Shaqo cusub ka hel mudada bandhiga suuqa shaqooyinka ee bilaashka ah
Waxaa jira bandhig suuqa shaqada oo bilaash ah 29 janaayo 2025 fursado shaqo ayaa la helayaa. Waxa suuqa shaqada lagu qabanayaa Johan Cruijff Arena ee Amsterdam. Waxaa imaanaaya shirkado raadinaaya shaqaale cusub. Inaad is diiwaangelisaa waa waajib.
Shaqo raadso mudada suuqa shaqada
Waxaad bandhiga suuqa shaqada la kulmi kartaa shirt=kado raadinaaya shaqaalo cusub. Yaa og, waxaad heli doontaa shaqo cusub. Shirkadahan ayaa tusaal ahaan jooga: IKEA, Philips, Hilton, Mariott International iyo KFC. Waxaa kaloo jooga xafiisyada shaqada oo badan kuwaasoo aad iska diiwaangelin karto. Waxaad qiimeyn kartaa cv-gaaga ama sii hormarin kartaa.
Suuqa shaqada waa Amsterdam
Bandhiga suuqa shaqada waa gudaha Johan Cruyff Arena ee Amsterdam arbacada 29 janaayo, waa 10.00 - 16.00 saac. Waa inaad iska diiwaangelisaa gelitaanka E. Baabuurka ka soskow waxaa Johan Cruyff loogu tegi karaa si fudud tareenka (Intercity iyo Sprinter, baska (laymanka 120, 300, 375, 376, 41) iyo metro-ga 50 iyo 54. Waa inaad uga degataa tareenka ama metrooga Amsterdam Bijlmer Arena ama Strandvliet. Markaa dhowr boqol mitir ayuu kuu jiraa.
Waa inaad ka hor is diiwaangelisaa suuqan
Waa inaad ka hor isdiiwaangelisaa si ay shirkadaha u ogaadaan qofka aad tahay iyo shaqada aad raadineyso. Luqadaha aad ku hadasho.