Waalidka waxey la qoslayaan wiilkooda
Qodob

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato mideynta reerka ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/27/2025, 10:45 GH

Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan sharci magangelyodoon ka heysanin Nederlaan. Haddii aad rajo badan leedahay inaad sharci deganaansho oo magangelyodoonka ah, mar mar waad isku sii diyaarin kartaa codsiga mideynta reerka.

Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan heysanin sharci deganaansho

Ma weydiisan kartid mideynta qoyska haddii aadan weli heysanin deganaansho magangelyo. Waxaad mideynta qoyska codsan kartaa ka dib marka

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
codsigaaga magangelyodoonka ay ogolaadaan. Markaa ayaad ogaaneysaa inaad Nederlaan sii joogi karto. Mar mar waqti dheer ayey qaadataa ilaa codsigaaga magangelyada laga ogolaanaayo. Waa inaad muddo dheer sugtaa ilaa mideynta qoyska aad ka weydiisan karto

Haddii codsigaaga magangelyodoonka la oggolaaday, waa inaad codsiga mideynta reerka u gudbisaa IND 3 bilood gudaheeda.

Diyaarinta mideynta reerka

Ma waxaa ka timid waddan ay rajada weyn tahay inaad sharci magangelyodoon hesho. Markaa waxaad sii diyaarsan kartaa codsiga mideynta qoyska. Markaasoo aad dukumentiyo sii aruurineyso aad ugu baahn doonto codsigaasi. Mar mar ayaa waqti dheer ay qaadataa ilaa aad dhamaan dukumentiyada wada aruurineyso. Tusaale ahaan haddii dukumentiyada wadanka aad ka soo jeedo lagaaga soo diraayo.

Ma ogid in rajo weyn aad leedahay inaad heleyso sharci deganaansho iyo markaa mideynta qoyska? La xariir qofka xariiryahaagaa ee VluchtelingenWerk Nederland. La xariiryahaaga ayaa tani talo kaa siin kara

Sug ilaa dokumentiyadaada laga soo tarjumo

Dokumentiyada rasmiga ee aad u aruurisay mideynta reerka waxaa loo baahan yahay in la atrjumo. Tarjumida dokumentiyaasha waxey kugu qaadaneysaa qarash lacag ah. Waa inaad adiga iska bixisaa qarashka tarjumaada. Sidaa awgeed, waxaa kuu fiican inaad la sugto tarjumida dokumentiga ilaa aad sharciga deganaansho ee magangelyodoonka ka heleyso.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful