2 qof oo codeynaayo oo ku jira goobta codeynta mudda doorashooyinka.
Laga soo xigtay: Patrick Rasenberg
Warar cusub
Nederlaan doorashooyinka ayaa jira: sidan ayey doorashooyinka wadanka u shaqeeyaan
La shaaciyey: 10/31/2023, 12:00 GH

Waxaa 22 noffembar 2023 ay Nederlaan leeyihiin doorashooyin Golaha Wasiirada. Taasi waa doorashooyin aad muhiim u ah oo xadidaaya xisbiyadee ayaa wadanka maamulaaya. Doorashooyinka waa kuwo saameyn ku leh keenista reerka iyo magangelyodoonka.

Xisbiyo iyo musharixiin badan oo kala duwan ayaa ka qeybgalaaya

Waxaa markan ka qeyb galaaya golaha wakiilada 18 xisbi siyaasadeed oo kala duwan. Waxey dhamaantood leeyihiin fikrado u gaar ah sida ay rabaan iney Nederlaan u maamulaayaan. Xisbi kastaa wuxuu leeyahay liiska musharixiinta.

Maalinta doorasada waxey codbixiyaasha ay dooranayaan xisbiga ay u arkaan inuu ugu fiican yahay. Iyo musharax gaar ah oo xisbiga dhexdiisa ah.

Nederlaan ma dooraneysid dowlada

Mudada doorashooyinka waxaad dooraneysaa afhayeenada xisbiyada siyaasada kuwaasoo wadajir u dhisa Golaha Wakiilada. Waana isku darkii 150 siyaasiyiin ah oo Golaha Wakiilada. Ilaa inta qofood oo xisbiga Golaha Wakiilada helaayo, waxey ku xiran tahay inta qofood ee xisbiga ay doortaan.

Inta xisbiyood ee wadajir ugu badan Golaha Wakiilada, ayaa wada dhisaaya dowlada. Xisbiyadani waxey dooranyaansi wadajir ah wasiirada iyo ra'iisul wasaaraha. Markaa shicib ahaan toos uma dooraneysid dowlada.

Dadka waaweyn waxey koleyba wax doortaan 4 sano walba

Caadi ahaan dowlada waxey daka maamuleysaa 4 sano markaa Nederlaanka 4 tii sano walba wey dooran karaan siyaasiyiinta afhayeenada ee Golaha Wasiirada. Maadaama dowlada kuleylahii la soo dhaafay ay is casileen, ayaa waxaa la sameynayaa doorashooyinka ka hor.

Si aad cod doorasho u sameysaa Golaha Wasirada waa inaad ahaataa 18 jir iyo aad heysataa jinsiyada Nederlaanka. Doorashada inad sameyso waa mid iqtiyaari ah.

Magangelyodoon iyo mideynta reerka waa mid muhiim u ah doorashooyinkan

Dowladii hore wey isku raaci waayeen sida ay Nederlaan ka yeeli lahayd magangelyodoonka iyo keenista reerka. Sidaa awgeed ayaa mawduucyadan muhiim u yihiin doorashooyinka soo socda. Xisbiyada hadda la dooranaayaa waa iney wada shaqeyn sameeyaan si arrintan qorshooyin fiican looga sameeyaa. Sidaa awgeed ayaa uga hadlayaan xisbiyada siyaasiga haddaba waqtiyada doorashooyinka iyo ka wada munaaqishida tiifiiga ku qabtaan.

Haddana muddo dheer ayey qaadan kartaa ilaa qorshooyinka cusub la sameeyey iyo la hirgeliyey. Marka hore waa in xisbiyada wadajir ay dowlada dhisaan kuwaasoo guud ahaan isku raacsan mawduucyadan sida looga sahqeynaayo. Ka dibna waa in dhamaan qorshooyinka ay qeyb walba si fiican looga shaqeeyo. Mar mar ayaa sanando ay qaataan ilaa taasi ay ka suurto galeyso.

Isla markii ma dareemeysid saameynta ay dhaliso doorashooyinka

Sidoo kale mawduucyada kale muddo dheer ayey qaadataa ilaa aad ka dareemeyso nidaam iyo sharciyo cusub. Markii ugu dambeeyey ka dib doorashooyinka 2021 waxey qaadatay 299 beri ilaa dowlada cusub la sameeyey.

Ka dib marka dowlada cusub la dhiso, waxaa dowladan cusub sameyneysaa nidaamyo iyo sharciyo cusub. Nidaamyadan iyo sharciyadan waa in laga ansixiyaa aqlabiyada ee Golaha Wasiirada. Iyo Golaha guurtida ay hubiyaan. Doorashooyinka ka dib waqti ayay qaadaneysaa ilaa nidaamyada iyo sharciyada cusub in la hirgeliyo.

Golaha xukuumadda Nederlaan ayaa ku kala qaybsamay dooda ku saabsanayd siyaasadda magangalyadoonka: tani waa waxa aad u baahan tahay inaad ogaato
Boggan waxaad ka aqrineysaa sababta dowlada ay kuleylihii 2023 ay u joojiyeen wada shaqeynta.

Maxey kula tahay qodobkan?