Shaqo adiga iskaaga u furato adigoo heysta sharci deganaansho magangelyo

Ogolaanshaha joogitaanka magangalyada waxaad ka bilaabi kartaa ganacsi adiga kuu gaar ah Nederland. Qorshahan tallaabo-tallaabo ah waxaad akhrin kartaa sida loo sameeyo.
Laga soo xigtay: Olena Kasian
Qodob

Sharuudaha aad ku iskaaga shaqeyn karto adigoo heysta sharci deganaansho magangelyo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:26 GH

Waa inaad buuxisaa shuruudo gaar ah si aad ganacsi uga bilowdo Nederlaan. Boggaan waxaad ka akhrisan kartaa shuruudahaas waxa ay yihiin.

Qaaba kala duwan ayaad ganacsi uga sameyn kartaa Nederlaan

Waxaa jira siyaabo kala duwan oo aad ku yeelan karto ganacsigaaga:

Waxaad u shaqayn kartaa sidii ganacsade madax-banaan.

Qofka sidan sameeya waxa kale oo loo yaqaana qof iskii u shaqeysta oo aan shaqaale lahayn (qof iskii u shaqeysta). Qof iskii u shaqeysta ah, waxaad u shaqeysaa macaamiil kala duwan adiga oo aan haysan qandaraas joogto ah.

Waxaad bilaabi kartaa ganacsi kuu gaar ah

Waxaad sidoo kale bilaabi kartaa ganacsi kuu gaar ah. Marka aad bilowdo ganacsi kuu gaar ah, adiga ayaa madax u ah, waxaana ku saaran mas'uuliyadda inaad wax walba daryeesho. Taas macneheedu waxa weeye in aad heshiisyo samayso oo aad habayso arrimaha dhaqaalaha. Ma rabtaa inaad shaqaale qorato? Markaa adiga ayaa sidoo kale mas'uul ka ah shaqaalahaaga.

Kuwani waa shuruudaha ganacsi ka sameynta Nederlaan

Si aad u furato ganacsi kuu gaar ah, waa inaad buuxisaa shuruudaha soo socda:

  • Waxaad heysataa sharciga deganaanshaha magangelyada oo sax ah.

  • Waad heysataa

    nambarka adeegga muwaadinka (BSN)
    .

  • Waxaad haysataa

    DigiD
    .

  • Ku soo qor shirkadaada

    Rugta ganacsiga (KvK)
    . Tani waa mid ku waajib ah dhamaan dadka raba iney ganacsi ka bilaabaan Nederlaan.

  • Hubi inaad u baahan tahay ogolaansho gaar ah nooca ganacsigaaga. Tani waxay ku xiran tahay qaybta aad ka shaqeyneyso.


Maxey kula tahay qodobkan?