2 qof ayaa kafeyga cabaaya shukaansigooda.
Laga soo xigtay: Shutterstock / People Images - Yuri A
Khibrada

Shukaansi Nederlaan: "Aniga waxaa igu adkaa kala fogaanshaha shucuurta"

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/12/2025, 7:36 GH
Waxaa abaabulay:Astaanta liimiga ah ee RFG Media.

Dad badan oo ku cusub Nederlaan waxaa ku adag iney yeeshaan xariir aad u xoogan. Falastiiniyada Dana Motlak (31) iyo Suuriyada Rami Drakzouni (26) ayaa qibradooda nala wadaagaaya ee snnadihii 1 aad ee Nederlaan.

"Imaatinka Nederland waxa ay dareemaysay in ay mar kale dhalatay," ayay tiri Dana. Markii ay u qaxday Netherlands 2019, waxay lahayd qorshe cad: waxbarasho, shaqo iyo nolol. Muddadaas ma jirin fursad xariir ah. Hadda waxay ku nooshahay Utrecht waxayna tababar ku qaadanaysaa urur taageera qaxootiga

Rami (26) wuxuu u shaqeeyaa sidii hogaamiye kooxeed dukaan wuxuuna wax ku bartaa ICT gudaha Utrecht. Sidoo kale kama fikirin cilaaqaadka markii uu Nederlaan yimid 2017. "Waxaan lahaa fikrad sareysa oo Yurub, xaqiiqadu waxay noqotay mid ka duwan. Waxaad isla markii aad imaado waxaad leedahay dhammaan noocyada waajibaadka. Waa inaad la qabsato cimilada cawlan oo aad bixiso canshuur."

Waxaa Nederlaan Dana ay isla markii la xariirtay dadka ku hadla af Carabiga. Haddana si kale ayey dareentay. Dhaqankooda waxaa saameeyey shaqsinimada iyo kala fogaanshaha ee Yurub. "inan qofka kale caawiyaa, waa dabeecadeyda. Haddii aad baska sugeyso, qofka waa la sheekeyneysaa ilaa aad isla markii baaskiilka sii wadato oo gacanta haatin sameyso. Halkan badiyaa keigey ayaa taagnaa oo baska sugaayey."

"Waa inaad online-ka ka raadisaa xariir"
- Dana

Xariir shukaansi oo laga raadiyo App shukaansi ama adigoo talaabada koowaad qaada

Ka dib markii ay waxbarashadeeda dhameysey, waxey Dana diyaar u ahayd xariir. Waxey soo dejisatay Tinder. Sidii waqtiyadii hore taasi kama suurta galeyso halkan. Halkaasoo aad qof aad aqoon isku dhici jirteen oo kaa caawinaayey inuu alaata kula aruuriyo." Dana ayaa sidaa u kaftantay.

Rami appka shkaansiga uma shaqeyn. "isla markiiba app-ka waa tiray. Dadka waxey online-ka tusaayaan dhinacooda ugu fiican. Isku aadinta badiyaa waxyaalo fudud ayaa laga soo qaadaa. Waxaa loo dareemaa wax aan sax ahayn. Qof inaad la kulanto nolosha dhabta ah wey adkaan kartaa. Waa inaad adiga tallaabada 1 aad qaadaa." Wuxuu la kulmay 1 sannad ka dib markuu Nederlaan yimid gabar dhalinyaro ah oo meel kafeyga joogta. Wuxuu dareemay iney iyadana xiiseyneyso. Asaga ayaa u tagay oo weydiiyey haddii uu Instagram ku darsan karo.

"Haddii aad online-ka shukaansi ka raadineyso, waxaan dadka kula talinayaa iney waqti qaataan marka leysku aadiyo ka dib", tiri Dana. waxey ka digeysaa fetisjisme ku saabsan qowmiyada. "Nimanka qaar ayaa naagaha Carabta raadinaaya maadaama ay ka qabaan fikrado ah in haweenka carabta yihiin kuwo is hooseysiiya oo aan lahayn shaqsiyad u gaar ah. Iska ilaali ragga noocan ah."

Markii hore waxey rajeyneysey nin Carabiga ku hadla. Laakiin waxaa ku beegmay nin Nederlaan ah. "Waxaa astaamahiisa si fiican ugu haboonaa keyga. Waxaan yeelanay wadahadlo qoto dheer. Wuxuu u muuqday qof degan iyo qabow iyo taasoo i soo jiidatay. Aniga waxaan u bartay xiriiro aad u daran."

"Waxaan saaxibadeyda ka bartay ku hadalka luqada Nederlaanka"
- Rami

Ka barashada Nederlaanka xariirkaaga

Dana waxaa caawiyey iney Inglishka si fiican ugu hadleysey, laakiin taasi waxey sababatay ineysan dhaqso Nederlaanka uga baranin saaxiibkeeda Nederlaanka. Rami kuma hadleynin Inglish fiican oo wuxuu Nederlaankiisa dhaqso ku fiicnaaday saaxiibadiisa awgeeda. waxey i bartay luqada hadalka ee aan iskuulka lagu barn. "Laakiin maadaama Rami uu luqada baranaayey, wuxuu xariirka ahaa mid aan qoto dheereyn. "Waxa keliya aan ka hadli jirney arrimaha nolol maalmeedka. Waxaa naga maqnaa u guda gal xariirka ah. Markaa 6 bilood ka dib waa kala tagnay."

Dana: "Waxaan dareemay ku xirnaansho dheeraad oo bulshada Nederlaanka markii aan la kulmay saaxiibkeyga waalidkiisa. Wey isoo dhaweeyeen oo naxariis ayey lahaayeen. "Haddana waxaa jirey caqabado waaweyn. "Waxaa igu adkaa shucuurta oo xadidan xagga bulshada iyo saaxiibkeygaba. Nederlaanka waa wax qabad ku nuglan marka loo eego shucuurta. Waa qadarinayaa nuglaantan, laakiin waa in mar uun uu qofka qoloftiisa ka soo baxaa si uu qofka kale u dareemo. Haddii kale keligaa ayaa taagan tahay oo mar walba waxaad tahay shisheeye, xitaa haddii aad dadaal badan sameyso."

"Ha ka cabsanin in lagu soo diido"
- Rami

Wada xariirka ayaa ugu muhiimsan

Sannadihii la soo dhaafay Rami dumar dhaqamo kala duwan ka soo jeeda ayuu shukaansaday. " Ka hor ma sii go'aansan kartid qofka aad jeclaaneyso. Markaa dhaqanka kalama jecli. " Wuxuu xoojiyey inaad lahaato rajo suurta gal ah iyo inaadan ka cabsanin inaad tallaabada qaado. "Dad badan ayaa ka cabsada in la soo diido. Waxa ugu xun ee dhici kara waa in "maya" lagu yiraahdo. Taasina masiibo ma ahan."

Xariir ka dhexeeya laba qof oo kala dhaqan ah wuxuu noqon karaa wax aad u fiican". ayey tiri Dana. "Laakiin labada dhinac waa iney dadaal badan geliyaan. Iyagoo wadahadlaaya ayaa meel dhexe isugu imaan karaan. Taasi waa la mid ilaa xad bulshadeed oo ballaaran. Nederlaanku xitaa wax bey la baran karaandhaqanada kale. ciyaarta tango 2 qof ayaa la rabaa."

Sheekadan waxaa qortay Judy Karajoli ee RFG Media iyadoo ay wada shaqeynayaan RefugeeHelp.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful