Tareenka ayaa yimid boosteejada Nederlaan
Laga soo xigtay: Pexels Skitterphoto
Qodob

Tani waa inaad sameysaa marka aad Nederlaan imaado haddii aad rabto inaad magangelyo weydiisato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/30/2024, 1:51 GD

Ma timid Nederlaan iyo kama soo gelin xagga garoonka diyaarada ama dekada? Markaa waxaad aadeysaa xerada leyska dhiibo tuulada Ter Apel si aad magangelyo u weydiisato. Waxaad u raaci kartaa gaadiidka dadweynaha meesha aad timid ilaa Ter Apel ku aado.

Xerada isdhiibitaanka ee tuulada Ter Apel magangelyo ayaad ka weydiisan kartaa. Laga bilaabo isla marka aad Nederlaan soo gasho, waa inaad 48 saac gudaheeda iska xaadirisaa Ter Apel. Ter Apel waa tuulo ku taala waqooyiga Nederlaan, gobolka Groningen. Cinwaanka xerada leyska dhiibo

Ter Apelervenen 3

9561 MC

Ter Apel

Ma iska xaadirin weydey 48 saac gudahooda? Markaa taasi waxey sababi kartaa in dacwadaada magangelyo ay fudeyd u soconin. Sidaa awgeed ka taxadar inaad sida ugu dhaqsaha badan iska xaadirisaa Ter Apel.

Xerada layska dhiibo Ter Apel

Halkaan ayaa ka heleysaa xerada isdhiibitaanka Ter Apel qariidada

Ku safarka gaadiidka dadweynaha ilaa Ter Apel

Waxaad ku aadi kartaa gaadiidka dadweynaha ilaa Ter Apel. Waxaad kaar lacag la'aan ka qaadi kartaa saldhiga boliiska. Adigana iskaaga kaar waad u gadan kartaa kaarka. Safarkaaga koowaad ee Zwolle ilaa Emmen iyo baska ilaa Ter Apel. Waxaad gadan kartaa kaarka tareenka ama boosteejada tareenka. Waxaad baska ka gadan kartaa kaar shifeerka baska.

Lacag ma heysatid kaarka? Markaa waxaad kaar lacag la'aan oo 1 beri shaqeynaaya ku siinaaya boliiska. Taasi waa inaad aadaa saldhiga boliiska. U sheeg markaad saldhiga boliiska imaado inaad qaxooti tahay oo aad magangelyo ka weydiisan rabto Ter Apel. Inaad boliiska aadaa wey kula noqon kartaa arrin cabsi leh marka aad qax ku soo jirtid. Laakiin boliiska Nederlaan waxey u joogaan iney ku caawinayaan. tigidka maalinta ah ee boliiska ku siiyo waa darajada 2aad ee tareenka ayaa ku raaci kartaa. Banaanka tareenka ayaa ku qoran meesha ay darajada 2aad.

La soco:Haddii aad tigid la'aan safarto, waa lagu ganaaxi karaa. Ganaaxa waa ilaa € 50. Waxaa kaloo lagu ganaaxi karaa haddii aad darajada 1aad fariisato adigoo heysata tigidka darajada 2aad. meesha ayey ku qoran tahay meesha aad ku fariisan karto tigidkaaga.

Sidaan ayaa u safreysaa istashoonka Zwolle ilaa Ter Apel

U raac tareenka Emmen. Waxaa boosteejada Emmen ka baxa basas aada xerada leyska dhiibo ee Ter Apel dadka raba iney magangelyo weydiistaan. Baskaasi wuxuu ka baxaa meesha u dhaxeeya dhismaha boosteejada Emmen iyo dhismaha UWV. Waa inaad heysataa kaar.

Baskaasi ka dhex shaqeeya wuxuu baxaa maalin walba:9:15 - 10:15 - 11:15 - 15:15 - 16:15 - 17:15 - 20:15 - 21:15 - 22:15.

Haddii uu baskaasi ka dhex shaqeeya baxeynin? Waxaa soo raacdaa baska 73 ee boosteejada Emmen ee u socda Stadskanaal maraaya Ter Apel. waxaad uga degtaa bas istaaga Nulweg markaa 20 daqiiqo ayaa la soconayaa ilaa xerada leyska dhiibo Ter Apelervenen 3.

Waa inaad iska hubisaa safarkaaga oo gelitaank-iyo bixitaankaba marsiisaa

Kaarka maalinta waa inaad hubinta sameysaa markaad sii raaceyso iyo ka dageyso tareenka iyo baska.

  • Tareenka waxaad hubinta raacida ka sameyneysaa barxada tareenka. Kaarka ayaad ku dhejineysaa kaar aqriyaha ku yaala albaabka barxada tareenka. Sidaa ayaad ku hubineysaa oo albaabkana ku fureysaa. Waxaad maqleysaa 1 dhawaaq.

  • Baska waa inaad gelitaan sameysaa markaad raaceyso. Ku dheji kaarkaaga albaabka kaar aqriyaha ku yaala. Waxaad maqleysaa 1 dhawaaq. Sidaas ku sameysay gelitaan.

Isla qaabkaasi ayaad uga baxeysaa dhamaadka safarkaaga. Markaa waxaad maqleysaa 2 dhawaaq. Hadii aadan sameynin gelitaanka iyo bixitaanka kaarka inaad hubiso waa lagu ganaaxi karaa. ma kuu hagaagi weydey? Weydii shaqaalaha jooga istashoonka ama darawelka baska.

Markaad imaado Ter Apel waxaad iska xaadirineysaa xerada leyska dhiibo

Markaad imaado Ter Apel waainaad is qortaa. Halkan ka aqri sida ay u howl galaan.

Iska diiwangelinta Ter Apel

Boggan ayaa ka aqrineysaa sida aad Nederlaan magangelyo uga weydiisaneyso. Waxaad iska diiwaangelineysa xarunta isdhiibitaanka ee tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful