Odey baa taraamka dhex fadhiya
Laga soo xigtay: Shutterstock, BearFotos: Oude man zit in de tram
Qodob
Xaq uma lihid hawlgab Nederlaan inta lagu jiro nidaamkaaga magangelyo
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/15/2024, 3:15 GD

Magangelyo-doon ma tahay oo dhawaan ma noqon doontaa 67 jir? Mise 67 jir baad tahay ama ka weyn tahay? Markaas waxaad haysataa da'da ay dadka Nederlaan ku helaan hawlgab. Laakin maadaama aad Nederland soo gashay, xaq uma lihid lacag hawlgab ah. Waxaad helaysaa lacag aad ku noolaato.

Sidaan ayey u hawlgashaa Hawlgabka Nederlaan

Waxaad joojisaa shaqada Nederlaan da' go'an. Markaa waad ka fadhiisanaysaa Marka tani ay ku xiran tahay sanadka dhalashadaada. Laakiin hadda inta badan waa laga bilaabo da'da 67. Wixii markaas ka dambeeya waxaad bil walba ka heli doontaa dowladda lacag aad ku noolaato. Tan waxa loo yaqaan

AOW faa'iido
. Taas waxaa bixiya Bangiga Caymiska Bulshada (SVB).

Waxaad si toos ah u kaydsanaysaa ceyrta AOW sannad kasta oo aad ku nooshahay Nederland. Haddii aadan ku noolayn Nederland, ma kaydsan doontid lacagta hawlgabka AOW.

Ka sokow AOW-gaaga, waxa aad inta badan kaydsanaysaa lacagta hawlgabka ee Nederlaan xagga shaqadaada. Adiga iyo cida aad u shaqayso waxaad meel dhigtaa lacagta hawlgabkaaga bil kasta. Tan waxa loo yaqaan nidaamka hawlgabka. Loo-shaqeeyahaagu maaha inuu tan sameeyo. Haddii aadan keydsanin lacagta hawlgabka, waxaad xaq u leedahay oo kaliya AOW marka aad hawlgab noqoto.

Ma aha in qof kasta oo ka fariista shaqada uu helayo lacag isku mid ah. Haddii aanad ku noolayn noloshaada oo dhan Nederlaan waxa kale oo aad heli doontaa ceyrta AOW. Laakiin cadadka aad heleyso markaas wuu yaraan doonaa. Waxaad heli doontaa oo kaliya lacagta buuxda haddii aad Nederland ku noolayd 50 sano. Inta ay le'eg tahay lacagta hawlgabka ee aad ka hesho shaqadaada waxay ku xiran tahay heshiisyada aad la gashay shaqadaada. Iyo heerka dakhligaaga markii aad wali shaqaynaysay. Sidaas darteed qof kastaa wuxuu Nederlaan ku helaa qaddar kala gedisan lacagta hawlgabka.

Xeerarkan hawlgabku ma khuseeyaan haddi aad weli ku jirto nidaamka magangalyada oo aadan ku noolayn Nederlaan muddo dheer

Ma tahay 67 jir ama ka weyn oo wali ma waxaad sugaysaa go'aanka nidaamkaaga magangalyo? Markaa xaq uma lihid lacagta hawlgabka sababtoo ah ma aadan ku noolayn ama ka shaqayn Nederlaan. Waxaad xaq u leedahay kaalmada nolosha.

Lacagta lagu noolaado iyo lacagta cuntada marka aad magangelyada Nederlaan ka weydiisato ka dib
Weli ma sugeysaa go'aanka codsigaaga magangelyo iyo ma degan tahay Azc xero ah? Markaa waxaa lagu siinayaa wiig walba lacag ay dowlada Nederlaan ugu talo gashay cuntada iyo nolosha. Lacagtaasi wiig walba ayaa shaqaalaha xerada ku siinayaan.

Ma u baahan tahay lacag dheeraad ah aad ku noolaato iyo ma jirtaa 67 jir ama ka badan? Markaa mar mar waxaad xaq u leedahay daqliga dheerida ee dadka waayeelka (AIO) xagga . Sociale Verzekeringsbank (SVB). Tani waa nooc ceyrta ah. Shaqana waad aadi kartaa. Nederlaan waa la oggol yahay inaad shaqeyso haddii aad 67 jir ama ka badan jirto, oo aad 6 bilood ka badan aad Nederlaan joogto.

Laga bilaabo marka aad Nederlaan ka shaqeyso, waxa aad inta badan kaydsanaysaa lacagta hawlgabka

Ma haysaa

W-document
hal sano oo ma ka shaqeysaa Nederlaan? Markaa waxa laga yaabaa in aad shaqadaada u kaydsato lacagta hawlgabka, iyada oo aan loo eegin da'daada. Xitaa haddii aad 67 jir tahay oo aad shaqeyso, waxaad wax u kaydsan kartaa hawlgabka

Miyaad ka yar tahay 67 oo ma joogtaa Nederlaand in ka badan 6 bilood? Markaa waxaad heli doontaa

Lambarka Adeegga Muwaadinka (BSN)
iyo dukumeenti W. Wixii markaas ka dambeeya, si toos ah ayaad u kaydsan doontaa AOW-gaaga sababtoo ah waxaad si rasmi ah ugu noolaan doontaa Nederland wixii ka dambeeya wakhtigaas. Sannad kasta oo aad joogto Nederlaan ka hor inta aanad gaarin 67, waxa aad soo ururinaysaa 2% tirada guud.


Maxey kula tahay qodobkan?