Bas cad ayaa ka gudbaaya xaduudka Nederlaan.
Laga soo xigtay: Shutterstock / Posteriori
Warar cusub

Waxaa Nederlaan ilaa muddo ay sameynayaa baaritaan xaduudaha ah: waxan ayaad ogaaneysaa

La shaaciyey: 12/9/2024, 12:00 GH

Nederlaan waxay si ku meel gaar ah u baari doontaa xuduudaha. Baaritaankani waxay socanayaan 6 bilood. Dawladdu waxay doonaysaa inay yareeyaan gelitaanka dadka aan haysan fiisaha saxda ah iyo ka hortagaan dambiyada caalamiga ah.

Laga bilaabo 9 disambar waxey Nederlaan bilaabeysaa baaritaan xaduudka muddo ah. Baaritaanadan waa garoonada diyaarada iyo xaduudka Jarmalka iyo Biljimka. Qof walba oo ku socda baabuur, tareen ama diyaarad ku imaanaaya Nedarlaan, waa la baari karaa. Waxaa

Boliiska Xaduuda (KMar)
ayaa baaritaanada fulinaaya.

Caadi ahaan ma jiro baaritaano xadduda u dhexeeya Nederlaan, Jarmalka iyo Biljimka, maadaama ay wadamadan ka tirsan yihiin

dhulka Schengen
. Dhulkani badiyaa kantarool baasaboor la'aan ayaa ku safri kartaa. Ilaa muddo waa loo oggol yahay baaritaanka xaduudyada nidaamka Yurub, haddii ay baaritaanada yihiin kuwo muddo ah. Baaritaanadan waxey soconayaan 9 disambar 2024 ilaa 8 juun 2025. Tani waa la dheereyn karaa haddii ay Nederlaan daruuri u aragto.

Hadda waxaa jira dad aad u yar oo baara xaduudaha

Qof walba oo xaduudka ka gudbaaya, waa la baari doonaa laga bilaabo 9 disambar. Haddana dhowaan wax yar ayaa isbedelaaya. Maadaama ay shaqaalo yari ka jirto KMar waxaa baaritaanka laga sameyn doonaa 5 meel oo ka mid 840 iyo dheeraadka meelaha xaduudka looga gudbo. Taasi wxey micnaheeda tahay inaan dad badan dareemi doonin baaritaanadaas

Waxan ayaad la kulmi kartaa haddii aad baaritaanka xaduudka imaado:

  • Waxaad ku safreysaa baabuur:baabuurta waa la kantarooli karaa meelo baaritaanka gaar ah oo jidka dhinaciisa. Waxaa suura gal ah in jidka lagu daaho baaritaanada awgiisa.

  • Waxaad ku safartaa tareen: Tareennada caalamiga ah, KMar ayaa ku baari kara, xitaa haddii aad tareen saaran tahay.

  • Waxaad ku safreysaa diyaarad: waxaa baaritaano lagu sameynayaa diyaaradaha ka imaanaaya meelaha ay Nederlaan u aragto inay jirto khatar dheeri ah in dadka safraaya iney fiiso sax ah wadan ama dembiile yihiin.

In kasta oo xuduudaha al baaraayo, waxaad weli Nederlaan ka codsan kartaa magangelyo

Ma doonaysaa inaad magangelyo codsato oo xuduudda ayaa lagaa baaraayaa? Markaa u sheeg inta baaritaanka lagu jiro inaad rabto inaad codsato magangalyo. KMar waxay ku geyn doontaa xarunta leyska dhiibo ee Nederland halkaas oo aad ka gudbin karto codsigaaga. Ma ka codsatay magangalyo wadan kale oo ka tirsan Midowga Yurub (EU)? Nederlaan ayaa markaa baari doonta tan. Dalka aad horey uga diiwaangashaneyd ayaa mas'uul ka ah codsigaaga, sida uu qabo nidaamka

Xeerka Dublin
.

Qaxooti ka yimid Yukraye ahaan waa inaad haysataa dukumentiga safarka ee saxda ah

Ma waxaad ka timid Yukrayn oo ma rabtaa inaad ka tagto Nederlaan? Hubi inaad haysato dukumeenti socdaal oo sax ah. Caadiyan kani waa baasaboorkaaga. Fadlan ogow inaad sidoo kale u baahan tahay dukumeenti sax ah markaad Nederlaan ku soo laabanayso.

Miyaad la socotaa carruur da'doodu ka yar tahay 18 jir oo ku jira Midowga Yurub (EU) oo miyaanay waalidkaa ama mas'uulkaagu ku wehelin? Markaa waxaad ogolaansho uga baahan tahay waalidka ama masuulka aan kula socon. Waxaad ka soo dejisan kartaa foom si tan loogu habeeyo ilmahaaga bogga internetka ee dawladda Nederlaan.

Foomka safarka dibadda ee ilmo aan qaan-gaarin

Boggan waxaad ka heli doontaa foomka aad soo dejisan karto haddii aad rabto inaad Nederland la timaadid carruur aan qaangaar ahayn.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful