Xerada leyska dhiibo ee IND ku yaala tuulada Ter Apel ee Nederland
Laga soo xigtay: IND
Qodob

Waxaad wareysiga 1aad ee IND ku mareysaa Ter Apel

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:26 GH

Waxaad leedahay wareysiga 1aad ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). Waqtiga wareysigan waxey IND ku weydiineysaa su'aalo adiga iyo safarkaaga Nederlaan ku saabsan.

Casumaada wareysiga

Waxaad boostada laguugu soo dirayaa casumaada wareysiga 1aad ee

IND
. Waxaad warqadaasi boostada ka soo qaadaneysaa resebshanka xeradaada
adigoo heysta V-nambarka
dadka boostada loo soo diray. Waa inaad resebshanka aqoonsigaaga
W-dokumentiga
tustaa si boostada kuu taala aad u soo qaadato

Waxaad kaloo fiirin kartaa MyCoa haddii ay boosto kuu taalo. Haddii aad ku qorto V-nambarka ku buuxisaa, ma arkeysaa baqshad cagaaran ama gaduud ah. Baqshada cagaaran waa micnaheeda tahay in boosto kuu taalo. Ma jirtaa baqshad gaduudan micnaheeda tahay inaan boosto kuu yaalin

My COA

Haddii aad nambarkaaga 'V-nummer' ku buuxiso websaaytka COA, waxaad arki kartaa in boosto ay kuu soo dhacday xeradaada.

Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga

Wareysiga waxey IND hubinayaan

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
ama in warbixinta. IND wareysigan su'aalo ay ku weydiinayaan su'aalo kugu saabsan. iyo xubnha reerkaaga. IND wareysiga 1aad kuma weydiineyso dhibaaatadaada oo faahfaahsan. Waxaad leedahay wareysi 2aad oo aad si faahfaahsan u sheegi karto.

Tan ayaa muhiim ah inaad ogaato si aad isu diyaariso

Waxaad warreysiga1aad la yeelan doontaa IND kaligaa, qareen la'aan. Waxa kaliya oo aad heli doontaa qareen wax yar ka hor waraysiga 2aad.

Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.

.

Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo

Boggan ka aqri dokumentiyadee aad u geyn karto IND. Iyo ka qaabka aad ugu geyneyso.

Mudada wadahadalka ma joogo garyaqaan

Wareysigan 1aad ee IND keligaaga ayaa gelaaya, ma joogo garyaqaan. marka uu wareysiga 2aad soo dhowaado ayaa garyaqaan heleysaa. Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii hore aad sheegto wareysiga 2aad. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka 1aad

Mudada wadahadalada IND kula yeelaneyso waad so qaadan kartaa qoraal xasuus aad qoratay. Waxaad qoran kartaa waqtiyada muhiimka ah ee noloshaada inaad sii qorato si aad u xasuusnaato. Taariikhda ma ogid miyaa? Markaa si run ah ugu sheeg IND. Mudada wadahadalka IND waad dhiiban kartaa dhamaan dokumentiyada caawinaaya arrimahaaga.

Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay

Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanku wuu madaxbanaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.

Waxaa jira muddo dheer oo sugitaanka IND

Waxaad celcelis sugeysaa 15 wiig wareysigaaga koowaad ee IND.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful