Naag ayaa laga caawinaayaa buuxinta dokumentiyada oo shaqaalaha VluchtelingenWerk Nederland ka caawinaayaa.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Goedele Monnens
Qodob

Marka la codsanaayo keenista qoyska ee IND

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:28 GH

Maka soo baxayaan xubnaha reerkaaga sharuudaha keenista reerka? Ma dokumentiyada aad heysato ma ku soo sameysey tarjumaad? Markaa codsiga keenista reerka ayaa ka bilaabi kartaa IND. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii aad arrintan lagaa rabo inaad sameyso.

U codso fiisaha xubnaha qoyskaaga

Waxaad ka dalbanaysaa isukeenida qoyska

Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND)
. IND waxay ku talinaysaa inaad soo gudbiso codsiga xubinta qoyskaaga.

Waxey IND qiimeyneysaa haddii aad heleyso sharciga. Haddii ay haa tahay, wuxuu qofka qoyskaaga safaarada ka soo qaadanayaa

Oggolaansho deganaansho muddo ah (MVV)
. Tani waa fiiso lagu soo safro.. Marka uu imaado qofkaasi reerkaaga ah Nederlaan ayaa la siinayaa sharci deganaansho.

Siyaalo kala duwan ayaad u codsan kartaa isukeenida qoyska

Waxaa jira 2 qaab oo aad keenista reerka u dalban karto ee IND:

  • Xagga Online-ka

  • Qoraal ahaan xagga boostada

Xagga interneetka: "Aanvraagformulier gezinshereniging regulier'

Waxaad websaaytka IND ka buuxin kartaa foomka keenista qoyska. Ha dooranin midk "nareis', waayo taasi waxaa loogu talo galay dadka 3 bilod gudahooda ka dib markii ay sharciga magangelyo heleen 3 bilood gudahooda ku weydiisanaaya keenista qoyska.

Qoraal ahaan: codsiga keenista reerka "Aanvraagformulier gezinshereniging regulier'

Waxaad ka soo dejisan kartaa websaaytka IND foomka codsiga ee keenista qoyska.

Qarashkan ayey kalifeysaa codsiag keenista qoyska

Haddii aad 3 bilood ka badan marka aad sharciga heshay dalbato keenista qoyska, waa lacag. Codisga keenista qoyska wuxuu noqonayaa € 210,-.

Lacatan laguuma soo celin doono haddii codsigaaga la soo diido. Mar walba iska hubi inuu codsigaaga kaamil yahay inta aadan u dirin IND.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful