
Waxaad sugeysaa wareysiga 2aad ee IND
Wareysiga 1aad ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ka dib waa inaad sugtaa wareysiga 2aad ee IND. Waxaad waqtigaasi u isticmaali kartaa inaad is diyaariso. Mudada sugitaanka waxey celcelis ahaan waqtigan xadirka yahay 63 wiig.
Aruurso dokumentigaaga mudada sugitaanka
Waa muhiim mudada aad sugeyso wixii dukumenti ee suura gal ah inaad aruurisaa oo taageeraaya shaqsiyadad iyo jinsiyadaada iyo dhibka aad u soo qaxday. Lawyarka aad heleyso ka hor warysiga 2aad ee IND, wuu u baahan yahay dukmentiyadan mudada dacwada magangelyada si uu sida ugu wanaagsan kuu caawiyo.
Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo
Waxaad heli doontaa warbixino kaaga yimaada VluchtelingenWerk (VWN)
VWN waxey kaloo kaa caawini karaan arrimaha sharciyada. Iyo aruurinta dokumentiga iyo cadeymada. Caawinada VWN waa mid madaxbanaan oo lacag la'aan ah.
Waxaad suura gal ah inaad marto baaritaanka tiibishada
Mar mar waxaa mareysaa baaritaan-qaaxada, taasi waxey ku xiran tahay wadanka aad ka soo jeedo. Kalkaaliso xerada joogta ayaa baareysa inaad cudurka qaaxada leedahay. Kalkaalisada ayaa haddii loo baahdo sawir raajo ah ka sameyneysa sambabadaada. Ma qabtaa qaaxada? Markaa taasi daawo ayaa lagaa siinayaa.
Mar kasta aad baaritaanka-qaaxada. Haddii aadan is baarin, IND dacwadaada wey joojin kartaa. Markaa hubi inaad ballanta aado
Liiska wadamada Qaaxada
Joogistaada mudada sugitaanka
Mar mar ayaa mudada aad sugeyso dhowr jeer laguu bedelayaa xerooyin kale oo Nederlaan ah. Taasi waxaa keeneysa maadaama waqtigan xaadirka boosas badan uusan ka banaaneyn xeryaha dejinta. Sidaa awgeed
Halkan wax dheeraad ka aqriso dejinta mudada sugitaanka
Waxaa jira muddo dheer oo sugitaan ah wadahadalka 2aad
Maadaama ay IND mashquul yihiin, uma suura geleyso iney codsiyada magangelyada waqtiga ku loogu talo galay lagu go'aamiyo.. Ka dib wareysiga 1aad IND waa inaad waqtigan xaadirka celceliska63 wiig aad sugtaa ilaa wareysiga labaad IND la yeelaneyso.
Dadka qaarkood waa iney muddo ka dheer dadka kale ay sugaan. Waadix ma aha sababta dadka qaarkood ay dhaqso tookadooda loo gaaro wareysiga 2aad ee IND marka loo eego dadka qaarkood. Taasi ayaa ay ku shaqo leedahay wadanka aad ka soo jeedo, laakiin taasi mar walba sidaa ma aha