Leticia oo cisbitaalka la joogta ilmaha ay dhashay iyo gabadheeda.
Laga soo xigtay: Leticia
Khibrada

Wax ku dhalay Nederlaan: 5 dumar ka hadlay dheelitirka u dhexeeya dhaqanka iyo caadooyinka cusub

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/2/2025, 9:27 GH
Waxaa abaabulay:Astaanta liimiga ah ee RFG Media.

Sidey tahay marka aad ku dhaleyso Nederlaan, adigoo ka fog caadooyinka aad ku soo kortay? Hanan, Leticia, Koyonga iyo Ashura ayaa qibradooda la wadaagaaya weriye Esther Muwombi. Iyada lafteeda waxey soo martay baaritaan: "waxaan rabey dhalitaan sugan sida mida Uganda isla markaana inaan ka faa'iido daryeelka wanaagsan ee Nederlaan."

"Uganda waxey dhalashada ilmaha micnaheeda tahay inuu qof imaanaayo oo caawinaayo. Nederlaan qof walba wuu mashquulsan yahay"
- Leticia

Daryeelka umusha ee Nederlaan ayaa xoogaa niyada u dejisay hooyada uurka leh Hanan

Hanan ayaa mar dhow ku dhali doonta Nederlaan ilmaheeda 1aad oo waxey ii sheegtay iney welwelsan tahay maadaama aan familkeeda la joogin. "Suuriya haweenka da'da weyn ee familka ayaa dhalmada ka dib sameeyo qubeysyo dhirta ay ku jirto. Waxay aqriyaan ducooyin oo waxaa la cunaa maraq, qudaar iyo hilibka wanka", ayey tiri. "Marar ayaa xitaa la heesaa oo la ciyaaraa."

Inkastoo Hanan ay welwelsan tahay, haddana waxey rajo ka qabtaa daryeelka umusha. Daryeelka umusha waa adeeg guriga oo caawineysa waalidka iyo ilmaha dhashay. Hanan tani wey ku cusub tahay, laakiin fikrada niyada u dejisay. Waxey rajeyneysaa iney taasi reerka oo ay tabeyso xoogaa tan ku kanbaneyso.

Leticia, waa hooyo Ugandees oo 2 caruur leh, waxey isku dayday iney dhaqankeeda Nederlaan u soo qaadato, ayey tiri. Waxey soo qaadatay Uganda geedo-kygero oo ay keentay Nederlaan. Geedahan waa kuwo ilaa ab ka ab loo isticmaali jirey qubeyska ilmaha. "Waxaan dareemay inaan qeyb Uganda ah aan halkan keenay", ayey tiri. Caadadan wuxuu ka caawiyey iney dareento iney ku xiran tahay asalkeeda, inkastoo ay ka fog tahay

Kayongo Ashurah, waa hooyo keli ah oo u dhalatay Uganda, waxey ii sheegtay qibradeeda: " Gurigeyga Uganda dhalida ilmaha waxey micnaheeda tahay in dhamaan familka, derika iyo asxaabta ay imaanayaan si ay u caawiyaan. Marna keligaa ma tihid. Laakiin Nederlaan qof walba waa mashquul. Taasi waxaa loo dareemaa cidlonimo."

Haddana waxey Ashurah aragtaa faa'iidooyinka hooyonimada ee Nederlaan. Waxey ii sheegtay iney ku faraxsan tahay xanaanada caruurta, markaasoo waalidka uu sii shaqeyn karo ama wax sii baran karo. Laakiin waxyaalaha qaarkood waa inaad la qabsataa: "markii aan dhalay waxaa la ii keenay rooti, anigoo guriga ku cuni jirey cunto nafaqo leh. Baahi ayaa i heysay", ayey tiri iyadoo qoslaysa.

"Ilmaheyga markaan gacmaha ku qabtay, waxaan ogaaday in hooyonimada meel walba isku mid tahay: waa safar karti, jeceyl iyo isbedel leh"
- Esther Muwombi

Hooyonimada waa isku mid meel walba

Markii aan ilmaheyga ku dhalaayey Nederlaan, waxaan lahaa dareeno isku darsan oo dumarkaan oo kale. Aniga xitaa raadis ayaan ku jirey u dhexeeya dhaqanada iyo caadooyinka cusub. Aniga waxaan doortay inaan guriga ku dhalo, maadaama aan rajeynaayey xaalad diiran inaan la kulmo sida hooyaday ay ku haysatay Uganda. Isla markaana waan ogaa inaan Nederlaan xitaa haddii aan gurig ku dhalo aan weli isticmaali karo daryeelka wanaagsan ee amaanka ah ee dhalmada Nederlaan.

Dhibaatooyin daqiiqadihii ugu dambeeyay igu dhacay awgeed waxa ay igu kaliftay in aan cusbitaalka aado gurigana kumaan umulin. Sidaas oo ay tahay, waxaan dib u eegayaa dhalmo wanaagsan. Markii aan ilmahayga gacmaha ku qabtay, waxaan ogaaday in hooyonimada ay isku mid tahay meel kasta: safar xoogan, jacayl iyo isbeddel.

Sheekadan waxaa soo qoray Esther Muwombi ee RFG Media iyadoo ay wada shaqeynaayaan RefugeeHelp.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful