Nin iyo naag oo dib isu arkaaya marka qoyska la mideeyo.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Selma van der Bijl
Qodob

Marka qoyska la mideeyo ka dib waxaa suura gal ah inaad sharci deganaansho adiga kuu gaar ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:29 GH

Ma waxaad Nederland u timid sababtoo ah xubin qoyskaaga ayaa codsaday dib u midoobid qoyskaaga? Markaa ma heli doontid ogolaashahaada joogitaanka, laakiin waxaad heli doontid ogolaanshaha joogitaanka ee ku xiran midka qoyskaaga. Waxaad codsan kartaa sharci deganaansho kuu gaar ah. Waxaad wax badan oo ku saabsan ka akhrin kartaa boggan.

Mideynt qoyska waxaa heleysaa sharci deganaansho mid kale ku xiran

Nederlaan waxa ka jira 2 nooc oo kala duwan oo sharci magangelyo. Waxa

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada(IND)
qiimeeya ogolaanshaha joogitaanka ee aad heli doonto. Hadii aad ku hesho ogolaanshaha joogitaanka qoyska, waxaad heli doontaa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada oo mid kale ku xiran. Waxaad mar dambe codsan kartaa sharci degenaansho magangalyo oo madax banaan.

Hoos ayaa ka aqrin doontaa 2 nooc ee sharciga deganaanshaha magangelyada:

  • Deganaansho magangelyo laga bixiyey deganaansho shaqsi kale

Ogolaanshaha deggenaanshiyaha la helay waxay ku salaysan tahay ogolaanshaha joogitaanka xubin qoyskaaga ee Nederland. Ilaa mudada sharcigaaga socdo, waxey ku xiran tahay mudada sharciga deganaanshaha ee qofka familkaaga uu socdo. Sharciga wuxuu ku qoran yahay magaca qofka reerka.

  • Deganaansho magangelyo madaxbanaan

Ogolaanshaha degenaanshada madax banaan macnaheedu waa in aad Nederland ka codsatay magangalyo kaaga ah. Iyo in adiga laftaadu magangalyo Nederland lagaa siiyay. Ogolaanshaha joogitaanka wuxuu ku qoran yahay magacaaga.

Deganaansho magangelyo laga bixiyey deganaansho qof reerkaaga ayuu ku xiran yahay jooga Nederlaan

Ogolaanshaha deggenaanshada madax-bannaani waxa uu soconayaa 5 sano. Haddii tani ay ku dhowdahay inay dhacayso, waxaad waydiisan kartaa IND inay kordhiso. Waxaad sidoo kale codsan kartaa sharciga degenaanshada joogtada ah wakhtigaas. Deganaasho qof kale ku xiran ma samayn kartid taasi laftaada.

IND waxay kaloo joojin kartaa oggolaanshahaaga joogitaanka haddii xiriirka aad la leedahay xubin qoyskaaga uu dhammaado, tusaale ahaan xubin qoyskaaga ka mid ah ayaa dhinta. Ama sababtoo ah adiga iyo lamaanahaaga ayaa kala tagaya. IND iney joojin doontaa oggolaanshaha xubin qoyskaaga? Markaas waxaa jirta fursad wanaagsan oo IND ay sidoo kale joojin doonto sharcigaaga deggenaanshada.

Waxaad sharci deganaansho magangelyo ka weydiisan kartaa IND

Ma heysataa sharci deganaansho ku xiran qof, laakiin ma rabtaa sharci kuu gaar ah? Waxaa kaloo sharci deganaansho kuu gaar ah ka weydiisan kartaa sharuudadaha qaarkood ka soo baxeyso. Taasi waxaa ka sameyn kartaa adigoo magangelyo ka weydiisato IND. Taasi waxaa keliya suura gal tahay haddii aad Nederlaan joogto.

Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha

Waxaad Nederlaan sharuudo gaar ah awgeed ku weydiisan kartaa magangelyo. Waxaa Adeega Socdaalka iyo dhalashada (IND) ayaa ka go'aamineysa inaad sharuudaha ka soo baxeyso. Markaa ka dib waxey IND go'aamineysaa nooca sharciga magangelyada aad heleyso nooca a ama b. Ma weydiisan kartid magangelyo Nederlaan haddii aad dibada joogto.

Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful