydiineyso dhibaaatadaada oo faahfaahsan. Waxaad leedahay wareysi 2aad oo aad si faahfaahsan u sheegi karto.

Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay

Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanku wuu madaxbanaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.

Tan ayaa muhiim ah inaad ogaato si aad isu diyaariso

Waxaad warreysiga1aad la yeelan doontaa IND kaligaa, qareen la'aan. Waxa kaliya oo aad heli doontaa qareen wax yar ka hor waraysiga 2aad.

Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.

.

Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo
Boggan ka aqri dokumentiyadee aad u geyn karto IND. Iyo ka qaabka aad ugu geyneyso.

Waxaa suura gal ah inaad dacwad gaaban gasho

IND miyay u malaynaysaa inaad ka timid

wadan ammaan ah oo aad asal ahaan ka soo jeedid
? Markaa waxaa jirta fursad wanaagsan oo ah inaan Nederland magangelyo lagugu siin. IND waxay codsigaaga magangelyo uga shaqeyn doontaa habraac degdeg ah. Waxaad la yeelan doontaa IND keliya 1 wareysi. IND ayaa markaas go'aan gaari doonta. Tan waxa loo yaqaan dacwada magangelyada la dedejiyey

Waxaa IND codsigaaga magangelyo kaga howl galeysaa dacwad la dedejiyey
Mala tahay IND inaad wadan amaan ah aad ka soo jeedid? Markaa adigana dacwada magangelyodoonka ee la dedejiyey ayaad mareysaa. Ka aqri boggan waxa micnaheeda tahay marka wadan amaan ah laga soo jeedo iyo waxa loola jeedo dacwada la dedejiyey.

Ma u maleyneysaa IND inaad hore magangalyo uga codsatay waddan kale oo Yurub ah? Ama in aad sharci degenaansho u haysato wadan kale oo EU ah? IND waxay markaas ka baaraandegi doontaa codsigaga magangalyada

Dacwada Dublin
. Waxaad la yeelan doontaa IND 1 wareysi keliya. IND ayaa markaas go'aan gaari doonta

Waxaa IND codsigaag magangelyo uga howl galeysaa dacwada Dublin
Boggan ayaa ka aqrineysaa wax dheeraad ku saabsan dacwada Dublin.


Maxey kula tahay qodobkan?