Laba dumar ayaa si nasasho leh u fadhiya kursiga dumar Nederlaan oo ay muddo la joogayaan
Laga soo xigtay: TakeCareBNB, Lotte de Graaf Photography
Qodob

Mudada dacwadaada magangelyo ilaa muddo waxaad la joogi kartaa dad aad taqaano

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/15/2024, 1:14 GD

Ma jiro boosas oo dejinta Xarunta Dhexe ee dejinta Magangelyodoonka (COA). Sidaa awgeed waxaad ula joogi kartaa familka ama asxaabta. La joogista wax saameyn kuma laha codsigaaga magangelyada. Halkan ka aqri qaabka ay u shaqeyso.

Sidaa ayey u socotaa la joogista familka iyo asxaabta

Ma degan tahay xerada

Xarunta Dhexe Dejinta magangelyodoonka (COA)
iyo ma heysataa
lambarka adeegga muwaadinka (BSN)
? Markaa waxaad la joogi kartaa dadka aad taqaan muddo 3 bilood ah. COA waxay tan ugu yeertaa habaynta hoy. Sariir kuma yeelan doontid COA inta aad dadka la joogtid. Waa inaad sii wadaa inaad u soo warbixiso todobaad kasta COA iyo
Boliiska Ajaanibta, qeybta Ka ganacsiga daka(AVIM)
. Tan waxaad ku samayn kartaa adigoo wacaya telefoonka. Uma baahnid inaad u tagto xerada

La joogista wax saameyn ah kuma laha codsigaaga magangelyo. Looma baahna inaad muddo ka sii dheer sii sugto iyo laguma gelinaayo liis sugitaan ah. La joogista waxa keliya llola jeedaa iney qaabkaasa dadka badan ee xerada ka yaraado.

Sharuudaha ku xiran marka dad lala soo joogaayo

Haddii aad rabto inad familka ama asxaabta la soo joogto, waa inaad sharuudahan ka soo baxdaa:

  • Kuma jirtid

    dacwada Dublin
    iyo kama soo jeedid
    wadamada amaanka ah

  • Waxaad jirtaa 18 jir ama ka badan

  • Waad heysataa nambarka adeegga muwaadinka (BSN)

  • Haddii aad caruur leedahay, waa inaad meesha aad joogaysaa meel u dhow uskuulka ilmaha ay aadayaan. Sidaasoo ay ilmaha isla iskuulkii ay u aadi karaan

  • Waxaad leedahay dhaqtar qoys ee degmada ama meel u dhow degmada aad soo joogeyso. Ama waxaad fursad u leedahay inaad iska qorto dhaqtarka qoyska ee dadka aad la joogeyso.

  • Ma heysatid daryeel caafimaad joogto ah uma baahnid ama daryeel aad u adag.

Halkan ka aqri sida aad u weydiisaneyso BSN

Tani waa xaquuqda la soo joogista

Mudada aad la soo joogeysid waxaad weli xaq u leedahay:

  • Lacagta nolosha iyo cuntada ee COA. Ma jirtaa 21 jir ama k badan markaa waxaad muddo xaq u leedahay 75 yuuro wiigii. Qarashkan wuu ka hooseeyaa haddii aad dad dhowr ah oo reerka aad ku soo joogeysaan

  • Dib u celinta qarashka daryeelka. Mudada aad soo joogeysid looma baahna inaad qarashka caafimaadka aad iskaaga u habeyso. Weli waxaad hoos imaadaa Nidaamka Daryeelka caafimaadka ee Magangelyodoonka (RMA) waxaad kaloo xaq u leedahay qarash aad ku safarto markaad dhaqtarka qoyska ama cisbitaalka u safreyso. Taasi waxaad ka weydiisan kartaa COA.

Waxaan ayaad u baahan tahay inaad abaabusho markaad guri soo joogeyso

Ma rabtaa inaad la joogto asxaabta ama familka? markaa la xariir qofka la xariirkaaga ee COA ama aad infobalie. Shaqaalaha-COA ayaa kuu sharaxaaya waxa aad sameyneyso si laguugu fasaxo inaad ula joogto. Waxaa COA kula yeelaneysaa ka hor wadahadal si loo fiiriyo haddii aad sharuudaha ka soo baxeyso inaad dadkaasi la sii joogto. Waxaa kaloo COA ay kuu sharaxeysaa waxii xaquuqdaada iyo waajibaadkaaga ah

Haddii ay COA go'aamiso inaad la joogi karto, waxaad saxiixeysaan adiga iyo dadka aad la joogeyso heshiis la soo joogid ah. Waxaa la soo joogida uu saameyn ku yeelan karaa xaalada dhaqaalaha ee qofka aad la joogeyso. Tusaale ahaan xagga ceyrta ama kabista. qofka la xariirkaaga ee COA ayaa bixinaaya warqad ay ku qoran tahay saameynta dhaqaalaha. waa iney iyaga saxiixaan warqada hoosteeda marka ay aqriyaan. Taasi waa qeyb ka mid ah heshiiska

Ka dib marka heshiiska la saxiixo, waxaad abaabuleysaa arrimahan soo socda

  • Waxaad 5 beri gudahooda iska qoreysaa degmada cinwaanka aad soo joogeysi. Taasi waa inaad sameysaa 5 beri gudahooda marka aad joogista meesha kuu bilowdo

  • Ma leedahay sidoo kale hagaha VluchtelingenWerk Nederland(VWN)? la socodsii hagahaaga VWN inaad aadeyso soo joogis meel kale ah

  • Ma rabtaa inaad iska qorto isla dhaqtarka qoyska ee dadka aad la joogeyso? Markaa xaggaasi waad iska soo qori kartaa.

Ka dib 3 bilood waa dheereyn kartaa joogista

Muddo 3 bilood adigoo la joogista ku jira weli dacwadaada magangelyo ma socotaa? Markaa waxaad weydiisan kartaa haddii aad muddo ka sii badan aad la sii joogi karto asxaabta ama familka. Waxaad weydiisaneysaa dheereynta COA

Ma rabtid adiga, familkaaga ama asxaabtaada inaad la sii joogto? Markaa waxaad dib u heleysaa boos xerada COA ah. Taasi waxey noqon kartaa meel ka duwan meeshii aad hore ugu jirtey. Xitaa marka codsigaaga la soo diido mudadii aad dadkaasi la sii joogtay, Markaa waa inaad dib ugu noqotaa xerada COA.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful