
Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka codsigaaga magangelyo
Waa iney IND waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Taasi waxaa loo yaqaan "in gebreke stellen" "dhaliilida".
Waxaa IND heysataa 15 bilood waqti ah si ay uga go'aamiyaan codsigaaga magangelyo
Sharciga wuxuu dhigayaa
Xaalado dhif ah ayaa dhici karta in IND weli 2x3 bilood ay ku dheereeyan. Laakiin waadix ma aha xaaladahee taa ay jirto ama ay jirin.
Isla marka aad saxixdo codisga magangelyo, waxaa bilaabanaaya mudada 15 bilood tirsigeeda
Waxaa 15 ka bilood ay IND si rasmi ah u heysato ay bilaabanayaan maalinta aad
Si rasmi ah uga codso iney 2 wiig gudahooda ay go'aan ku soo gaaraan haddii ay ka soo daaheen
Ma u suuroobi weysey IND iney 15 bilood ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo? Markaa waxaad adiga iyo lawyerkaaga sameyn kartaan dhaliilid. Waxaad IND si rasmi ah u ogeysiineysaa ineysan dhowrin xeerkii ahaa iney ugu badnaan 15 bilood ku soo go'aamiyaan. Waxaad mar kale weydiineysaa in 2 wiig gudahooda go'aan ku soo gaaraan
Tani u samey sida soo socota
Weydii lawyarkaaga inuu kaa taageero iyo
foomka IND in la buuxiyo . WaxaIND ka hawlgeleysaa dhaliilida keliya haddii taasi boosto ama fax ahaan ay u helaan. U dir iyadoo daabacan oo foomka la buuxiyey: Immigratie- en Naturalisatiedienst Postbus 14 9560 AA TER APEL ama fakis nambarka: 088 043 29 51
2. Hubi inaad dhamaan meelaha buuxisay. ma dhameystirna codsigaaga? Markaa IND codsigaaga wey soo diideysaa. Markaa u digtoonow inuu codsigaaga kaamil yahay marka aad IND dhaliilida u gudbineyso
Waxan ayaa dhacaya haddii IND 2 wiig gudahooda go'aan ku soo gaaraan
Haddii ay IND 'dhaliilida' ay uga soo jawaabaan 2 wiig gudahooda oo ay ka go'aamiyaan codsiga magangelyo, markaa dacwada magangelyo waa dhameystiran yahay. Waxaad heshay go'aan. Codsigaaga magangelyo waala ogolaaday ama waa la soo diiday. Ka aqri halkan waxa ku xiga:
Haddii IND ay weli go'aan gaarin waxaad aadi kartaa xaakinka
Haddii IND dhaliilida ka dib aysan 2 wiig gudahooda go'aan ku gaarin? Markaa waxaad aadi kartaa xaakinka. Taasi waxaa loo yaqaan 'racfaan qaadasho'. Markaa caawino weydiiso oo arrintan ah lawyarkaaga. Sidan ayaad racfaan u qaadaneysaa
Si aad dacwada u bilowdo, waxaad adiga iyo lawyerkaaga u qoreysaan qoraal rafcaan maxkamada. Qoraal rafcaan waa dokumenti aad dacwad ku bilaabeyso oo dowladda ka soo horjeeda
Mararka qaarkood waa inaad adiga iyo lawyarkaaga aad imaadaan maxkamada, laakiin badiyaa ma dhacdo. Xaakinka ayaa badiyaa arrimahan oo kale ka go'aaminaaya asagoo fiirinaaya dokumentiyada. Maxkamada ayaa weydiineysa IND iney dhamaan dokumentiyada soo diraaniyo ay sharaxaan sababta aysan weli go'aan u gaarin. Markaa adiga looma baahna inaad imaado maxkamada, markaa warqad ayaa ka heleysaa oo arrintan maxkamada.
Xaakinka badiyaa 8 wiig ayuu heystaa marka uu qoraalka rafcaanka helo inuu go'aan ku soo gaaro. Haddii xaakinku waqti dheeraad u baahan yahay, xaakinka ayaa arrintan kaa wargelin doono. Go'aanka cinwaankaaga ayaa loo soo diraayaa.
Taasi waxaa ay dheceysaa haddii uu xaakinka go'aamiyo inaad adiga saxan tahay
Haddii uu xaakinka go'aamiyo inaad adiga saxan tahay, waa in IND dhaqso go'aan ka gaaraan codsigaaga. Badiyaa wuxuu xaakinka siiyaa IND waqti dheeraad. Haddii IND aysan mudadaasi dhexdeeda ku go'aamin waayaan, markaa xaakinka IND ganaax ayuu saari karaa. Markaasoo xaakinka rajeynaayo in uu IND ku qasbo iney dhaqso go'aan u soo gaaraan.