Laba qof oo ka shaqeynaaya beerta
Qodob

Shaqada tabaruca sida looga shaqeeyo marka aad heysato dokumentiga-W

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:25 GH

Shaqo tabaruc waad qaban kartaa haddii aad magangelyo weydiisaty oo aad heysato dokumenti -W oo 1 sano ah. Halkan ka aqri sharuudaha shaqada tabaruca. Iyo sida aad shaqada tabaruca ka heli karto.

Shaqo tabaruc ah waa shaqo aan lacag lagu siineynin

Shaqada tabaruca waa shaqo aad dadka kale u qabaneyso ama bulshada adigoo aan lacag ku qaadaneynin. Waxaad shaqada tabaruca u sameyneysaa adigoo jecel inaad shaqada qabato. Ama aad qibrad shaqo rabto inaad kororsato. Shaqada tabaruca waxaad kaloo ku tababaran kartaa luqada Nederlaanka iyo waxaa la kulmeysaa dad Nederlaan ah.

Mar mar ayaa shaqada tabaruca qarash yar lagu siinayaa

Mar mar ayaa lagu siinayaa qarash shaqada tabaruca aad qabaneyso. Tusaale qarashka safarka ama qarash kale ee aad geleyso. Qarashkani wax saameyn ah kuma laha lacagta aad ku noolaaneyso ama cuntada ee aad ka qaadato COA. Qarashkaasi ma aha daqli ahaan.

Waxaa la oggol yahay ugu badnaan €210,- bishii iyo €2100,- oo qarash laguu celinaayo shaqada tabaruca. Waxaa kaloo lagu siin karaa wax kale oo aan lacag ahayn. Tusaale ahaan foojar hadiyada ah ama tababar lacag la'aan ah ama aqoon isweydaarsi lacag la'aan ah.

Waxaad u baahan tahay cadeyn shaqada tabaruca

Ma heshay urur aad shaqo tabaruc aad ka qaban karto? Matkaa waa in ururkani ka weydiistaan cadeynta shaqo tabaruca

Ururka Fulinta ee Ceymiska shaqo bixyaasha (UWV)
. Cadeynta shaqo tabaruca waa warqad ku qoran in shaqadaada tabaruca uusan ahayn shaqo lacag lagu qaato.

Isla markii ururka ay cadeyn ka helaan codsiga, waad bilaabi kartaa shaqada tabaruca. Waxaa UWV go'aan ay gaareysaa codsiga 2 wiig gudahooda codsiga. Looma baahan inaad go'aanka UWV aad sugto.

Mar mar waxaad u baahan tahay Cadeynta Asluubta (VOG)

Mar mar waxaad shaqada tabaruca

u baahan tahay Cadeynta Asluubta Wanaagsan (VOG)
. Badiyaa ururka ayaa kuu dalbaayaa VOG. Taasi looma baahna inaad adiga sameyso. Uma baahnid
nambarka-BSN
si aad u weydiisato VOG dalbato.

Meelahan ayaa ka heleysaa shaqo tabaruc ah

Shaqada tabaruca meelo badan ayaa ka shaqeyn kartaa. Tusaale xarumaha degmada, iskuulada ama maktabada buugaagta. Waxaad la xariiriyhaaga

Xarunta Dejinta Magangelyodoonka (COA)
ama la xariiriyahaaga
Ururka Qaxootiga caawiya(VWN)
weydii wixii suura gal ah.Waxaad kaloo aadi kartaa Meedoenbalie. Tani waa meel COA iyagoo la shaqeynaaya ururada shaqo tabaruca ee degaanka (dadka tabaruca) shaqo u bandhiga. 40 xerooyin oo COA ayaa leh Meedoenbalie. Waxaad weydiin kartaa shaqaalaha COA in xerada ay meeshaa leedahay.

Shaqada tabaruca waxaad ka qaban kartaa xerada-Coa

Waxaad shaqo tabaruc ka shaqeyn kartaa xerada-COA. Tusaale adigoo ka caawinaaya nadaafada iyo dayactirka dhismayaasha ama beerta. Ama inaad ka caawiso tarjumida. Waxaad shaqadan sameyn kartaa ugu badnaan 25 saac wiigii. Waxaa lagu siinayaa qarash ugu badnaan €14,- wiigii. Waxaa warbixin dheeraad ka heleysaa deskiga warbixinta ee COA.


Maxey kula tahay qodobkan?