Dhaqanka shaqada ee Nederlaanka
Ma ka shaqeyneysaa Nederlaan? Markaa waxaad baraneysaa dhaqanka shaqada ee Nederlaan. Tani waxaa suura gal ah iney ka duwan tahay sidaad adiga caadada kuu ahayd. Boggan ayaad ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.
Waxa muhiim ah inaad ogaato marka aad Nederlaan ka shaqeyneyso
Dhaqanka shaqada ee Nederlaan guud ahaan waa midaan rasmi ahayn, abaabulan, toos ah iyo dheelitir wanaagsan leh shaqada iyo nolosha shaqsiga.
Hoos ayaad ka aqrin kartaa micnaha erey kasta:
Aan rasmi ahayn
Goobaha shaqada ee Nederlaan waxey u muuqdaan kuwo aan rasmi ahayn. Ma ahan wax aan caadi ahayn in su'aalo la weydiiyo kormeeraha ama maamulaha, dhamaan fikradaha waa la soo dhaweynaayaa. Nederlaanka sinaanta wax muhiim ah ayey u arkaan, xitaa maamulka, kormeerayaasha iyo shaqaalaha dhexdooda.
Habeysan
Ka sahqeynta Nederlaan badiyaa waxaa la raacayaa qorsho cad iyo heshiisyo. Nederlaanka waxey dhahaan "ballantu waa ballan ". Taasi waxey micnaheeda tahay in heshiisyada muhiim yihiin. Haddii aad sameyso heshiis shaqo, waxaa shaqaalaha aad wada shaqeysaan iyo maamulka waxey kaa filayaan inaad ka soo baxeyso.
Haddii aad heshiis aad ka soo bixi weyso, kala hadal dadka aad wada shaqeysaan. Tusaale, waqti fiican u sheeg haddii aad soo daaheyso. Ama haddii aad mashquul tahay inaad dhameyso howlahaaga. Badiyaa wuxuu kormeeraha jecel yahay inuu ogaado. si aad xal wadajir ah ula timaadaan.
Si toos ah
Dadka Nederlaanka si toos ah ayey u hadlaan. Taasi waxaa loo arki karaa mid xushmad daro ah. Haddana, badiyaa lagama wado xushmad daro. Keliya waxaa laga wadaa in si waadix ah loo wada hadlo. Sidaa awgeed, ha sii yaabin marka uu qof su'aal toos ah ku weydiiyo.
Haddii qof aad wada shaqeysaan ku weydiiyo: "shaqadaada ma dhameysey?"ama: "xaaladaada ma fiican tahay?"markaa shaqaalahaasi wuxuu kaa sugayaa jawaab toos ah oo daacad ah, si uu shaqaalaha aad wada shaqeysaan kuu caawini karo. Ama uu warbixinta loo baahan yahay kuu siin karo si shaqada tiisa uu si fiican u sameyn karo.
Dheelitiran shaqo/nolosha
Nederlaanka shaqada iyo guriga wey kala saaraan. Saacadaha shaqada ka dib, dadka (badiyaa) kama jaaabaan e-mailada taleefoonkana ma qabsadaan. Keliya marka ay arrin aad u muhiim ah jiraan. Taasi waxaad kala hadli kartaa kormeerahaaga.
Guud ahaan waxaa wiiga la shaqeeya Nederlaan ugu badnaan si joogto ah 5 beri oo shaqada ah. Dadka qaar waxey doortaan iney wax 5 beri ka yar ay shaqeeyaan. markaasi waxaad waqti u heysataa nafsadaada iyo reerkaaga. Heshiiska qofka shaqo siiyaha waxaa ku qoran inta saacadood aad shaqeyneyso wiigii, iyo maalmaha aad shaqeyneyso. Markaa waad ogtahay inta waqti kuu haray xagga noloshaada shaqsiga.