Dumar iyo caruur jooga xerada qaxootiga banaankeeda
Qodob

Waa kuwan xaquuqdaada iyo waajibaadka hooysiinta magangelyodoonka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/10/2024, 3:24 GD

Xerada Dejinta dhexe ee magangelyo (COA) waxaad la degan tahay dad kale. Xero walba wey kala duwan yihiin. Sidoo kale tashiilaadka laga helo wey kala duwan yhiin. kala Xerada waxaad leedahay xaquuqyo iyo waajibaadyo. Taasina waxii dheeraad ah boggan ayaad ka aqrin kartaa.

Waa kuwan xaquuqdaada xerada dhexdeeda

Hoy kasta oo ku yaal

COA
waxaad xaq u leedahay:

  • sariir lagu seexdo

  • cunto ama lacag aad adigu cunto ku iibsato

  • lacagta dharka iyo alaabta daryeelka

  • daryeelka caafimaad ee daruuriga ah iyo magdhawga kharashaadka caafimaad

  • caawimo iyo hagis

  • magdhawga kharashaadka gaarka sida kharashaadka socdaalka

  • waxbarashada ilmaha ka yar 18 jir

  • gudbinta dacwadaha ku saabsan dadka kula degan, hoyga ama shaqaalaha COA

Kuwani waa tas-hiilaadka iyo hawlaha hoyga

  • Wax ku cunista guriga xerada: Hoy ku meel gaar ah sida badan adigu iskuma kariso. COA waxay bixisaa cunto. Xarunta magangelyo doonka (AZC) inta badan iskaaga cuntada u karsaneysaa oo aad hesho lacag aad cunto ku iibsato.

  • Ku dhaqidda hoyga: Meel kasta oo xero ah waxay leedahay qolka dharka lagu dhaqdo oo aad ku dhaqdo oo aad ku qalajiso dharkaaga. Qolka dhar-dhaqashadu wuu furan yahay waqtiyo gaar ah, tanina way kala duwan tahay xero kasta.

  • Casharka luqada Nederlaanka ama shaqada tabaruca ee xerada Xeryaha dejinta qaarkood waxaad ka dhigan kartaa casharo Nederlaanka ama shaqo tabaruc ayaad qaban kartaa. Ilmaha waxaa xeryaha qaarkood ay leeyihiin siboorti, ciyaaro, dhaqanka iyo muusiga. Xero walba isla wixii lagama helo. Xerada muddada ah waxyaalo badan lagama helo.

Waa kuwan xaquuqdaada xerada dhexdeeda

Inta aad joogtid xerada waa inaad:

  • ilaaliso sharciga u degsan Nederlaanka

  • u hoggaansamo xeerarka xerada (waxaad akhrin kartaa kuwan dambe ee maqaalkan)

  • shaqaalaha COA waa inaad u ogolaataa iney qolkaaga soo galaan baaritaanka waajibka ah

  • waa inaad ugu yaraan 1 mar wiigii aad iska xaadirisaa COA. Waxa COA kuu sheegeysaa meesha iyo saacadda taasi lagaa rabo. taasi waxaa lagu magacaabaa waajibka isxaadirinta)

  • raacdo tilmaamaha shaqaalaha COA

  • waa inaad soo celiso alaabta aad soo amaahatay adigoon waxba soo yeelin markaad baxayso. Haddii alaab ay maqan yihiin ama jaban yihiin, waa suuragal in COA kaa jarto lacagta aad wiiga qaadato

  • u soo sheeg isbedelada xaaladaada dhaqaale COA

Waa inaad saxiixdaa qoraal

Kahor intaadan degin xerada COA, waxaad saxiixday cadeynta xuquuqda iyo waajibaadka. Taas waxa aad ku ballan qaadaysaa in aad u hoggaansami doonto shuruucda xerada.

MyCOA

Waxaad websaaytka COA ka heleysaa warbixinta xerada aad degan tahay

Xerada waxaa ka jira xeerar guri oo ay tahay inaad u hoggaansanto

COA waxay leedahay xeerar guri oo loogu talagalay hoy walba. Xeerarka gurigu waxay xaqiijinayaan jawi nololeed oo wanaagsan oo ammaan ah. Waxay ku saabsan yihiin guriyeynta, (dabka) badbaadada iyo waxa masuuliyadahaagu yihiin.

Haddii aad dhowri weydo nidaamka u degsan ama waajibaadkaaga? waxaa COA:

  • laguu siiyo lacagta toddobaadle oo yar

  • iney kuu bedelaan xero leh nidaam adag. Taasi waxey dhacdaa marka aad (xadgudub culus la sameeyo)

  • u sheeg booliiska haddii aad ku xad gudubto sharciga Nederlaan

Hoos waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan xeerarka COA ee ay tahay inaad u hoggaansamaan:

Kuwani waa xeerarka guriga ee ku saabsan wada noolaanshaha iyo amaanka xerada

Kuwani waa sharciyada guriga ee ku saabsan ku noolaashaha xerada

Kuwani waa xeerarka guriga ee ku saabsan amaanka ka hortaga dabka ee xerada dhexdeeda

Kuwani waa xeerarka guriga ee ku saabsan magdhowda ee xerada dhexdeeda


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful