Imaanshaha Nederlaan xagga garoonka diyaarada Schiphol, ama garoon kale ama dekad
Ma ku imaaday diyaarad garoonka diyaaradaha Schiphol ama dekada Nederlaan? Iyo ma heysatid fiiso weli socda iyo baasaboor aad ku joogi karto Nederlaan? Markaa magangelyo ayaa ka weydiisanaysa garoonka diyaaradaha. Waxaad codsigaaga magangelyo ku sugeysaa xero xiran oo garoonka Schiphol agteeda ah.
Sidan samey marka aad imaado Schiphol ama dekad
Ma ka soo gashay Nederlaan xagga garoonka diyaarada Schiphol, ama garoon kale ama dekad? oo Nederlaan ma soo geli kartid maadaama aadan fiiso sax ah heysanin iyo baasaboor? Markaa iska xaadiri Militariga Boqortooyada (KMar) garoonka diyaarada ama dekada. Waxaad u sheegeysaa inaad magangelyo weydiisaneyso. Waxa lagu geynayaa xero xiran oo garoonka Schiphol ah oo aad magangelyo ka weydiisan karto.
Sidaan ayaa Militariga Boqortooyada ku aqoonsaneysaa
Isla marka aad imaado garoonka dayuuradaha ama dekeda Nederlaan, u sheeg
Halkan ayey joogaan Marechaussee garoonka diyaarada Schiphol
Waxa kaloo aad KMar ka heli doontaa kontaroolada baasaboorka ee garoonka diyaaradaha ee Schiphol. Ama Hoolka 1 ee bixida. KMar kuma diri karo ama kuma celin karo wadan kale waxayna ku waajiban yihiin inay ku caawiyaan sida uu qabo
Waxaa Marechaussee ku geynayaan xero xiran
Kadib markaad sheegto inaad rabto inaad codsato magangalyo, KMar waxay ku geyn doontaa hoy xiran oo ku yaal Schiphol. Xitaa haddii aad magangelyo ka codsato dekedda KMar, waxaa lagu geyn doonaa xero xiran. Goobtan waxaa lagu magacaabaa Isku-dhafka Garsoorka ee Schiphol (JCS). Waxaad ku sugnaan doontaa hoygan xiran ilaa iyo inta uu codsigaga magangalyo sii socdo
Xeradan JCS waa la xiray sababtoo ah (weli) ma aadan helin ogolaanshaha inaad Nederlaan ku soo gasho. Wali si rasmi ah uma joogtid dhulka Nederland. Xabsi maaha, laakiin wuu u eg yahay. Laguuma ogola inaad ka tagto JCS laftaadu.
Xerada xiran dhexdeeda ayaa magangelyo si rasmi ah uga codsaneysaa
Xerada