
Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato mideynta reerka ah
Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan sharci magangelyodoon ka heysanin Nederlaan. Haddii aad rajo badan leedahay inaad sharci deganaansho oo magangelyodoonka ah, mar mar waad isku sii diyaarin kartaa codsiga mideynta reerka.
Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan heysanin sharci deganaansho
Ma weydiisan kartid mideynta qoyska haddii aadan weli heysanin deganaansho magangelyo. Waxaad mideynta qoyska codsan kartaa ka dib marka IND codsigaaga magangelyodoonka ay ogolaadaan. Markaa ayaad ogaaneysaa inaad Nederlaan sii joogi karto. Mar mar waqti dheer ayey qaadataa ilaa codsigaaga magangelyada laga ogolaanaayo.
Haddii codsigaaga magangelyodoonka la oggolaaday, waa inaad codsiga mideynta reerka u gudbisaa IND 3 bilood gudaheeda.
Diyaarinta mideynta reerka
Ma waxaa ka timid waddan ay rajada weyn tahay inaad sharci magangelyodoon hesho. Markaa waxaad sii diyaarsan kartaa codsiga mideynta qoyska. Markaasoo aad dukumentiyo sii aruurineyso aad ugu baahn doonto codsigaasi. Mar mar ayaa waqti dheer ay qaadataa ilaa aad dhamaan dukumentiyada wada aruurineyso. Tusaale ahaan haddii dukumentiyada wadanka aad ka soo jeedo lagaaga soo diraayo.
Ma ogid in rajo weyn aad leedahay inaad heleyso sharci deganaansho iyo markaa mideynta qoyska? La xariir qofka xariiryahaagaa ee VluchtelingenWerk Nederland. La xariiryahaaga ayaa tani talo kaa siin kara
Keenista ama mideynta familka/reerka
Sug ilaa dokumentiyadaada laga soo tarjumo
Dokumentiyada rasmiga ee aad u aruurisay mideynta reerka waxaa loo baahan yahay in la atrjumo. Tarjumida dokumentiyaasha waxey kugu qaadaneysaa qarash lacag ah. Waa inaad adiga iska bixisaa qarashka tarjumaada. Sidaa awgeed, waxaa kuu fiican inaad la sugto tarjumida dokumentiga ilaa aad sharciga deganaansho ee magangelyodoonka ka heleyso.