Noori wuxuu la taliyaa dadka cusub xagga arrimaha ganacsiga:"Nederlaan waa waddan waraaqo badan"
Maqaayad Eritreeyaan ah oo gebigeeda cusub oo ku yaala xarunta tareenada Alkmaar ayaa waxaa ay kawada hadlaayaaan Noori iyo Nardos sida ugu wanaagsan ee aad ganacsi ku bilaabi karto Nederlaan. Noori oo asagaba ka bilaabay ganacsi Nederlaan, ayaa talo siinaaya ganacsatada Eritreyaanka ah.
"Iyadoo mahada leedahay Stichting Pangea ayaa riyadeyda awooday inaan run ka dhigo"
"Albaabka banaanka marar badan yuu furmin", ayuu Noori kula taliyey Nardos, asagoo tilmaamaaya sensoorka. "Haddii kale martida qabow ayuu ku noqonaayaa oo markaa lacag badan ayaa laguu keenayaa kuleylinta ah. Aniga waxaan aqaanaa qof taasi kuu hagaajin kara."Ka dib wuxuu yiri: "Alaabtaada dhig meel ay ka muuqanaayaan, markaa wax badan ayaad gedi doontaa."
Tababaraha shaqada ee ururka Stichting Pangea wuxuu ganacsade Noori la wadaagaa qibradiisa sida shirkad loo asaaso Nardos. Iyo wuxuu siinayaa iney shabakadiisa gasho. Ururkani waa isla midkii 2 sano ka hor ka caawiyey markuu asaga shirkadiisa timirta uu Nederlaan ka bilaabayey. "Dartoodaan ku heystaa dhamaan shahaadooyinka lagama maarmaanka ah iyo shirkadaha waaweyn oo macaamil ii ah."
Nardos oo eritreeyad: "Aniga waan qiimeynayaa talooyinka Noori. Ururka si fiican ayey ii caawiyeen markii aan dhisaayey maqaayadeyda. Ma ahayn keliya xagga maamulka, xitaa ranjiyeynta iyo alaab dhigida. Iyagaa ii suura geliyey inaan sameeyo waxa aan ugu jecelahay. Ma ahan keliya inaan dadka cunto macaan dhadhamiyo, xitaa waa qaab fiican oo Nederlaanka ay ku baranayaan dhaqanka Eritreeyga"
Waraaqo la'aan Nederlaan waxba ma qaban kartid"
Noori waxuu ku dhashya Yaman, wuxuu xerada AZC ka bilaabay inuu qorsho ganacsi sameeyo. Familkiisa ayaa ka ganacsada timirta Yaman iyo Noori wuxuu aad u rabey sidaasoo kale inuu ka sameeyo Nederlaan.
Ka dib markii Nederlaan uu magangelyo weydiisato, wuxuu qaatay casharo ganacsiga ku saabsan asagoo weli xerada ku jira. Wuxuu kaloo qoray.
" Waxaa Yaman ku aqaanay sida ganacsi loo bilaabi karo, laakiin Nederlaan aad ayey uga duwan tahay. " Waxaa Noori la weydiiyey haddii uu leeyahay meel uu ku keydiyo alaabtiisa ama inuu heystay shahaadooyinka saxda ah. "Waxaa Yaman waxaa badiyaa ganacsiga lagu sameeyaa dareenka iyo Halkani waa inaad wax walba warqad u heysataa. Haddii kale meel dheer ma gaareysid."
"Haddii aan xasuusto sida aan ku bilaabay, aqoon badan uma lahayn ka ganacsiga Nederalaan. Wax walba keligey ayaa sameynaayey, xitaa waxyaalaha aan waqtiga u heynin. Aniga bilow ayaan ahaa oo qaladaad badan oo bilowga ayaan sameeyey. Laakiin anigana wax badan ayaan ka bartay oo isma dhiibin," ayuu yiri asagoo faraxsan.
"Waxaad u baahan tahay taageero oo la xariirahaaga degmada"
La xariiraha ayaa Nardos ka caawisay iney qorshaha sida loo sameysto ganacsiga loo bilaabo. Waxaa markaasi ay ku xireen Ururka Pangea. Laakiin la xariiraha degmada mar walba sidaa dadka uma caawiyaan, ayuu yiri Noori. " Haddii aad ganacsi kuu gaar ah rabto, ma ahan keliya inaad afka ka sheegto ee waa inaad muujisaa."
Nederlaan waa waddan waraaqo badan. Sameyso qorsho ganacsi. Sameyso miisaaniyad. Muuji waxa aad rabto iyo sida aad rabto inaad taasi ku gaari doonto. La xariirayahaaga arko niyada aad u heyso arko, markaasi qofkaasi ayaa kula fekeraaya. Tusi: aniga tan ayaan raba!"
Talooyinka Noori haddii aad ganacsi kuu gaar ah bilaabi rabto
Noori wuxuu hayaa dhowr tallooyin muhiim ah ee dadka raba iney ganacsi u gaar ah bilaabaan: