Dacwada xaduudka: magangelyo weydiisashada marka aad ka imaado garoon diyaarad iyo dekad
Nederland ma ku timid diyaarad ama markab? Iyo ma heysatid fiiso aad Nederlaan ku gasho? Kadib waxaad magangelyo ka codsataa nidaamka xaduudka. Tan waxaa sidaan loogu yeeraa sababtoo ah weli si rasmi ah uma aadan joogin Nederlaan. Halkan ka akhri sida nidaamkan magangelyo u shaqeeyo.
Laga soo xigtay: IND
Warar cusub
Waxaad wareysiga 2 aad ee dacwada magangelyodoonka IND ku mareysaa Schiphol
La shaaciyey: 5/14/2024, 12:00 GH

Waxaad leedahay waraysiga 2aad ee Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND). Tani waa wadahadal muhiim u ah codsigaaga magangalyada. Waxaad diyaarisay wadahadalkan qareenkaaga. Wareysiga labaad waxaad si faahfaahsan ugu sharraxday sababta aad u soo qaxday.

Laga bilaabo wareysiga labaad dacwada magangelyada Schiphol soconeysaa 6 beri

Waxaa ku mareysaa Schiphol wadahadal faahfaahsan oo Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). Wadahadalkani 2aad waa midka ugu muhiimsan codsigaaga magangelyo. Waxaad si faahfaahsan u sheegaysaa sababta aad u soo qaxday. Laga bilaabo wareysiga 2aad waxey qaadaneysaa 6 beri ilaa go'aan laga soo gaaraayo inaad Nederlaan joogeysid iyo in kale.

Tani ayaa muhiim ah inaad ogaato markaad isu diyaarineyso wareysiga 2aad
  • Shaqaalaha IND ayaa mudada wadahadalka ku weydiinaaya su'aalo ku saabsan sababaha aad us oo qaxday.

  • Shaqaalaha IND jawaabtaada su'aalo ayuu kaa sii weydiin doonaa.

  • Waxaa ku wareysan karo shaqaale IND oo aad isku jinsi tihiin haddii aad rabto. Taasi waxaa ku weydiinaaya shaqaalaha IND ee wareysiga 1aad kaa qaadaaya.

  • Si daacad ah, faahfaahsan iyo waadix ah u sheeg sababta aad u soo qaxday.

  • U sheeg sababta aad shaqsi ahaan badbaado ugu baahan tahay. IND wey la socotaa xaalada guud ee wadankaaga. Sidaa awgeed waa muhiim sababta aad adiga qatar ugu jirtey.

  • Mararka qaar way adagtahay inaad ka hadasho sheekadaada qaxoontinimo. Sicad u sharax arrintan haddii aad dareemayso culays si aad arrintaa uga hadasho. Ama haddii aanad waxa xasuusanin.

  • Ma leedahay calaamado ama dhibaato maskaxda oo ku shaqo leh soo qixitaankaaga? U sheeg taasi IND. Waxaa IND kuu bandhigi karaan baaritaan caafimaad.

  • Waxaa joogi kara shaqaalaha

    wadahadalka Ururka qaxootiga caawiya (VWN)
    haddii aad rabto. VWN ayaa ku caawinaaya iyo waxey sameynayaa sida IND oo kale qoraal wadahadalka ah. Mar mar warbixintanai waa muhiim. Haddii codsigaaga magangelyo la diido oo aad rabto inaad rafcaan ka qaadato, warbixinta shaqaalaha VWN ayaa loo isticmaali karaa racfaanka.

  • IND waxey wareysiga ka sameyneysaa qoraal. Maalinta wadahadalka kadib waxaad kala hadleysaa garyaqaankaaga qoraalka IND. U sheeg garyaqaankaaga haddii qoraalka IND warbixin ka maqan yihiin ama sax ahayn.

Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay

Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanku wuu madaxbanaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.

Sidan ayaa 6 da beri u soconayaan laga bilaabo wareysiga 2aad
  • Maalinta 1: wareysiga 2aad ee IND ayaa leedahay

  • Maalinta 2. Waxaad kala hadlaysaa wareysiga 2aad qareenkaaga Qareenkaaga ayaa kaala hadli doona wqoraalka IND ee wareysiga 2aad. Inta lagu jiro wada hadalkan, tarjumaan ayaa sidoo kale kaa caawin doona inuu kuu turjumo wax kasta oo adiga iyo qareenka aad isdhaafsataanaan. Haddii ay wax ka maqan yihiin warbixinta ama aan si sax ah loo qorin, qareenkaaga ayaa tan u gudbin doona IND.

  • Maalinta 3: IND waxay samaysaa go'aanka koowaad IND waxay qiimeysaa inaad buuxisay shuruudaha ogolaanshaha joogitaanka magangalyada. Waxaa jira 3 doorasho: oggolaansho, diidmo ama iney u baahan waqti dheeraad ah.

  • Maalinta 4: Qareenkaaga ayaa ka jawaabaya go'aanka koowaad ee IND Hadii IND ay qorshaynayso inay soo diido codsigaaga magangalyada, kala hadal qareenkaaga. Qareenkaaga ayaa markaa ka jawaabi kara warqad go'aanka koowaad ee IND. Warqadan waxaad ku sharaxaysaa sababta aad u ogolayn go'aankan.

  • Maalinta 5 iyo 6: Goáanka kama dambeyska ee IND Waxa IND go'aamineyaa inaad buuxisay shuruudaha ogolaanshaha ee sharciga magangelyada. waxaa suura gal ah 3: ogolaansho, diidmo ama waqti dheeraad.

Haddii IND u baahan tahay wakhti dheeraad ah, codsigaaga magangelyo waxa lagu sii baaraandegi doonaa nidaamka magangalyada la dheereeyey (VA). kani waa adigoo xero jooga. Waxaad u guuraysaa hoy aan xidhnayn. Go'aanka codsigaaga magangelyo gadaal ayaa la gaari doonaa.


Maxey kula tahay qodobkan?