Waa inaad heshiis shaqo saxiixdaa markaad sharci deganaansho magangelyo heysato
Haddii aad shaqo heshay, waxaad saxiixeysaa heshiiska shaqaalaha. Halkan waxaa ku qoran dhowr ballamo aad la sameysey shaqo siiyahaaga. Adiga iyo shaqo siiyahaba waa inaad dhowrtaan xaquuqda iyo waajibaadka. Ka aqri halkan ballamada ugu muhiimsan ee aad shaqo siiyaha la gashay.
Heshiis saxiixida shaqada cusub
Nederlaan heshiis ayaad saxiixeysaa haddii aad shaqeyneyso. Ka hor intaan heshiiska la sameynin, waxaad la hadleysaa shaqo siiyahaaga si aad ballamo u sameysataan oo arrimaha muhimka ah. Waxaad tusaale ballan ka sameyn kartaa:
Meeqa ayaad qaadaneysaa
Meeqa saac ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad fasax leedahay
Haddii aad ku heshiisaan waxyaalaha muhiimka ah, waxaad saxiixeysaa heshiiska. Dhamaan sharuudaha shaqada waxaa lagu qorayaa heshiiska. Waxaad kaloo xaq u leedahay fasax adigoo lacag kuu socoto xaaladaha qaarkood, sida fasaxa ummusha, fasaxa waalidnimada iyo fasaxa daryeelka.
Xeerarka mushaharka iyo faa'iidooyinka
Shaqaale mushahar qaata ahaan waxaad leedahay, xaquuq gaar ah. Xaqa ugu muhiimsan waa xaqa mushaharka ugu yar. Taasi waa qaddarka loo baahan yahay inaad hesho ugu yaraan shaqada aad qabaneyso, waxaana ay ku qoran tahay sharciga.
Mushaharka ugu yar wuxuu ku kala duwan yahay da'da. Marka aad sii weyn tahay, mushaharka ugu yar wuu ka sii kordhayaa. Laga bilaabo da'da 21, mushaharka ugu yar yar waa qaddar go'an. waxaa muhiim ah inaad qaadan wax ka yar mushaharka ugu yar.
Intaa waxaa dheer, mar walba waad kala xaajoon kartaa mushaharka. Hubi in mushaharkaaga uu ahayn mid ka yar dadka kale ee isla shaqadaada oo kale qabanaaya.
Loonwijzer
Nidaamka qarash celiska safarka
Qarashka ku baxa aadista iyo noqoshada shaqada waa qaali. Waxaa uu shaqo siiyahaaga ku siin karaa kaalmada safarka. Tani waa qarashka aad geshay si aad shaqada u aado oo laguu soo celinaayo.
Markaad ku safrayso gaadiidkaaga, baabuurka ama gaadiidka dadwaynaha, loo-shaqeeyaha wuxuu dib u celin karaa qaddarka ugu badan ee sharci ahaan la go'aamiyay adigoon wax canshuur ah ka bixin. Haddii loo-shaqeeyahaagu uu soo celiyo wixii intaa ka badan, wax kasta oo ka sarreeya lacagtan ayaa loo tiriyaa mushahar ahaan. Markaa waxa lagu cashuuri doonaa sida mushaharkaaga intiisa kale.
Marka lagu safraayo gaadiidka dadweynaha wuxuu shaqo siiyahaaga wuxuu dooran karaa inuu qarashka la galay in loo celiyo iyadoo aan canshuur laga bixineynin. Markaa wuxuu shaqo siiyahaaga bixinaayaa qarashka oo dhan ee tusaale ahaan kaarka tareenka ama rukunka- gaadiidka dadweynaha.
La samey qorshe shaqo siiyahaaga
Haddii aadan ogeyn qaabka uu loo shaqeeyahaaga dib ugu celiyo qarashka gaadiidka dadweynaha? Waxaa fiican inaad tani heshiiska shaqada ka hor ka sii hadashaan.
Nidaamyada shaqo hadii aad ka yar tahay 18 sano
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, sharciyo gaar ah ayaa khuseeya ka shaqaynta Nederlaan. Tani waxay sidoo kale khuseysaa qaxootiga. Carruurta da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 16 sano waa waajib inay aadaan dugsi. Tan waxaa lagu magacaabaa waxbarashada waajibka ah. Haddii aanad haysan shahaado dugsi sare, waa inaad aadaa dugsiga ilaa aad ka gaareyso 18 jir.
Da'daada ayaa go'aamisa inta aad shaqeyn karto iyo shaqada aad qaban karto. Hoos ka akhriso waxa ay tahay inaad fiiro gaar ah u yeelato da' walba:
13 ilaa 16 jir
16 ilaa 17 jir da'da ah
Haddii da'da 18 jir ama ka weyn
Caawino heshiiskaaga
Wixii su'aalo sharciyada la xariira iyo warbixino dheeraad oo ku saabsan heshiisyada shaqaalaha waxaad la xariiri kartaa