Laga soo xigtay: www.pexels.com; Brianna Swank
Qodob

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad tahay lhbti

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:29 AM

Ma soo qaxday maadaama aad tahay lesbiyan, khaniis, kuwa labada jinsi jecel ama kuwa iska bedela jinsiga ama kuwa jinsiyaadka kale? oo ma rabtaa sababtaasi darteeda inaad magangelyo uga weydiisato Nederlaan? Waxaa muhiim ah inaad mudada dacwadaada magangelyoaad garyaqaankaaga u sheegtaa iyo Adeega Socdaalka -iyo Jinsiyada (IND).

Markaa tahay lhbti taasi mar mar sabab wey noqon kartaa oo aad magangelyo ku hesho Nederlaan

Waxaad Nederlaan magangelyo weydiisan kartaa haddii aad qatar ku jirto wadanka aad ka soo jeedo. Markaa magangelyo waad weydiisan kartaa haddii aad qatar ku sugan tahay maadaama aad tahay lesbiyan, khaniis, kuwa labada jinsi jecel ama kuwa jinsiga bedelay=. Oo aadn magangelyo ka heleynin dowlada wadankaaga. Amaba aad qatar ku sugan tahay kaimaada dowlada wadankaaga.

Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha

Waxaad Nederlaan sharuudo gaar ah awgeed ku weydiisan kartaa magangelyo. Waxaa Adeega Socdaalka iyo dhalashada (IND) ayaa ka go'aamineysa inaad sharuudaha ka soo baxeyso. Markaa ka dib waxey IND go'aamineysaa nooca sharciga magangelyada aad heleyso nooca a ama b. Ma weydiisan kartid magangelyo Nederlaan haddii aad dibada joogto.

U sheeg waqtiga dacwada magangelyada inaad tahay

Waxa dacwada magangelyada waa isla mid haddii aad lhbti tahay iyo haddii aadan lhbti ahayn. Waxaa mudada dacwada magangelyada mareysaa 2 wadahadal ee

IND
. Wadahadalka 1aad waxaad sheegeysaa iyadoo kooban sababta aad u soo qaxday. Wadahadalka 2aad waxaa shaqaalaha IND ku weydiin doonaa su'aalo dheeraad ah ku saabsan sababta aad u soo qaxday.

Haddii aad tahay lhbti, waxaa muhiim ah inaad waxa soo socda sameyso mudada dacwadaada magangelyo:

  • Isla markiiba wadahadalka u sheeg inaad tahay lhbti.

  • U sheeg marka wadahadalka 2aad qaabka aad qatar ugu sugan tahay wadanka aad ka soo jeedo. Iyo u faahfaahi si fiican. Waxaa IND rabaan inaad dhab ahaan tahay lhbti oo sidaa awgeeda aad qatar ugu sugan tahay. Iyo inaadan taasi u dhaheynin sinaad sharci ku hesho.

Ma awoodod inaad bilowga dacwada u sheegto inaad tahay lhbti? Markaa laakiinn dacwada ka dib ayaa rabtaa inaad sheegt? Ama waxaad gudbineysaa codsi magangelyo kale ka dib markii codsigaaga la soo diiday? Markaa ka taxadar inaad si fiican ygu sharaxdaa sababta aada hore uh sheegin.

Iska diiwangelinta Ter Apel

Boggan ayaa ka aqrineysaa sida aad Nederlaan magangelyo uga weydiisaneyso. Waxaad iska diiwaangelineysa xarunta isdhiibitaanka ee tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.

Waxaey IND baarayaan inaad magangelyo heleyso maadaama aad tahay magangelyo lhbti

Waxaa iND baareysaa haddii aad tahay lhbti iyo haddii aad qatar ku sugan tahay ayey su'aalo kaa weydiinayaan. IND waxey sameeyaan baaris si ay u fiiriyaan inaad lhbti tahay. Laguma baaraayo maskax ahaan. Looma baahna inaad sheegto falalka wadakulanka ama aad tusto. Iyo IND ma weydiineyso sawiro ama filimo. Waxaa IND keliya weydiineysaa su'aalo. Arrimaha kale ee halkan lagu sheegay IND ma sameyn karaan.

Waqtigii hore IND badiyaa ma rumeysan jirin sheekooyinka ay sheegtaan dadka lhbti-ga. Shaqaalaha ayaa badiyaa ku fekeri jirey fikrado qalafsan. waxa

COC
ay difaaceen danaha dadka lhbti-ga ee magangelyo ka weydiista Nederlaan. Waxey aad u dhaleeceeyaan qaabka ay IND su'aalaha u weydiiso. Weyna la taliyeen IND iney mudada wareysiga codsiga magangelyo ay gaar ahaan weydiiyaan halka aad adiga oo ah lhbti-ga aad ka baqeyso haddii aad ku noqoto wadanka aad ka soo jeedo.

Su'aalahan ayaa IND weydiineysaa haddii aad lhbti tahay

Su'aalaha ay IND weydiineysaa waxey ku saabsan yihiin noloshaada shaqsiga. Tusaale ahaan familkaaga, asxaabtaada iyo xariiryadaada. Shaqaalaha wuxuu tusaale ahaan ku weydiinayaa hadii aad hadda xariir leedahay iyo ama inaad hore xariir u lahayd. Waxaa kaloo shaqaalaha weydiinayaa waqtiga aad ogaatay inaad tahay lhbti. Ma waxaa ka soo jeedaa reer dhaqanka xajiya ama reer diinta xajiya? Markaa waxaa tusaale ahaan lagu weydiinayaa sidee ayaa reerkaaga markii la ogaaday arrinta khaniisnimada sida ay idinla ahayd adiga iyo reerkaaga

Waxa kale oo lagu waydiin doonaa su'aalo ku saabsan ka noqoshada Lgbti ee dalkaaga. Tusaale ahaan, haddii ay jiraan kooxo ama meelo ay dadka Lgbti ku kulmaan dalkaagii. Iyo waa maxay sharciyada dalkaaga ee ku saabsan Lgbti, tusaale ahaan haddii aad xabsi ku mutaysan karto. Waxa kale oo lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan cunsuriyada, dulmiga iyo khatarta aad kala kulanto dalka aad ka timid. Tusaale ahaan, wixii aad hore ula soo kulantay dalkaagi iyo waxa aad ka baqayso haddii ay noqoto inaad ku noqoto waddankaagi. Inta badan oo aad nooga sheegi karto waxa ay tahay (xaaladaadaa) inaad Lgbti ku noqoto wadankaagi, way ka sii fiicnaan doontaa.

Waxan ayaa sameyn kartaa si aad u tusto inaad tahay lhbti

Markaad ka jawaabeyso su'aalaha inta lagu jiro wareysiga IND, waxaa muhiim ah inaad sharaxdo inta ugu badan ee suurtogalka ah oo aad bixiso macluumaad faahfaahsan. Si daacad ah ugu jawaab jawaabahaaga oo sidoo kale noo sheeg haddii aanad garanayn ama aad illowday jawaabta. Haddii aadan fahmin su'aal, waad sheegi kartaa.

Sidoo kale soo qaado dukumeenti muujinaya inaad run sheegayso. Tusaale ahaan, tixgeli sawirada xaflad ama tigidhada xaflad ay ka soo qaybgalaan dad badan oo Lgbti ah. Ama rasiidhada kafateeriyada qaarkood ama sawirada wada sheekaysiga WhatsApp. Dukumeenti muujinaya in aad la kulantay dhibaatooyin wadankaagi sababtoo ah waxaad tahay Lgbti sidoo kale waa muhiim. Tusaale ahaan, war ka hadlaya xaaladda dadka Lgbti ee dalkaaga. Ama fariin ka timid maxkamad oo sheegaysa in dadka loo ciqaabayo sababtoo ah waa Lgbti.

Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo

Boggan ka aqri dokumentiyadee aad u geyn karto IND. Iyo ka qaabka aad ugu geyneyso.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful
Hubi in macluumaadkani adiga ku quseeyo iyo in kale
Macluumaadka boggan waxaa iska leh 'Waxaan rabaa inaan magangelyo weydiisto ama waa weydiistay magangelyo'. Tani miyaanay khusayn adiga? Kadibna wax ka beddeley xaaladaada faalooyinka sare ee boggan.