Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk
Warar cusub

Waad joogi kartaa xerada adigoo aan heysanin jinsiyada Yukraynka

La shaaciyey: 8/31/2023, 12:00 GH

Ma kaa dhamaaneysaa 4 sebtembar magangelyada mudada ah maadaama adiga aadan heysanin jinsiyada Yukraynka? Markaa magangelyadaada ma aysan joogsanin. Waad joogi kartaa xerada. Halkan ka a qri wixii ay taasi saameyn kugu keeni karto.

Waxaa IND soo dirty warqad rasmi ah oo ku qoran in magangelyadaada ay dhamaatay

IND waxey kuu soo dirtay warqad inaad haddana muddo sii joogi kartid Nederlaan. Ka hor ayaa warqad kale aad ka heshay IND. Warqadaasi waxaa loo yaqaanaa go'aanka. Tani waxey ahayd warqad ay ku qoran tahayin IND go'aamisay in magangelyada mudada ahayd la joojiyey. Hadda waxaa heleysaa warqad in ilaa muddo aad haddan joogi karto.

Ma ogid waxa IND kuu soo dirtay?

Ka fiiri warqadaada mijn IND

Gudaha IND-ga waxaad ku arki kartaa macluumaadkaaga gaarka ah iyo heerka codsigaaga magangelyo.

Ma helin wax warqad ah?

Ka Fiiri xaalada aad mareyso DigiD

Weli ma helin warqad? Markaa gal DigiD si aad u aragto xaalada aad mareyso.

Caawino arrintaan ah ma u baahan tahay? Markaa imoow saacadaha qaabilaada ee xaruntaada ama la xariir VluchtelingenWerk.

La xariirka VluchtelingenWerk Nederlaan

Warbixinta la xariirka iyo saacadaha qaabilaada ee VluchtelingenWerk Nederland waxaa ka heleysaa boggan.

Waxyaalahan ayaa ku saameynaaya haddii ay jogsato magangelyadaada 4 sebtembar:

  • Waad sii joogi kartaa dejinta qaxootiga ee Yukrayn ka yimid ee Nederlaan jooga ilaa

    Maxkamada Sare (RvS)
    go'aanka ku soo dhawaaqeyso.

  • Waa sii shaqeyn kartaa ilaa RvS ay go'aanka ku dhawaaqeyso. Haddii aad codsi magangelyo kuu socdo markaa nidaam kale ayaa jiro.

    Sii shaqeynta mudada dacwada magangelyada

  • Isla markii ay RvS ay go'aan gaaraan. waxaad heysataa 28 beri aad Nederlaan uga baxdo.

Waxyaalahan ayaa kuu suura gal ah hadduu magangelyadaada la joojiyo

  • Dacwad ayaa ka qaadan kartaa go'aanka IND

Haddii aadan kuraacsanayn joojinta magangelyadaada, racfaan ayaad qaadan kartaa. Keliya markaad racfaan qaadato, ayaa laga yaabaa inaad go'aanka xaakinka Nederlaan ku sug karto. Ma qaadaneysida racfaan? Markaa go'aanka xaakinka kuma quseeyo adiga iyo wuxuu joogsanayaa magangelyadaada ka dib marka uu xaakinka ugu sareeya go'aamiyo, RvS.

Racfaan laga qaato joojinta Xaquuqda mudada ee Badbaadinta

Boggan ayaa ka aqrin kartaa inaad racfaan ka qaadan kartid joojinta badbaadinta mudada ah. Taasi waxey kaloo quseysaa dadka ku heystay Yukrayn sharci deganaansho muddo ah.

La soco: Waxaad adigoo dacwad qaxooti bilaabaaya ayaad racfaan ka qaadan kartaa joointa Magangelyada Mudada ah.

  • Waxaad weydiisan kartaa qaxooti

Nederlaan waxaa mar walba xaq u leedahay inaad magangelyo weydiisato. Ka hor miyaa go'aansatay inaadan magangelyo weydiisanin laakiin oo hadda waxaad rabtaa inaad qaxooti weydiisato? Markaa waxaad wici kartaa telefoonka 088 043 04 30. Shaqaalaha VluchtelingenWerk iyo garyaqaankaaga ayaa kaa caawin kara.

La xariirka VluchtelingenWerk Nederlaan

Shaqaalaha VluchtelingenWerk Nederland ayaa ku caawini kara.

La soco: Waxaad adigoo dacwad qaxooti bilaabaaya ayaad racfaan ka qaadan kartaa joointa Magangelyada Mudada ah

  • Waxaad ku noqon kartaa wadankaaga aad ka soo jeedo ama wadan aad sharci deganaansho joogto ah ka heysato

Waxaad ku noqon kartaa wadankaaga aad ka soo jeedid ama waddan aad ka heysato deganaansho joogto ah. Waxaad arrintaa darteed u heli kartaa dhaqaale dowladda Nederlaanka, taasi waxaa loo yaqaan nidaamka dib u haajirida

  • Sharci deganaansho la'aan oo Nederlaan lagu joogo

Racfaan ma qaadaneysid oo waad sii joogeysaa go'aanka maxkamada sare RvS ee Nederlaan? Markaa sharci deganaansho la'aan ayaa ku joogtaa Nederlaan. Wixii waqtigaa ka dambeeya fasax la'aan ayaad Nederlaan ku joogtaa. Boliiska Ajaanibta waxey xaq u leeyihiin iney wadanka kaa saaraan.

Sharci deganaansho la'aan ayaa tahay markaa xaq uma lihid xero, shaqo ama taageero dhaqaale. Waxaa kaa baaba'aaya BSN, ceymiska caafimaadka iyo xisaabtaada bangiga. Waxaad xaq u leedahay daryeel caafimaad, laakiin taasi adiga ayaa iska bixinaaya.

Ku noolaanshaha Nederlaan sharci deganaansho la'aan

Boggan ayaa ka aqrineysaa nolosha Nederlaan marka aad sharci la'aan tahay.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful