Nin iyo naag oo dib isu arkaaya marka qoyska la mideeyo.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Selma van der Bijl
Qodob

Waa inaad dhaqaale ahaan arrimahan habeysaa marka xaaladda qoyskaaga is bedelo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/29/2025, 12:20 GD

Haddii ay xaaladaada qoyska is bedesho, taasi waxey saameyn kartaa daqligaaga iyo qarashka aad bixiso. Haddii aad qof wada degaysaan, guursaneyso, ilmo kuu dhasho, aad qof is fureysaan, ama lammaane kaa dhinto. Maqaalkan ka aqri waxa aad habeyneyso xaaladaha isbedela ee reerka.

Qof ayaa isla degeysaan

Haddii aad qof isla degaysaan, taasi waxey saameyn ku leedahay ceyrtaada, kabista iyo sidoo kale canshuurta. Kuwan waa arrimaha ugu muhiimsan inaad habeyso:

Ka diiwaangeli inaad wada degaysaan degmada

U soo gudbi isbedelada xaaladaada ee ceyrta

Iska fiiri oo kabista iska hagaaji

Waxaad sameyn kartaa ceymiska alaabta oo wadajir ah

Waad guursaneysaa ama waxaad sameyneysaa lamaanaha diiwaangashan

Marka leys guursanaayo ama wada noolaanshaha diiwaangashan waxaad dhaqaale ahaan u noqoneysaan lammaane rasmi ah xagga Canshuuraha. Taasi waxey saameyn ku yeelan kartaa kabista, ceyrta iyo canshuuraha

U soo gudbi isbedelada xaaladaada ee ceyrta

Iska fiiri oo kabista iska hagaaji

Waxaad sameyn kartaa ceymiska alaabta oo wadajir ah

Hadda wadajir ayaad canshuur celinta sannadlaha u sameyn kartaa

Diyaarso lacagtaata hawlgabka haddii 1 adinka ah uu dhinto

Waxaad qori kartaa dardaaran

Waxaa kuu dhalanaayo ilmo

Haddii ilmo kuu dhasho, waxbaa iyada iska bedalaaya xaaladaada dhaqaalaha. Dhalashada ilmaha ayaa sababaaya inaad adiga iyo lammaanahaaga noqotaan shuraako dhaqaale sida aya qabaan adeega Canshuuraha. Waxaad kaloo heli kartaa kabisyo gaar ah iyo lacagta ilmaha. Tani waa inaad sameysaa:

Waxaad si toos ah u noqoneysaa lammaane xagga kabista

Iska fiiri oo kabista iska hagaaji

Waxaad dalban kartaa lacagta caruurta

Sidan ayaad u dalban kartaa lacagta gaarka ee ilmaha

Waad kala tageysaan ama waad is fureysaan

Marka aad isfureysaan ama la joojinaayo wada noolaanshaha waxaa imaanaaya arrinmo badan oo maamul dhaqaale ah. Kuwani waa tallaabooyinka ugu muhiimsan.

Hadda ma tihiin lammaane xagga kabista

Waxaad iska saareysaa cinwaanka

Waxaad habeyneysaa masruufka ilmaha

Waxaad hagaajineysaa ceymiska iyo hawlgabka

Waxaad kala qeybsaneysaa hantida aad wada leedihiin

Lammanahaaga ayaa dhintay

Dhimashada lammaanhaaga waxey leedahay cawaaqib dareenka iyo kuwo dhaqaale ah. Haddii uu lamaanahaaga dhinto waa inaad aasitaanka abaabushaa, taasi waxey ku kaceysaa qarash. Haddii uu lammaanahaaga leeyahay ceymiska aasitaanka, waxaa qarashka bixinaaya ceymiska ama qeybta ugu badan. Mar mar waxaad heleysaa dhaxal lammaanahaaga. Taasi waa inaad dhaqaale ahaan u dabirtaa haddii uu lammaanahaaga dhntay:

U soo gudbi isbedelada xaaladaada ee ceyrta

Iska fiiri oo kabista iska hagaaji

Mar mar waxaad dalban kartaa ceymiska qofka laga dhintay

Mar mar waxaad xaq u leedahay qarash hawlgabka dadka laga dhintay

Mar mar ayaa ceymiska dhimashada lacagta lagu siin karaa


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful