
U dabaaldegida xornimada Maalinta Xornimada

Waxaa 5 maajo Nederlaan ay tahay Maalinta Xornimada 'Bevrijdingsdag'. Maalintaasi waxey Nederlaan u dabaaldegeysaa dhamaadka dagaalkii 2aad ee Dunida ee Nederlaan 1945. Waxaa dadka la xasuusiyaa inaan xornimada mid iska jirtey aysan ahayn. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa sida Nederlaan Maalinta Xornimada loogu dabaaldego.
Waa maxay maalinta xorriyadda ee May 5?
Nederlaan waxaa Dagaalkii 2aad ee Dunida 5 sano heystay Jarmalka. Taasi waxey ahayd muddo aad u murugo badan oo saameyn xoogan ku yeelatay taariikhda Nederlaan. Wax ka badan 100.000 Yuhuuda ah ayaa la qabsaday oo la dilay. Taasi waxaa kaloo ay ku dhacday dadka laga badan yahay.
Iyadoo mahada ay leeyihiin wadamada la saaxiibka ahaa ay saxiixeen heshiis halkaasoo 5 maajo 1945 Jarmalka oo heystay wadanka laga xoreeyey Nederlaan. Halkaasi waxaa ku dhamaaday la heysashadii Nederlaan. Laga bilaabo waqtigaasi ayaa Nederlaan sannad walba loo dabaaldegaa 5 maajo Maalinta Xornimada.
Dad badan oo Nederlaan ayaa 5 maajo calanka banaanka sura. Calanka Nederlaan wuxuu astaan u yahay xornimada iyo madaxbanaanida Nederlaan. Sidaa awgeed ayaa calanka la suraa waqtiyada muhiimka ah ee qaranka.
Si wadajir wax loo cuno Cuntooyinka Xornimada
Waxaa kaloo jira khudbado, bandhigyo iyo dhaqdhaqaaqyo laga faa'iideysto si loo xuso xornimada iyo dimoqraadiga. Maalinta ornimada waxaa la kariyaa Cuntooyinka Xoriyada. Dadka wey isu imaadaan si ay wadajir wax u cunaan iyo oga hadlaan xornimada, dimoqraadiga iyo xaquuqda insaanka.
Cuntooyinka Xornimada 'Vrijheidsmaaltijden'waxaa laga helaa meelo kala duwan, sida xarumaha degmada iyo iskuulada. Qof walba ayaa ka qeyb qaadan kara. Adigana waad abaabuli kartaa Cuntooyinka Xornimada.
Guddiga wadaniga 4 iyo 5 maajo 'Nationaal Comité 4 en 5 mei'
Magaalooyinka waaweyn waxaad aadi kartaa Feestooyinka Xornimada
Damaashaadka Xoriyadda ee leh muusiga, qoob ka ciyaarka iyo waxqabadyada dhaqameed ee kale waxay ahaayeen mid si xoog looga yaqaan Nederlaan ah in ka badan 30 sano. Sannad kasta May 5, 14 Xafladood oo Xoriyadda ayaa la abaabulaa: gobol kasta magaalo madaxda Amsterdam iyo Den Haag magaalada uu boqorka degan yahay.
Sannad walba waxa ka jira Nederlaan "Safiirada Xorriyada" taasoo magaalooyin badan. Waxaa 2025 waa: Antoon, RONDÉ, S10 iyo Zoë Tauran. Waxey u duuli doonaan 5 maajo 2025 safiirada Xorriyada Nederlaan oo dhan si ay uga bandhiga faneed uga qabtaan Xafladaha Xorriyada. Iyaga iyo dadka soo booqanaaya waxey ku hakanayaan micnaha ay xorriyada leedahay.
Gelitaanka xafladaha waa lacag la'aan. Cuntada iyo cabitaanka ee xafladahan lagu gado badiyaa keliya kaarka bangiga ayaa ku bixin kartaa. Badiyaa lama ogola inaad cunto iyo cabitaan aad u soo qaadato xarumaha xafladahan.
Halkan ayaa ka heleysaa feestooyinka Xornimada
Damaashaadka xoriyada ayaa lagu qabtaa Nederlaan oo dhan. Waxaad ka heli doontaa kuwa ugu weyn 14 ka magaalo ee hoose:
Noord-Holland
Cultuurpark Westergasfabriek
12:00 - 23:00 saac
Lacag la'aan
Museumplein
12.00 - 22.30
Haarlemmerhout
12.00 - 0.00 saac
Lacag la'aan
Zuid-Holland
Malieveld
12.00 - 23.00 saac
Lacag la'aan
Beerta (ku taal Euromast hoosteeda)
12.30 - 23.00 saac
Lacag la'aan
Utrecht
Park Transwijk
12.30 - 23.00 saac
Lacag la'aan
Groningen
De Drafbaan
12.00 - 23.00 saac
Lacag la'aan
Flevoland
Bartamaha magaalada Almere (Grote Markt iyo Esplanade)
13.00 - 23.00 saac
Lacag la'aan
Zeeland
Bartamaha Vlissengen (Centrum & Machinefabriek)
12.00 - 0.00 saac
Lacag la'aan
Noord-Brabant
Pettelaarse Schans
12:00 - 23:00 saac
Lacag la'aan
Gelderland
Binnenstad Wageningen
12.00 - 0.00 saac
Lacag la'aan
Overijssel
Park de Wezenlanden
11.00 - 23.30 saac
Lacag la'aan
Limburg
Goobta-ARLO ee ku taal aaga Maas
12.00 - 0.00 saac
Lacag la'aan
Drenthe
Goobta xafladda: Baggelhuizen aagga madadaalada
11.30 - 0.00 saac
Lacag la'aan
Friesland
Binnenstad Leeuwarden
13:00 - 23:00 saac
Lacag la'aan