Laga soo xigtay: Rein van Zanen
Qodob

Waxaad iska diiwaan gelisaa Rugta Ganacsiga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:26 GH

Ma doonaysaa in aad Nederland ka samaysato shirkad kuu gaar ah? Markaa waa inaad iska diiwaan gelisaa sidii ganacsade ahaan Rugta Ganacsiga (KvK). Halkan ka akhri sida ay taasi u shaqeyso.

Is diiwaan geli ganacsade ahaan

Haddii aad rabto inaad si buuxda ganacsade ahaan u shaqeyso, waxaa lagaa rabaa inaad iska soo diiwaangeliso

diiwaanka ganacsiga
ee
rugta ganacsiga (KVK). waxaad markaa u baahan doontaa:

  • Cadeynta deganaanshaha

    ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)

  • waad heysataa

    nambarka adeegga muwaadinka (BSN)

  • Iyo

    DigiD

Fadlan la soco: Haddii aad hore ganacsade uga ahayd aad rabto inaad sii wadato, weli waad iska diiwaan gelin kartaa Rugta Ganacsiga. Waxaad u baahan tahay dokumentiga rasmiga ee shirkadaada.

Weydiiso DigiD si aad uga gasho websaaytyada dowlada ee Nederlaan
Boggan waxaa ka aqrineysaa sida aad DigiD-ga u codsaneyso.
Waxaad shirkaddaada ka diiwaan gelisaa cinwaanka Nederlaan

Waxaad u baahan tahay cinwaan Nederlaan ah si aad ganacsi uga samayso Nederlaan. Ma lihid cinwaan xafiis? Markaa waxaad isticmaali kartaa cinwaanka gurigaaga. Cinwaankaga waxa si guud loogu daabici doonaa mareegta Rugta Ganacsiga. Dadka raadinaya shirkaddaada waxay sidoo kale ka heli karaan ciwaanka shirkaddaada onlayn.

Wali ma ku nooshahay hoy? Markaa waa inaad kala tashataa meesha aad ku nooshahay inaad iska diiwaan gelin karto shirkaddaada cinwaankan.

Ka sameyso ballan Rugta Ganacsiga 'Kamer van Koophandel

Ma heysataa DigiD? Waxaad isku diyaarin kartaa diiwaangelinta Rugta Ganacsiga Kvk oo internetka ah ka sameyso ballan aad ku booqato Kvk.

Markad ballanta aad ka sameysaneyso Kvk waxaa shaqaalaha Kvk dhameystiri doonaa diiwaangelintaada Diiwaanka Ganacsiga. Markaa laga bilaabo waxaad u diiwaan gashan tahay ganacsade ahaan oo waad bilaabi kartaa ganacsiga.

La xariirkaaga

ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara sida ay kaaga caawiyaan iska qoritaanka KvK.

De Kamer van Koophandel (Rugta Ganacsiga)
Iska diiwaangeli bogga 'Kamer van Koophandel' Rugta ganacsiga, ganacsade ahaan.
Waxaad booqan kartaa Rugta Ganacsiga si aad talo u hesho

Waxaad la xiriiri kartaa Rugta Ganacsiga KvK si aad u hesho talo iyo macluumaad ku saabsan arrimaha ay ka mid yihiin samaynta qorshe ganacsi, maalgelinta la heli karo iyo waajibaadka sharci ee aad leedahay ganacsi ahaan.

Rugta ganacsigu KvK waxay kaloo bixisaa koorsooyin ku saabsan hal-abuurka ganacsi ee Nederlaan. Haddii aad ka diiwaan gashan tahay Rugta Ganacsiga, inta badan waxaad ku qaadan kartaa lacag la'aan.


Maxey kula tahay qodobkan?