Maktabada ayaa arday da'yar uu Nederlaanka ka baranayaa laptop-kiisa.
Laga soo xigtay: Anna Stills / Shutterstock
Qodob

Iskaaga aad af - Nederlaanka u barato haddii aad weli sameyn la qabsashada ama iskuul aadin

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/20/2025, 4:53 GD

Ma rabtaa inaad barato af - Nederlaanka? Haddii aad weli heysanin sharci deganaansho, Nederlaan weli ma sameyn kartid la qabsashada. Weli kama baraneysid luqada Nederlaanka iskuulka ama koorso ahaan. Haddana waa sii bilaabi kartaa inaad barato Nederlaanka. Ka aqri halkan qaababka loo sameyn karo

Ka barasho af- Nederlaanka interneetka

Waxaad interneetka ka heleysaa bogag iyo app-yo aad ku tababaran karto luqada Nederlaanka. waxaa halkan ku qoran talooyin waxtar leh

Waxa bogga 'Oefenen.nl' ka heleysaa casharo luqada oo online-ka ah darajado kala duwan. Bogga luqado badan ayaa lagu aqrin karaa. Qeybta Luqada waxaad ka baraneysaa sida ereyada Nederaanka loogu dhawaaqo, aqriyo iyo loo qoro. Si aad casharada u aragtaa waa inaad sameysataa akoon

'Nt2-taalmenu' waa shabakad aad ku barab karto laga bilaabo darajada-A1 ee luqada Nederlaanka baran karto: maqalka, aqriska iyo ku hadalka. Waxaad kaloo heleysaa naxwiga. Shabakadan waa keliya aNederlaanka iyo Inglishka. Laakiin waxaa kaloo ku jira fiidiyowyo ahCarabiga

iyo Turkiga
oo sharaxaad ka bixinaaya shabakada. Shabakadan looma baahna inaad akoon sameysato

  • YouTube

Waxaad kaloo ereyo ka baran kartaa YouTube. Tusaale ahaan taxanahaOefenen met taal.

Waxaad halkaasi ka fiirsan kartaa wax ka badan 50 filimo oo luqada Nederlaanka ah. Waxaad tusaale ahaan ka baraneysaa ereyo iyo jumlado aad maalin walba u baahan tahay. Waxaa jira filimo ku saabsan isbarashada, shaqooyinka, cuntada, shaqada, xariirka, jirrada, qoyska iyo adeega suuqa. Iyo mawduucyo kale oo badan

Ka baro af- Nederlaanka oo online-ka ah haddii aad ku hadasho Farsi ama Carabi

Ma ku hadashaa Farsi ama Carabi?

  • Waxaad markaa ka baran kartaa app-ka Karibu. Waa app lacag laáan ah oo af- Nederlaankalagu baran karo. Waxaad App ka soo dejin kartaa App Store

    amaGoogle Play
    .

Ka baro af- Nederlaanka oo online-ka ah haddii aad ku hadasho Inglishka

Ma ku hadashaa Inglishka? markaa waxaad kaloo isticmaali kartaa app-yadan iyo fursado interneetka ah si aad af - Nederlaanka u barato

  • Duolingo

    :. Waxaad app-ka Duolingo ka baraneysaa ereyo, jumlado iyo naxwiga. App-kan lacag la'aan ayaa la isticmaali karaa. Ku soo degso telefoonkaaga ama tablet-kaaga Googel play ama App store

  • Memrise

    :.App-kani wuxuu kaa caawinaa barashada luqada Nederlaanka iyadoo fiidiyow oo dadka dhabta ah ee ku hadlaaya af Nederlaanka App- kanina waa lacag la'aan ayaa la isticmaali karaa

  • DutchPod101

    . Qaab kale oo af Nederlaanka lagu bartaa waa iyadoo la dhageysto podcast-yadan, kuwaasoo aad ka dhegeysan karto wada sheekeysi af Nederlaanka ah. Waxaadna podcast-yada ka dhageysan kartaa Spotify

  • Jaamacadda Groningen (RUG) waxey bixisaa dhowr jeer sannadkii .

Ka baro af Nederlaanka maqaayada luqada (taalcafé)

Ma degan tahay xero qaxooti (azc) ee Waaxda dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka (COA)?

Markaa waxaad
Waaxda dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka (COA)
weydiin kartaa wixii dhaqdhaqaaqyo ay baabulaan si aad luqada Nederlaanka u barato. Waxaa COA ay ka abaabulaan meelo badan

  • Maqaayada luqada(Taalcafé): waa maqaayado luqada oo ku kulmaan dadka si ugu tababartaan af- Nederlaanka. Waxaad si wadjir ah ula baraneysaa tabaruc ku hadalka af Nederlaanka.

  • Barnaamijka Diyaarinta ee isdhexgalka: Haddii aad degan tahay azc waxaad isu sii diyaarin kartaa isdhexgalka. Waxaa COA abaabushaa kulamo iyo casharo arrimahan la xariira. Haddii aad ka qeyb qaadato, waad sii bilaabi kartaa barashada af Nederlaanka.

Ka barashada a Nederlaanka ee maktabada

Maktabado badan oo Nederlaan ayaa bixiya fursado barashada af Nederlaankaoo lacag la'aan ah. Maktabada ayaa kaa caawin karta waxyaalaansoo socda:

  • Buugaag: Waxaad soo ergan kartaa buugaag af Nederlaanka in lagu barto loogu tala galay.

  • Dhaqdhaqaayo iyo kooxaha luqada: Maktabado badan ayaa abaabula dhaqdhaqaaqyo lacag la'aan ah sida maqaayada luqada iyo kooxo, si aad ula tababarato kuwo kale af Nederlaanka.

  • Maadooyin caawino oo dhijital ah: Waxaad kaarka maktabada badiyaa u leedahay helida buugaag elektronik iyo aalado caawiya luqada

Weydii maktabada degaankaaga wixii suura gal ah.

Af-Nederlaanka ka baro qof tabaruc Nederlaan ah

Haddii aad rabto inaad Nederlaankaka barato qof Nederlaan ah, waxaa jiro ururo kugu xiri kara qof Nederlaan ah oo kaa caawiya luqada. Taasi waxaa la yiraahdaa saaxiibka luqada ama tabaruca luqada. Ururadaan ayaa kula xariirinaaya qof Nederlaan ah oo kaa caawin kara luqada

  • Het Begint met Taal:

    Ururkani wuxuu ka caawiyaa helida saaxiib luqadeed oo degaankaaga ah.

  • VluchtelingenWerk Nederland
    waxey leeyihiin saaxiibo luqadeed. Weydii la xarriiriyahaaga VluchtelingenWerk sida aad ku heli karto saaxiib luqadeed

  • Degmooyin badan ayaa leh saaxiib luqadeed oo si lacag la'aan luqada kugu baraaya. Weydii degmadaada sida aad ula xariiri karto saaxiib luqada iyo inuu jiro maqaayad luqada.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful