Sidaan ayaa guri u heleysaa
Waad ogolaatay guriga
Haddii degmada guri kuu soo bandhigto, waa inaad dhowr waxyaalood sameysaa si aad guriga u ogolaato. Boggan ayaa arrintan ka aqrineysaa.
Waxaad fiirineysaa guriga
Marka guri laguu helo, warqad ayaa heleysaa. Warqada waxaa ku qoran marka aad guriga soo fiirin karto. Taasi waxaa la yiraahdaa soo fiirinta.
Badiyaa waxaa heshiiska ijaarka guriga saxiixeysaa maalinta aad guriga soo fiirineyso. Mar mar ayaa guriga soo fiirineysaa oo aad mar kale aad saxiixeysaa heshiiska ijaarka.
Adiga ayaa saxiixaaya heshiiska ijaarka
Si aad u ogolaato, waa inaad saxiixdaa heshiiska ijaarka meesha hoose. Heshiiskan waxaa ku qoran ballamada idinka dhexeeya adiga iyo guri ijaaraha
Halkan ayaa ka aqrineysaa warbixinta badiyaa ku qoran heshiiska ijaarka:
Magacaaga
Magaca guri ijaaraha
Ijaarka xadkiisa. Badiyaa tani waa keliya qarashka aad ku bixiso guriga. Maraa halkaasi kuma jiro badiyaa qarashka aad ku bixineyso korontada, gaaska iyo biyaha.
Cinwaanka
Faahfaahinta ijaarka guriga. Tusaale ahaan inta qol iyo haddii aad heysato jardiin ama maqaasin alaabta aad leedahay.
Taariikhda bilowga ee heshiiska ijaarka
Taariikhda iyo qaabka aad u bixineyso
Taariikhd uu ijaarka laga yaabo in la kordhiyo
Nidaamyada u degsan dadka meesha degan
Ballanada iyo dayactirka guriga
Saxiixaaga iyo saxiixa guri ijaaraha
Waa inaad guriga ogolaato
Dhamaan xaaladaha waxaa waajib ah inaad guriga ogolaato iyo saxiixaaga aad heshiiska ijaarka ku qortaa. Haddii aad sidan sameyn weydo? Markaa waxaa
Taasi waxaa micnaheeda tahay in COA ay dhaheyso inaad guriga diiday. Waxaa suura gal ah in xerada COA aad ka baxdaa adigoo aan guri heysanin.