Kooxda Nederlaanka ee EURO Unity Cup
Laga soo xigtay: RefugeeHelp
Warar cusub

"Hadda qof walba ayaan tusi karaa in aad wax walba aad rabto gaari karto"

La shaaciyey: 7/5/2023, 12:00 GH

Waxaa kooxda Nederlaanka u halgameen 28 juun koobka mudadii EURO UNITY Cup ee Frankfurt: waxaa horyaalada Yurub ee taariikh qaxooti leh. "Waa wax qurux badan marka dharka Orange la xiran yahay. Ka dib maalinta xulida iyo tababarada waxaan diyaar u nahay inaad guuleysano!"

Waxaa bilaabanaaya koobka EURO UNITY Cup

Subaxii goor hore ayaa kooxyada waxay isugu yimaadeen xarunta isboortiga ee naadiga hiwaayada ee Weis-Blau ee Frankfurt. Wuxuu naadiga ilaa muddo astaan u yahay horyaalka Yurub: kaasoo ah EURO UNITY Cup. Waxaa horyaalkan Yurub qabanqaabiyey UEFA iyo UNHCR.

16 wadamood oo Yurub ah ayaa ka qeyb qaadanaaya tartanka. Ciyaartoyda wey isa sii diyaarinaayaan tababayaashuna waxey ka hadlayaan qaabka loo ciyaaraayo. Wuxuu EURO UNITY Cup wuu bilaaban doonaa!

"Luqada marna dhibaato ma ahayn"

Waa markii 1aad ee ay Nederlaan ka qeyb gasho tartanka. Xulashada kooxda Nederlaan dhowr wiig ka hor ayaa la sameeyey. Waxaa ciyaartoyda ugu fiican lagu xulay xarunta KNVB ee Ziest

Asalka dadkan hibada leh waxey ka soo jeedaan Afgaanistaan, Ciraaq, Yaman iyo Suuriya. "Luqada marna dhibaato uma aragno. Muddo dheer ayaan wada ciyaarnaa oo si fiican ayaan isu baranay", ayuu yiri Noori oo 29 jir ah. "Marka hore asxaab ayaan nahay ka dibna ciyaartoy kubada cagta."

Qoraalka wuu sii socdaa sawirka ka dib:

"waxaan arkaa inuu qof walba dhamaan wixii karaankiisa ah sameynaayo"

Waxaa wareega kooxyada ee lagu qabanaayo Frankfurt oo Jarmalka ah ay Nederlaan la ciyaari doontaa Isbayn, Swiiska iyo koox isku jira Yurubta Midoobay ah. Kooxyada waxey ka kooban yihiin rag iyo dumar. Ciyaar walba waa in ugu yaraan 1 dumar ay barxada ciyaarta ku jirtaa. Dhamaan ciyaaraha wareega kooxyada waxaa badiyey Nederlaan. Noori:"Waxaan nahay koox fiican. Waxaan arkaa in qof walba dhamaan ixii karaankiisa uu sameynaayo!"

Kubada cagta oo darajada ugu sareeya ah waa riyo ciyaartoy oo badan. Sidoo kale riyada Noori. "Waxaan Yaman u ciyaari jirey xulka qaranka da'yarta ee Yaman. Wax lacag ah laguma siinaayo. Markaa waxaan ugu dambeyn doortay waxbarasho Masar ah. Halkaa ayaa mustaqbal fiican ka arkay."

" Hadal lama rabo, laakiin timir"

Kooxda Orange wax badan wey qoslaan. Waxey maahmaahda Nederlaanka ahaa (hadal looma baahna ee ficil ayaa loo baahanyahay ". Ereyga ah 'ficil'ayey u bedeleen 'timir' wuxuu Noori u arkaa inuu si fiican uga alifay. Wuxuu haystaa ganacsi ah timirta, oo lagu magacaabo Noori Dates

Markii aan soo qaxayey, waan ogaa inaan mustaqbalka rabey inaan lacag badan shaqeysto. Lacagta ayaan wax ugu qaban karaa dadka Yaman si aan u caawiyo."Yaman markuu joogay Noori ganacsade ayuu ahaa. Wuu yaqaanaa timirta ugu fiican dunida sida uu u helo oo kooxdiisana hadda wuu u soo qaaday

Qoraalka wuu sii socdaa sawirka ka dib:

Kooxda Nederlaan oo wada hadal ku jira

"Waxaan rajeynayaa inaan tusaale fiican dadka kale u noqdo"

Kooxda Nederlaanka waxey u sii gudbeen dowrkii semi-finalka oo waxey la ciyaarayaan Ierland. Dhibcuhu waa 0-0, markaasoo ay noqoneyso in rigooraha la sameeyo. Taasina taariikhda Nederlaan ma ahan calaamad wanaagsan.

Weli waxey tahay mid xiiso leh, laakiin Irishka ayaa guusha qaatay. Iyagoo niyad jabsan, haddana madaxa kor u qaadaaya, ayey ciyaartoyda ka tageen barxada. Noori wuxuu yiri." Inaan u ciyaaro Orange, qiimo weyn ayey ii leedahay. Waa riyo oo ilaa yaraanteyda lahaa. Hadda waxaan qof walba tusin karaa in aad gaari karto wax walba oo aad rabto. Waxaan rajeynayaa inaan tusaale wanaagsan u noqdo dadka kale."


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful