Laga soo xigtay: Wikimedia Commons
Warar cusub

Ma degan tahay xerada qaxootiga? Markaa waxaa suura gal ah in hoteel lagu geeyo

La shaaciyey: 12/14/2023, 12:00 GH

Waqtigan xaadirka dad badan ayaa jooga xeryaha is dhiibitaanka ee qaxootiga wuu xun yahay. Waa inaad sidaa awgeed aadaa xero kale. Halkan ka aqri sida ay u shaqeeyaan.

Waxaa loo baahan yahay 4.000 oo boosas ah in la helo

Xerada leyska dhiibo Ter Apel

Centraal Orgaan opvang Asielzoekers (COA)
ma jiro boosas ku filan dadka. Waxaa seexan jireen dadka qolalka sugitaanka ee
Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND)
.

Waxaa wasiir ku xigenka Cadaalada iyo Amaanka uu u sheegay NOS in Nederlaan oo dhan dhaqso4.000 ilaa 5.000 boosas ah loo baahan yahay in la helo

. Markaa ka dib ayaa Nederlaan ay qaxootiga qaabili kartaa oo siin kartaa hoyga loogu talo galay.

1.360 qofood oo heysta sharci deganaansho ayaa la geynaayaa hotelka

1 ka mid ah sababaha iney boososka qaxootiga yaraadaan waa guryo la'aanta ka jira Nederlaan. Ma heysataa sharci deganaansho? Markaa waxaad xaq u leedahay guri, laakiin waxaad joogtaa xerada. Maadaama ay guryo la'aan jiraan Nederlaan, dad badan ayaa jooga xerada oo leh sharci heysta muddo dheer.

Ma heysataa sharci deganaansho oo ma degan tahay xerada? Markaa waxaa suura gal ah in hoteel lagu geeyo oo degmada aad mustaqbalka guriga ka heli doonto ku yaala. Sidaa ayaa ku suurageleysaa inaan dadka sharciga heysanin ay boos u helaan. Dadkani degmada ayaa dhaqso guri ugu raadineyso.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada

Waxaad boggan ka aqrineysaa waxa aad sameyn karto haddii aad ku qanacsanayn dejinta COA. Waxaad kaloo tusaale ahaan wadahadal la yeelan kartaa COA ama degmada, ayaa ka ashtakoon kartaa ama ka banaanbaxi kartaa.

Sidaan ayaa guri ku heleysaa

Boggan waxaa ka aqrineysaa sida aad guri ku heleyso.

Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful