Laga soo xigtay: Pixabay
Qodob

Amaanka Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:28 GH

Ma ku jirtaa khatar oo ma u baahan tahay gargaar degdeg ah? Wac nambarka degdega ah 112. Kuma hadashid Nederlaanka? Waxa kale oo aad nagala soo xidhiidhi kartaa abka 112NL app=ka ee luuqadaada. Ma jirto khatar degdeg ah, laakiin ma dareemaysid ammaan? Markaa waxa jira ururo ku caawin kara.

Nambarada deg dega ah 112 iyo 112NL app-ka

Si degdeg ah ma ugu baahan tahay booliska, ambalaasta ama kooxda dab damiska? Wac 112. 112-ka shaqaale waxay ku hadlaan Nederlaanka ama Inglishka

Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa 112NL app haddii aadan ku hadlin Nederlaanka ama Inglishka. Waxaad dooran kartaa adeegga degdegga ah ee aad rabto inaad la xariirto adigoo isticmaalaya 3 badhamada ee xagga hoose ee shaashadda; booliska, dab-damiska ama ambalaasta. Waxa kale oo jira la xariir la heli karo haddii aad qabto dhibaatooyin maqal ama aadan ku hadlin luqadda. Wadahadalka si toos ah ayaa loogu turjumay luqadaada aad dooratay. Appka intiisa kale waxa lagu heli karaa Nederlaan ama Ingiriis.

Waxaa jira shuruudo dhowr ah oo loogu talagalay isticmaalka 112NL app-ka:

  • Waa in aad ku xiran tahay interneedka

  • Waa inuu simkaar ama laf ku jiraa taleefoonkaaga

  • Ma isticmaali kartid App-ka adigoo jooga meel ka baxsan Nederlaan

112 App ee Android

Ku rakib app-ka Android halkan. 112NL waa app-ka rasmiga ah ee adeegyada degdega ah ee Nederland, boliiska, dabdemiska, ambalaasada iyo Booliiska Militariga. Xaalad degdeg ah waxaad wici kartaa 112NL.

112 App ee Android

Ku rakib app-ka Android halkan. 112NL waa app-ka rasmiga ah ee adeegyada degdega ah ee Nederland, boliiska, dabdemiska, ambalaasada iyo Booliiska Militariga. Xaalad degdeg ah waxaad wici kartaa 112NL.

Boliiska marka aan deg deg jirin

Ma u baahan tahay booliiska xaalad degdeg ah la'aanteed? Kadib waxaad wici kartaa lambarada taleefoonada:

  • Shilalka iyo su'aalo aan deg deg ahayn:(0900) 88 44.

  • dadka aan si fiican wax u maqlin ama dhagoolka:(0900) 18 44.

  • Si aad u sheegto dambiyada (si qarsoodi ah): (0800) 70 00.

Daryeelka degdega ah (laakin ma aha mid nafta halis galinaya)

Dhaqtarka qoyska waa meesha koowaad ee loogu aado caboshooyinka caafimaadka. 'huisartsenpost' waa xarunta dhaqtarada ee habeenkii iyo waqtiyada wiigendiga iyo maalmaha fasaxa loogu talo galay.

Nambarka taleefanka 'huisartsenpost' wuu kala duwan yahay degmo kasta. Ka raadi lambarka taleefanka 'huisartsenpost' ee degmadaada online-ka.

Ma ku jirtaa xaalad nolosha qatar gelineysa? Wac 112.

Ururada kale ee muhiimka ah

Marka laga soo tago booliiska iyo 'Gp', waxaa Nederlaan ka jira ururo kale oo badan oo muhiim ah oo ku caawin kara. Hoos waxaad ka heli doontaa dulmar:

Dabdemiska

Xaalad degdeg ah ma jirto, laakiin ma u baahan tahay dab-demiska? Nambarada teleefanada ee gobolada kala duwan ee dabdamiska waxaad ka heli doontaa shabakada dabdemiska.

113 Ka-hortagga is-dilka

Adiga ama qof kugu xeeran ayaa ku fikiraya is-dilid? Hadalku wuu caawiyaa waxaana loo samayn karaa si qarsoodi ah. Kala hadal shabakada 113 ka hortagga ismiidaaminta ama wac bilaash (0800) 01 13.

Qeylo dhaanta ama alaarmada Nederlaan

Waxaa jira dhowr qaylo-dhaan gudaha Nederlaan. Mida ugu muhiimsan waa seeriga hawada iyo NL-Alert.

Seeriga hawada

Isniinta 1-aad ee bil kasta, dowladdu waxay tijaabisaa seeriga hawada 12: 00 saac. Seeriyada ayaa markaa socon doona ilaa 1.5 daqiiqo. Markaa wax khalad ahi ma jiraan, mana aha inaad wax samayso

Mar kasta oo kale marka seerigu dhawr jeer oo xiriir ah dhaco, waxa jira xaalad degdeg ah. Markaa waa inaad isla markaaba gudaha gasho oo aad xidhaa daaqadaha iyo albaabada.

NL-Alert

Ka sokow tago seeriga hawada, NL-Alert ayaa sidoo kale Nederlaan laga isticmaalaa. NL-Alert waa fariinta alaarmiga ee aad ka hesho taleefanka gacanta marka ay jirto xaalad degdeg ah oo nafta iyo caafimaadka khatar ku ah. Farriinta ayaa ku wargelinaysa waxa socda iyo waxa loo baahan yahay inaad samayso.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful